Sunday, February 22, 2015

Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka oo Fashiliyey Farsamo Tuugo ah oo Ajaanib Dhakhaatiir Sheegtay kaga shaqaysaneyeen gudaha Dalka

Laanta Socdaalka oo mastaafurinaysa Saddex qof oo Kenyan ah
Hargeysa, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Dawladda Somaliland, ayaa markii u horeysay dalkeeda ka mastaafurinaysa Dad gudaha magaalada Hargeysa kaga shaqaysta Xirfadda caafimaadka, kuwaas oo markii baadhitaan lagu sameeyey la ogaaday inaanay lahayn aqoon durugsan oo dhinaca Caafimaadka ah.
wasiirkaSaddex qof oo u dhashay waddanka Kenya oo isugu jiray laba nin iyo haweenay meelo kala duwan oo dalka ah ka hawl-galayey, gaar ahaan deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn, iyaga oo sita Qalab Computerro ku jiraan, ayaa dadka ay baadhitannada ku sameeyaan siinayey Daawo-dhaqameed (Herbal), sida ay sheegeen Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland iyo Guddoomiyaha Komishanka Mihnadleyaasha Cafimaadka oo shalay soo bandhigay saddexda qof iyo qalabka ay ku hawl-galayeen.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Heer Qaran ee Micnadleyaasha Caafimaadka dalka Dr Axmed Xaashi Oday oo warbaahinta kula hadlayey xafiiska Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in saddexdan qof ay hordhac u yihiin dad ajaanib ah oo aan aqoon u lahayn mihnadda caafimaadka oo dalka guhiisa ka hawl-gala, isla markaana laga mastaafurin doono dalka.,
“Waxaanu halkan ku haynaa saddex qof oo ku shaqaysta mihnad aanay lahayn oo ah caafimaadka dadkana siiyey daawooyin ah Herbal (Dawo dhaqameed) oo yidhaahda wax walba waa ka dawo, dadkaas oo ka yimi dalka Kenya, kana shaqaysanayey Xamar ilaa Halkan goobo badanna tagay, siday dalka ku soo galeenna ay tahay caafimaadka,” waxa sidaas yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf.
Isaga oo Hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Haseyeeshee baadhitaan badan markii ay sameeyeen Guddiga mihnadleyaasha Caafimaadku waxay noo keeneen dad ku shaqaysanaya mihnad aanay lahayn, kuwaas oo kala ah gabadh Jiny la yidhaahdo, Samuel iyo Zakariyu, waxay ka furteen Hargeysa, Wajaale, Lawyacaddo.”
Guddoomiyaha Guddiga Mihandleyaasha Caafimaadka Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday oo ka warbixiyey hawl-gallo ay ku soo qab-qabteen dadkan iyaga oo la kaashanaya ciidamada Ammaanka, waxa uu yidhi, “Waa saddexdii u horreeyey, waxay sitaan qalab kombuyuutarro ah oo ay ku jiraan jidhka bani’aadamka oo dhan, waxaana la ogyahay in kompuyuutarku aanu barnaamijka samayn ee lagu shubo. waxa laga soo qabtay Lughaya, Agabar iyo Hargeysa. Magaalooyinka waaweyn waxay uga tagayaan waa laydin arki, markaa dadka caamada ah ayay u tagayaan oo ay leeyihin waanu idin dawaynaynaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment