Tuesday, February 24, 2015

Hawsha ugu badan ee ay qabtaan Ciidammada Xeebaha iyo Kuwa Ammaanka ee Gobolka Selel oo noqotay Xakamaynta Tahriibta

“Hawlaha ugu badan ee meesha yaallaa waa Tahriib, Baddaa laga tallaabaa, Koonfur, Killalka Shanaad illaa Itoobiya iyo Somaliland-ba waa laga yimaaddaa…” Guddoomiyaha Gobolka Selel

Saylac, 24 Feb, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa sheegay in hawsha ugu badan ee ay qabtaan Ciidammada ilaalada Xeebaha gobollada Awdal iyo Selel ee Saldhiggoodu yahay Saylac iyo kuwa Ammaanku tahay Tahriibta iyo Doonyaha Sharci-darrada ku soo gala Xeebta gobolkaas, waxaanu intaas ku daray in dhawaanahan ay hoos u dhacday tirada tahriibayaashu.
Cabdirisaaq-Waaberi-RoobleBadhasaabka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isaga iyo Masuuliyiinta degmada Saylac, Wasiirka dib-u-dejinta iyo Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo shalay iyagoo ka yimi dhinaca Jabuuti soo gaadhay Saylac, isla markaana kormeer ku tegay Saldhigga Ciidammada ilaalada Xeebaha ee magaalada Saylac, waxaanu sidaas ku sheegay warbixin uu siiyey Wasiirrada.
Waxa uu Guddoomiyaha Selel oo sharraxaya qaabka ay u shaqeeyaan Ciidammada ilaalada Xeebuhu uu yidhi; “Si fiican bay noola shaqeeyaan Ciidammada ilaalada Xeebuhu, Boolis ahaanna way noola shaqeeyaan, oo Booliska way wada shaqeeyaan, hawlaha ugu badan ee meesha yaallaa waa Tahriib, Baddaa laga tallaabaa, Koonfur, Killalka Shanaad illaa Itoobiya iyo Somaliland-ba waa laga yimaaddaa, waddo furan bay ahayd meeshu, muddooyinkan dambe aad baannu u xakamaynay, waa la qabtaa, Ciidanku aad bay u shaqeeyaaan, hawlaha ugu badan ee ay qabtaanna waa Tahriib.”
“Waxay ilaaliyaan Badda, wax alla wixii sharci-darro doon ku soo gasha badda gacantay ku dhigaan way qabtaan, Halkan waxa yaalla Doonyo badan oo kuwii Tahriibta aannu ku qabannay oo ay Maxkamaddu xalaalaysay iyo kuwo kale oo siyaabo Tuuko ah aannu ku soo qabannay oo iyagana Maxkamadaha gobolku xalaaleeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Maamulka iyo Masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka, waxaanu Ciidammada ilaalada Xeebaha iyo kuwa Ammaanka-ba ku ammaanay siday uga shaqeeyaan ilaalinta ammaanka Xeebta, ka deegaanka iyo tahriibta-ba.
“Ciidanka ilaalada Xeebaha aad baan ugu ammaanayaa tahriibayaasha ay aadka u soo qabteen, Tahriibtana aniguun baa la ii keenaa oo aniguun baa sii mastaafuriya. Waxaan leeyahay waad ku ammaanan tihiin Laashashka iyo Doonyaha sharci-darrada ah ee aad qabateen, dawladdana waa gaadhsiinaynaa sidaad u shaqayseen iyo baahidiinna-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment