Qoraalkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

“Our greatest Natural Resource is the Minds of our Graduates”
“Waxay ahayd xalay kadib markaan kullan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabiley
Waxay ahayd madal sharfan oo aan helnay 64 “Afar iyo LIxdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doona dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada
Waxa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen
Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya Illaahii uurka hooyadii ku arsaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho
Waxaan ku boorinayaa inay noqdaan halyeeyo u heelan horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa, Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan :
“Laba wiil ayaa waxa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna ugu jawaabay “Walaalkay ayaa ii iibshay”
Labadii wiil waxa ku soo kala dhacay labadan fikiradood
A. Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha
B. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha
U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona wax bixiya midna wax qaate!
Waan idiinku hambalyeynayaa inaad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah “A person without Education is like a bird without wings”
Wa Bilaahi Tawfiiq
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment