Inkastoo wararku xaddidan yihiin, Haddana waxa la sheegayaa in Isku dhacaas uu ka dhashay Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxana geeriyooday Askari katirsanaa Ciidanka qaranka, halka gacanta lagu dhigay Midka mid ahaa Maleeshiyadda oo dhaawac ah.Ciidamada Qaranka, ayaa maleeshiyada kaga soo hadhay Gudaha Ethiopia, waxana halkaas la geeyey Tiro kale oo ciidan ah, kuwaas la filayo inay Weerarro kale ku qaadi doonaan Goobaha Maleeshiyadan looga Shakisan yahay.
Waa Markii ugu horraysay Ee Maleeshiyada Suldaan Wabar weerar fool ka fool ah la galaan Ciidanka Qaranka, waxana shirar ku jira Saraakiisha Ammaanka iyo kuwa Ciidanka Qaranka ee Jiiddaas ku sugan, iyadoo la filayo in dhawaan La Qaado Tallaabooyin wax lagaga qabanayo Gardarrada Maleeshiyadani ku hayso Deggenaanshaha Dalka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment