
Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay inaanay laheyn Shabaabka itaal ay ku weerar tamaan, isaga oo sheegay in weerarkii ay ka geysteen Magaalada Muqdisho ay la eegteen dad dukanaayay salaada iyo haweenay la sheegay inay dalka dibadiisa ka timid, balse kooxda aanay haynin tamar kale oo weerar ay ku fuliso.
Hogaamiyaha dalka Jabuuti ayaa ku waramaya inaan loo baahneyn in la buun-buuniyo hadalada Shabaabka ay jeedinayaan, si kooxda aanay u helin dhiirrigelin.
Sarkaal Shabaab ka tirsan oo kasoo dhexmuuqday Video Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa ku hanjabay inay weeraro ka geysan doonaan dalalka USA, UK iyo Canada, waxaana dhamaan dalalkaasi ay galeen feejignaan dhanka ammaanka ku saabsan.
Hanjabaada Shabaab ayaan la dhayalsan karin, maadaama Kooxda dibada ay ku leedahay dad badan oo taageerayaal ah oo Soomaali iyo Ajaanib intaba isugu jirta.
Dalalka Maraykanka iyo Canada oo meelaha loo hanjabay ku yaalliin ayaa sheegay inay dhab u qaadanayaan Hanjabaadda Kooxdaasi kasoo gaadhay, balse Madaxweyne Geelle fikirkaas wuu ka duwan yahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment