
““Waxaanu ka xukuumad ahaan ku kalsoonahay in dadkayagu wixii aanu u qabanay nagu dooran doonaan iyo sida wixii naloo dhiibay aanu uuga soo baxnay”
Sida aynu ognahay dalka Somaliland waa mid nabadoon isla markaana ku dhisan rabitaan ummaddeed, waana dal shacabka ku nooli isku dhaqaan sharci dhamaanba dhinacyada kala duwan ee nolosha ah.
Marka aynu ka hadlayno doorashooyinkana waxaa majaraha iyo maamulka u haya gudi “komishan” loo igmaday inay dhex u noqdaan dadka ku hirdamaya tallada dalka.
Haddaba, iyada oo aynu ognahay hanaankii xukuumada maanta talada dalka haysaa ku timid kursiga dalka oo ahayd doorashooyin xaq iyo xalaal ah isla markaana aanay wali dhamaan muddo xileedkii loo igmaday ayaa waxa soo baxaya hadalo muujinaya kalsooni daro iyo cabsi doorasho oo soo yeedhaysa xilli aanay gaadhin wakhtigii la tartami lahaa.
Anagu ka xukuumad ahaan waxaan ka sugaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka in ay asteeyaan wakhtiga doorashada, wakhti walba oo ay soo gudbiyaan inay doorasho ku hirgali kartana waanu u hogaansamaynaa waanan ku qanacsannahay, tartana diyaar ayaan u nahay oo waaba kaan ku nimid.
26ka June haddii ay doorasho dhici waydo oo ay qaban waydo cidii loo igmaday, ma jirto nin Suurtii afuufaya mana jirto in hanjabaad iyo hadidaad toona aanu kursiga kaga tagayno, Madaxweynaha si sharci ah ayaa loo doortay xukuumadiisuna si sharci ah ayaanu ku joognaa, si sharci ah ayaanan ku sii joogaynaa haddii doorasho wakhtigaas ku dhici waydo
Marwalba anagu doorasho ayaanu diyaar u nahay mana jirto baqo aanu ka qabno doorashada iyo cid kale oo naga helaysa waayo waanu is muujinay oo waad arkayseen in Madaxweynuhu guud ahaanba dalka maray bari iyo galbeed, buur iyo banaan, meel walbana lagu soo dhawaynayey wixii uu dalka ka qabtay waxaanan haysanaa taageeraha dadkii shalay na doortay iyo ka badanba
Waxaan leeyahay nin walba oo ku hamiyaya inuu na badelo ama uu hanto hogaanka dalka “dariiqeeda ha u soo maro, tacabkeeda iyo dedaalkeedana u gal, maalinta aad naga heshana waanu kugu galbinaynaa laakiinse ha ku tashan cabsi galin iyo hanjabaad oo malaha Madaxweynaha iyo raga ku xeeranba waad garanaysaa oo ma nihin dadkii cabsida ku tagayey!
Waxaanu ka xukuumad ahaan ku kalsoonahay in dadkayagu wixii aanu qabanay nagu dooran doonaan, in ay nagu dooraan doonaan wixii naloo dhiibay sidaan uga soo baxnay.
Waxa in badan dhacda marka la garan waayo si shacabka looga iibiyo siyaasad hufan iyo qorshayaal cadcad in si fudud loogu soo koobo “halka dalku marayo waad arkaysaan!!”
Waa dhab oo waa la arkayaa in dalku horumar iyo hour-socod marayo iyo in dalku bashbash iyo barwaaqo marayo ee adigu bal sheeg halka dalku marayo!
Waxa hubaal ah inaanay cidiba nagu haysan inaanu dalka horumarinay iyo inaanu waxqabad horay looga qaban ka qabanay Illaahay fadligii oo waa guul guud ahaanba qaranka u soo hoyatay ee ha ka dafirin libinta dalkeena u soo hoyatay.
Waxa xaqiiqo ah in Madaxweynuhu wixii shacabkiisa uu hore ugu balan qaaday fuliyey, waxaana marag ma doon ah in waxbqabad muuqda iyo horumar iftiimaya dalkeena ka hirgaleen haddaba, ninka nala tartamayoow sheeg waxa aan ka gaabinay iyo dhaliilaha aad xaqa u leedahay laakiinse Xaasha! La isma dafiro haddiibase aad adigu is tidhaahdo dafir TAARIIKHDU NA DAFIRI MAYSO, dalka iyo dadkuna na dafiri maayo.
Waxaan leeyahay shacabka Somaliland ee qiimaha badan, aynu u guntano horumarinta dalkeena oo aynu isugu duubnaano sidaynu awalba isugu duubnaan jirnay, cid walba oo wax qoonsatana waxay xaq u leeyihiin in ay kalmadooda la gole yimaadaan waayo dalkeenu waa mid xor ah isla markaana la isku cabudhin fikirka iyo tallada waana laga dhagaysanayaa.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment