Hargeysa, 24 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo socdaal galay maalintii saddexaad ku joogaa gobollada Bari ee dalka, ayaa shalay kormeer ku sameeyey Ilaha dakhli-ururinta ee xafiisyada dawladda Magaalooyinka Laascaanood iyo Caynaba, kuwaas oo uu u dhagax-dhigay dhismayaal cusub.
Wasiir Maaliyadda Somaliland waxa kale oo uu kormeerkiisa ku maray Xarumaha Dawladda ee magaalooyinkaas oo uu ku jiro Cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood, waxaanu halkaas ugu ballan-qaaday inay baahiyaha jira wax ka qaban doonaan xukuumad ahaan.
Waxaa sidan lagu sheegay qoraal kooban oo wasaaraddu ka soo saartay socdaalka wasiirka, ayaa isaga oo dhammaystiran lagu sheegay sidan: “Waxa maalintii labaaad weftiga uu horkacayo wasiirka wasaarada maaliyada mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale kormeer shaqo uu ku marayaa gobolada bariga Somaliland taas oo maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 23/02/2015 uu salaaddii hore ku jarmaaday gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood halkaas oo masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Sool oo uu horkacayo Badhasaabka Sool ay kaga horyimaadeen Kaantaroolka galbeedka magaalada Laascaanood. Wasiirka maaliyaddu markuu gaadhay gudaha magaalada waxa uu dhagaxdhigay goob loo dhisi doono Kastamka Laascaanood taas oo dhulka laga dhisi doonana ay bixisay Dawlada hoose ee degmada Laascaanood, waxaana dhagaxdhigaas goobjoog ka ahaa dhamaan masuuliyiinta gobolka Sool iyo degmada Laaascaanood taas oo ay wasiirka maaliyaddu uga mahad celiyeen qorshaha dhismaha xafiisyada dawladda ee ay ugu horayso dhismahan wasaaradda Maaliyada. Waxa isna halkaas ka balanqaaday duqa degmada Laascanood inuu bixin doono wixii dhul looga Baahdo dhismaha xafiisyada dawladda. Waxa intaas ka dib uu wasiirka maaliyadu uu kormeer kusoo maray dhamaan hay’adaha dawladda ee gobolka. Meelaha uu soo Booqday wasiirku waxa ka mid ahaa cusbitaalka degmada Laascaanood halkaas oo uu soo maray waadhadhka kala duwan ee uu ka koobanyahay cusbitaalkaasi isagoo dhamaan bukaan jiifkii halkaa yaalayna midmid u eegay,sidoo kale waxa uu wasiirku shir lagalay masuuliyiinta cusbitaalka Laascaanood isagoo u balanqaaday in uu wax weyn kala qaban doono baahiyaha cusbitaalkan kulankaas oo uu ku wehelinayey gudoomiyaha gobolka Sool iyo duqa degmada Laascaanood.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka lagu faahfaahiyey socdalka Wasiirka.
Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in wasiirku Xafiiska Badhasaabka kulan ballaadhan kula qaatay masuulilyinta gobolka iyo degmada ee hay’adaha dawladda, waxaanu madaxda heer degmo iyo gobol ugu baaqay inay xoogga saaraan dhinaca horumaraka Gobolka.
Waxa kale oo qoraal lagu faahfaahiyey socdaalka wasiirku ku tagay magaalada Caynaba ee gobolka Saraar. “Intaas ka dib waxa uu wasiirka maaliyaddu dib ugu soo laabtay gobolka Saraar halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxda gobolka Saraar iyo masuuliyiinta degmada Caynaba waxaana halkaas ka hadlay guddoomiyaha cusub ee gobolka Saraar,duqa degmada Caynaba ,xubno ka tirsan golaha degaanka Caynaba iyo masuuliyiinta kale ee booliska iyo kastamka waxaana la isla qaatay in si wadajira loogu hawl galo sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa.
Wasiirka maaliyada mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo weftigiisu waxay safarkii kusoo gebogebeeyeen kormeer ay ku tageeen dhismaha waddada cusub ee Burco iyo Ceerigaabo taas oo ay soo eegeen tuulada Ina-Afmadoobe ee wadadaas laga Bilaabay, wadadaas oo qaybtii ugu horaysay oo laamiya uu madaxweynaha JSL uu xadhiga kasoo jaray Bishii Jan 2015, waxaana waddadaas qalabkeeda iyo dhismaheeda kharashka ku baxa uu yahay mid wasaaradda maaliyaddu miisaaniyada ku daraaysay labadii sano ee u danbeeyay marka laga reebo qaadhaanka ay Bixiyaan muwaadiniinta Somaliland.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment