Saax-dheer, 25 Feb, 2015 (Himilo)- Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira gaadhsiiyeen Malleeshiyaadka Kooxda la baxday Khaatumo State oo jid-gooyo u galay xilli ay Ciidanku hawlgal ugu baxeen deegaanka Saax-dheer oo la sheegay in Xubno Kooxdaa ka tirsani dhaqdhaqaaqyo nabadgelyo-darro ah ka wadeen.

Iska horimaadka Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka Khaatumo oo dhacay galabnimadii shalay ayaan weli laga hayn faahfaahin dheeraad ah khasaaraha ka dhashay, inkasta oo warar aannu ka helnay deegaankaasi sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi ka soo gaadhay kooxda Khaatumo, halka Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku dhaawac gacan ka soo gaadhay.
Ciidanka Qaranka, ayaa wararka aannu ka helayno jiidda hore sheegayaan inay aroornimadii shalay u gaadheen magaalada Saax-dheer oo 70-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, in shaqsiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Khaatumo oo dhaqdhaqaaqyo la sheegay inay ka wadaan meesha ka saaraan, ayaa la sheegay intaanay gaadhin horteed ka baxeen kooxdii Khaatumo.
Warku waxa uu intaas ku daray, in markii ay Ciidanka Qaranka Somaliland dib u soo noqdeen, ay weerar kala kulmeen maleeshiyaadka kooxda Khaatumo oo jid-gooyo ugu galay meel u dhexeysa Saax-dheer iyo Dharkayn-geeyo, balse markiiba ka saareen aaggii kooxda Khaatumo, isla markaana firxadkoodii xadka Somaliland la wadaagto Itoobiya ee dhinaca Saax-dheer ka tallaabeen, halka Askari la sheegay inuu ka dhaawacmay, mid kalena dhintay.
Iska horimaadkaa ayaa wararku sheegeen inuu Ciidanka Qaranka ka soo gaadhay khasaare hal Askari oo ka dhaawacmay gacanta oo dhaawac fuddud ah, halka, waxaanay wararku intaas ku dareen in Ciidanka Qaranku haatan ku sugan yahay oo ay degeen halkii iska horimaadkaasi ka dhacay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment