London, 21 Feb, 2015 (Himilo)- Maxkamad ku taal dalka Ingiriiska, ayaa maalinta Isniinta ee todobaadkan u muddeysay go’aan ay ka soo saaray dacwad Xukuumadda Jabuuti ku soo oogtay Ganacsadaha caanka ee Cabdiraxmaan Boore oo ay ku eedaysay inuu dalkeeda ka fuliyey falal isugu jira Musuq-maasuq iyo amni-darro.

Garsoore Julian Flaux oo Waaxda dacwadaha Ganacsiga iyo shirkadaha ee maxkamadda Sare ee magaalada London, ayaa ku wargeliyey garyaqaanada xukuumadda jabuuti iyo kuwa Cabdiraxmaan Boore inay ka soo xaadiraan fadhi gaar oo Isniinta todobaadkan go’aan kaga gaadhi doono dacwad u dhexeysay.
Xukuumadda Djibouti ayaa badhtamahii sannadkii hore dacwad u gudbisay Ingiriiska, taas oo lagaga dalbaday in lagu xayiro hanti gaadhaysa boqol milyan oo Cabdiraxmaan Boore u taala bangiyada dalalka Midowga Yurub, ka dib markii ay u gudbiyeen caddeymo ay ku sheegeen inuu ka dambeeyey qarax weerar oo ka dhacay magaalada Jabuuti, kuna eedeeyey inuu argagaxiso yahay, sida lagu baahiyey warbaahinta ION.
Sida ay sheegtay warbaahinta ION (Indian Ocean Newsletter), Qaraxa oo dhacay March 4, 2009 ayaa la sheegay in maalintii xigtay laga duubay cod Boore iyo saaxiibadii kaga sheekaysanayeen in hawlgalkii si wanaagsan u dhacay, oo loo gudbiyey maxkamada ayaa garsoore Flaux la sheegay inuu ku qancay, isla markaana soo saaray go’aan lagu xayirayo hantidiisa Cabdiraxmaan Boore ku leeyahay Yurub.
Warka lagu baahiyey ION, waxa uu intas ku daray in caddeymo dheeraad ah oo Cabdiraxmaan Boore u gudbiyey maxkamadda oo uu isku difaacayo uu ku sheegay in eedaha Jabuuti u adeegsatay dacwaddiisa ay qayb ka ahayd sumad doorashooyinkii xukuumada jabuuti kaga mamnuucday kuraasta baarlamaanka ee mucaaradka.
Garsoore Flaux ayaa sheegay in xilligan kiisku gebi ahaanba isbeddelay, isla markaana uu todobaadkan go’aan ka soo saari doono dacwaddaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment