Guddomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Ucid Cali Maxamed Yuusuf(cali gurey) oo u warramay idaacadda BBC-da, ayaa si kala duwan u sheegay waxa la yeelo doono, iyadoo Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid uu xusay in loo baahan yahay taladii arrintaas lagaga bixi lahaa, halka uu Kulmiye ku adkaystay in xaaladdu caadi iska ahaan doonto.Ugu horayn Cali Guray ayaa sheegay in ay garowsadeen inaanay suuro gal ahayn Doorasho dalka ka dhacda sidaas darteedna ay tahay in Xukumadda iyo Wakiilada la kala diro,“Mawqifka aanu qaadanay waxa weeye in Marka hore la is waydiiyo maxaa keenay inaan doorashadu 26-ka June Qabsoomin?, haddii aanay qabsoomayn , Muddadii Madaxweynuhuna dhacayso, Baarlamaankuna 10 Sanno fadhiyay oo muddo dhaaf yahay, waxaanu qabnaa in Xukumaddu ka mid noqonayso sababaha keenay dib u dhaca doorashada, markaa waa in Xukumaddan la bedelo oo la soo dhiso Xukumad lagu wada kalsoonaan karo inay doorasho dalka gaadhsiin karayso” ayuu yidhi Cali Guray.
Ugu horayn muuse Biixi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Xukumadda iyo Xisbigeedu aaminsan yahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo “Annagu Awoodda dib u dhigista doorashada ma lihin,diba uma dhigayno, diyaar baanuna u nahay doorashada, waana in Komishanku maalinta doorashada Iclaamiyaan. Haddii ay Iclaamin waayaana wixii dastuurku Ogol yahay ayaa la yeeli doonaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biixi waxa uu intaasi raaciyay “Imika waxaanu sugaynaa Jadwalkii Komishanka doorashada, haddii ay ka soo gaadhsiin waayaana waxaa la raacaya wixii dastuurku qabo. Annagu wali waxaanu citiqaadsannahay in doorashadu wakhtigeeda dhacayso oo Komishanku wali dib u dhac ma sheegin laakiin, haddii dib u dhac yimaado Sharcigaa jidaynaya waxa la yeelayo oo Guurtida ayaa waajibkaas leh”
Arrinta Doorashada, ayaa Noqotay Mawduuca ugu weyn ee Somaliland gudaheeda ka jira, waxana Mucaaridka iyo Muxaafiku isweydaarsanayaan Eedo la xidhiidha dib u dhaca Doorashada oo midiba midka kale ku eedaynayo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment