
“Niman yar-yar oo day-day ah oo laba ka mid yihiin ciidanka Qaranka ayaa na soo weeraray, laba nin oo waaweyn oo masuuliyiin ahina ay wateen, saddex qorina way wateen. Waxaan u mahad-naqayaa Illaahay mar labaadkana waxaan u mahad-naqayaa ciidanka booliska ee nala socday oo si fiican uga hawl-galay, dhammaantoodna waa la qab-qabtay,” sidaas waxa yidhi badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan oo shalay u warramay telefishanka Bulsho Tv.
Guddoomiye Ramaax oo sharraxayey qaabka weerarka u dhacay, waxa uu yidhi, “Meeshu waxay ahayd Ceerigaabo dhexdeeda, annaguna waanu dareennay, waxay doonayeen inay na kala dhex-galaan tiraba laba jeer, laakiin umay suurtoobin, meeshuna boodh miidhan bay ahayd. Runtii, niman abaabulan bay ahaayeen, markay baabuurkii ka dageen ee qoryaha la baxeen, ayaa iyagii, gaadhigoodii iyo qoryahoodiiba gacanta lagu dhigay.”
Lama oga cidda ka dambaysa weeararka masuuliyiinta dawladda lagu qaaday oo shalay gelinkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo, badhaasaabka gobolka Awdal ee la bartilmaameedsaday oo la weydiiyey cidda uu u aanaynayo masuuliyadda weerarka, waxa uu sheegay inaanu ka hor dhacayn baadhista socota, waxaanu yidhi, “Wax aan u aaneeyo oo innamadaas naga dhexeeyey ma garanayo, Baadhis baa socoto, wayna iska soo bixi doontaa. Aniga kaligayna may ahayn ee aniga iyo badhasaabka kaleba way na weerareen. Labadayadu isku gaadhi baanu fuushanayn, gaadhigii aanu labadayadu fuushanayn, ayay nimanku weerarka ku soo qaadeen. Wax weyna maaha, waa wax dhici jiray, dhicina doona, ciyaar qaldama meel walba way joogaan, waxaan filayaa inay iska dhammaan doonto Insha Allah.”
Dhinaca kale, Maamulka degmada Ceerigaabo oo aanu isku-daynay inaanu wax ka weydiinno dhacdadan iyo taliska booliska ee gobolka oo gacanta ku haya baadhista fal-dambiyeedkan, ayaan noo suuro-gelin inaanu khadla telefonka ku helno.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, isaga oo halkaas u tagay xil-wareejinta maamulka gobolka Sanaag oo uu xilkiisa hayey muddo sannad ku dhow, kaddib markii madaxweyne Siilaanyo horaantii bishan Isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment