Wednesday, February 25, 2015

Dalladda SONYO oo Wasaaradda Waxbarashada Ku Wareejisey Laba Kun oo Buug oo lagu dhigi Doono Iskuullada Dalka

“SONYO oo laba Kun oo Buug noo daabacday oo kharashkii bixisay aad baan ugu mahad-naqayaa, Aqoonyahanka soo diyaariyey oo runtii wax weyn qabtay Wasaaraddu markay dhinac walba ka rogtay…” Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan

Hargeysa, 25 Feb, 2015(Himilo)- Dalladda ay ku mideysan yihiin Ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku wareejiyey Buug uu qoray Prof: Maxamuud Axmed Jaamac (Xamdi) oo ka hadlaya waddaniyadda, isla markaana lagu dhigi doono Dugsiyada Waxbarashada dalka, Buuggaas oo ay SONYO tarmisay, isla markaana ka daabacday laba Kun oo Buug oo ay Kharashka lagu daabacay bixisay.
UntitledGuddoomiyaha Dalladda ay ku midoobeen Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Siyaad Cumar Cali oo ka hadlay kulan ay Buugaagtaas ku guddoonsiiyeen Wasiirka Waxbarashada oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay in Buuggani yahay mid muhiimad weyn u leh dalka iyo dadka Somaliland, isla markaana markay arkeen muhiimaddiisa iyo baahida loo qabo ay qasab noqotay inay Dallad ahaan ka qayb-qaataan, isla markaana tarmiyaan daabacaadda Buuggaas oo ay ka dhigeen Laba Kun oo Buug.
“Maanta (shalay) waxa SONYO Sharaf u ah inaannu Wasaaradda Waxbarashada hawl weyn oo muhiim ah aannu la qabannay oo ah sidii aynu u hirgelin lahayn Manhajka madaniga ah ee Dugsiyada sare, arrintaas oo faa’iido u ah dhalinyarada Somaliland oo ay qasab tahay SONYO inaanay ka maqnaan ee wixii ay ku kordhin karto ku kordhiso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Siyaad Cumar Cali.
Waxaanu Guddoomiyaha Dalladda SONYO intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Wasaaradda waxaan aad iyo aad ugaga mahad-naqayaa sida ay ugu dhiirrigeliyeen ee uga jawaabeen hal-abuurka uu la yimi Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ah qof dhalinyaro ah oo Illaahay ha barakeeyee waddaniyad xooggani ku jirto, wax badanna dalkiisa u fikiray sidii uu wax ugu soo kordhin lahaa, Wasaaradda hirgelisay ee la eegtay ee tayaysay ee soo dhawaysayna runtii mahad-naq bay naga mudan tahay.”
Agaasimaha Xafiiska Manaahiijta iyo Tabobbarka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Yaasiin, waxaanu faahfaahin ka bixiyey Buuggan oo uu ku tilmaamay Buug aad ugu muhiim ah Waxbarashada dalka iyo dadka Somaliland, isagoo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin helitaanka Buuggan oo ay Wasaarad ahaan soo dhawaynayaan.
Gebogabadii kulanka, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kulankaas ay Buugaagta kaga guddoontay Dalladda dhalinyarada ee SONYO ka hadashay, ayaa u mahad-celisay SONYO, Qoraaga Buugga iyo Cid kasta oo gacan ka geysatay. “SONYO oo laba Kun oo Buug noo daabacday oo kharashkii bixisay aad baan ugu mahad-naqayaa, Aqoonyahanka soo diyaariyey oo runtii wax weyn qabtay Wasaaraddu markay dhinac walba ka rogtay ee ay akhriyeen ee eegeen, anigana la ii keenay, waxaannu aragnay inuu yahay wax wax lagu bilaabi karo.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sii wadata hadalkeeda waxay intaas ku dartay tidhi; “Waxa weeye dadka markaad cuntada siiso ayuu qofka cunayaa garan karaa oo odhanayaa milixdaa ku badan ama waa sidaas. Markaa, markaynu Carruurta, Iskuullada iyo Macallimiinta u geyno meelaha ay soo naqdiyaan ee ay wax innaga soo weydiiyaan Insha ALLAAH waynu ka hawlgalaynaa, laakiin wax walba bilawga ayaa muhiim ah oo marka wax la bilaabo ayay dhalliiluhu soo baxaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment