Tuesday, February 24, 2015

Kenya Oo Darbi Ka Dhisaysa Xuduudda ay La Leedahay Somalia Iyo Sababta Keentay

Nairobi:Feb,24,2015(Himilo)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa saaka aroortii hore saaka Ciidamo Xooggan soo dhoobtay Xuduudda ay la leedahay Somalia, waxana ay ku dhawaaqday inay Darbi ka dhisayso Xadkaas, gaar ahaan Deegaanka Lamu.

garoGuddoomiyaha Lamu Issa Timamy ayaa sheegay in darbigan uu ka hortagi doono soogalootiga sharci darada ah iyo kor u qaadista nabadda gobolka.

Mr. Issa Timamy ayaa intaa ku daray in qorshahan uu dhawaan bilaabanayo, isla sanadkan gudihiisana uu dhamaan doono.

Kenya ayaa go’aankan gaadhay si ay u adkeyso nabad galyada dalkaasi oo sida ay sheegtay khatar joogta ah uga timaado dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.

Goobaha uu gidaarkan gaadhi doono waxaa ka mid ah Ishakani iyo Ras Kamboni, lamana oga in arinkan ay wax ka badali doonto nabad-galyo xumida ay ka sheeganayso Kenya.

Sidoo kale ciidamadan Cusub ee Haatan Kenya xadkeeda soo dhoobtay, ayaa sababtooda lagu sheegay inay salka ku hayso Hanjabaad dhawaan ay kooxda Al-shabaab jeedisay oo tilmaamaysay inay weerarro geysan doonaa.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment