1. Dabagaalihiiyooy hadaad dilid ka ooyayso
2. Dalka ood ka guurtiyo haddaad Gadar ka yaabayso.
3. Ama aad mooday goonidaa inuu gabayo deegaanku
4. Guuguulaha sidiisii haddaad xaalka garan wayday
5. Gugii uu Ismaaciil Mire ku yidhi gaabso hadalkaaga
6. Konton guuradii baan galloon loo gurmaan tumaye
7. Baahi geed marooraa dhacdiyo ganid Ugaadheede
8. Deegaanka gebigii waxaa gaadhay hagar wayne.
9. Waa kuu garaad li’i inaad goohdo kelidaaye
10. Gellinbaan guux kaa maqlaayee waran ku gaadhsiiyo
11. Cimiladii baa is gadidey oo hawadu gelinba waa cayne
12. Geedkii yaraayoo gir-giraa loo guddoonsadaye
13. Goobaha cashuurtaad ka garan xaalka geedaha’e
14. Geestee uga gudubnaa dhirgobe looma kuur galo’e’
15. Miyuu geed dhamaanayn marnaba laysma garansiine
16. Nabaad guur sifayn iyo ma jiro geed mamnuuc ihiye
17. Gollis buurihii aad garan gaadhkii lama gayne
18. Geel doora iyo Calmadow dhirtaba Doonyahaa gura’e’
19. Geddigoodba Daallooyin baan fooras gaadh geline
20. Giriin-Biis (green peace) gargaar kama heloo way na garanayne
21. Geedaha udgoon fooxayagu muu gaadhin malahaye
22. Deegaan kuma gabee waxa gambiya dawdar aan garanne
23. Ingiriis dhulkuu goobay een dhaxal ku soo gaadhnay
24. Gobanimo horaanteed meelahaan seeraha u garaney
25. Gorayadu dhulkay daaqaysiyo Cawsha kuman gaadha
26. Wuu wada galooboo ma jiro goob la gaadh-xidhiye
27. Galsahar Gargoorkii ku yiil ka tiran Geedka-deebta lehe.
28. Garanmaysid seerihii beryona guri-dalxiis ahaaye
29. Geedkii Xamarta Sheekh tii aad garan waa gel-gelintaase
30. Gacan-libaax kaymihii Xaaluf loo garaye
31. Lafo-ruug dhirtii laga jaraa iib la geliyaaye
32. Gadhka-Warsame Xaad debis geedo qurux waa go’doon weliyee
33. Batalaale wixii geed ku yiil waa gel-gelin taase
34. Golihii Buraan Cawli-daaqday bay nirguhu wabax la gaajoone
35. Gaad Ceel-afwayn iyo garaad looma xidho geele
36. Damal Gulaanle Kaymihii dhuxulaa gube’e
37. Gabiley Salaan-yare ma xidhin dhawr gu’ oo tegaye
38. Gabood ciidan weeyee Idhamadaa gaadhka la hayaaye
39. Hareeraha ka gale Boorame Seerahay gelin ku faaneene.
40.Xarunta geedaha kobcini gudhan ceelashiye.
41.Gidaarada dayacan baad ku garan gebi tabaalaha’e
42. Haddaan Film ka soo guri lahayn gaadhi baan jirine.
43. Gumburihii Taleex daaqi jiray goosan muu hadhine.
44. Aarkii garbaha raan lahaa wuu tafiir go’aye
45. Tarantay gooshii beryana galaysay kaymaha’e
46. Wax halkoodii galay Daayeer iyo Doofaar diiran geedaha’e’
47. Deeradii dalka u gaar ahayd debeda loo tuurye.
48. Garanuugta iyo Bayracdaa weli la goobaaye.
49. Geesdiir u gudub Goodirkii iyo Gorayo-cawshiiye.
50. Harimacad waa banaan gale isagu gurida waa u nugule.
51. Gol caseey Sakaariyo Bakayle waw u gabood li’iye.
52. Waa Gur-guuratadii waxa loo galay gooshkan maanta ahe.
53. Galbataye Ugaadhii haddii aan la gelin baane{BAN}.
54. Diinkii lugaha gaaban lahaa gaadhi kor u raacye
55. Masa lugaley waa gaar ninkii garan halkay taale.
56. Loo geshay galoofyada maskii galayey buuraha’e
57. Goodka & Mulacani la guran Saynisbaa galaye
58. Gabti baa la tagay Shimbirahaan gaarka u lahayne
59. Meelo gaara ood gashaaba waxaad ka garan noocyo gooniyah‘e
60. Wax ma galabsanine dhuuni baa lagu galayaaye
61. Adduunbaaba gaadh doonayee rag is guraayeeye
62.(S.D.F waa gobee haday noo gargaar timide ) Geedka u ducee oo waxaad tidhaa guulloow nagu caymi!!.
63. Oo gaas badan nasii intaanu geedku naga suulin.
64. Oo shooladaha noo geli wuxuu geedku noo tarayey.
65. Allahayoow!! dad garansii inaad nolosha geed saartay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment