Thursday, February 12, 2015

Guddoomiyaha Togdheer oo sheegay in Xalka Shaqaaqada Balliga Diiriye Guleed u baahan tahay Talo Qaran

Hargeysa, 12 Feb, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa shaqaaqada ka aloosan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ku tilmaamay mid xalkeedu ka ballaadhan yahay maamulka gobolka Togdheer isla markaana u baahan talo qaran oo laga yeesho si loo soo afjaro muran dhuleed u dhexeeya laba beelood oo walaalo oo deegaankaas kuwada dhaqan.
Deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo ku yaala duleedka Woqooyi Bari ee degmada Burco oo ay isku haystaan labada beelood oo hore shaqaaqo u dhexmartay, waxa maalintii Salaasada ee todobaadkan ka soo cusboonaaday shaqaaqo sababtay dhaawacyo labada dhinac soo kala gaadhay.
Shaqaaqada hore udhexmartay labada beelood, ayaa laga soo saaray laba go’aan oo is-burinaya, kaddib markii xubno wasiirro ah oo xalinta shaqaaqadaas loo xil-saaray soo saareen go’aan lagu dhaqan-geliyey in deegaankaas laga burburiyo Barkado iyo dhismeyaal laga yagleeyey oo sababay isku-dhaca labada beelood. Haseyeeshee waxa go’aankaas buriyey go’aan labaad oo Golaha Guurtidu ku dhex-dhexaadisay labada Beelood oo kala taageeray laba go’aan.
BadhasaabkaGuddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, waxa uu tafaasiil ka bixiyey sababta ay mar kale shaqaaqadani uga soo cusboonaatay deegaankaas iyo dedaallada ay maamul ahaan ka galeen deminta shaqaaqada.
“Shaqaaqadani waa arrin soo jireen ah oo in muddo ah socotay, immikay ugu dha-dhawayd oo laba go’aan baa ka soo baxay. Mid xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa go’aan ka gaadhay, waanu fulinay waxaanu aasnay Berkadihii, waxaanu duminay dergadihii. Haddana Guurtida ayaa soo dhex-gashay, golihii Guurtiduna go’aan kii ka soo horjeeda ayay rideen oo ay leeyihiin meeshaasi waa tuulo oo haloo mag-dhabo wixii khaaare ka dhacay, qoladii kalena iyana way ka boodday oo ambiil baanu ka qaadanaynaa ayay yidhaadeen. Waxa laysku hayaana waa intaas oo taagan. Ilaa maalintii go’aanaasi soo baxay ciidan baa noo jooga meesha,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Guddoomiyaha Togdheer waxa uu sheegay in shaqaaqadu ka bilaabantay mid ka mid ah labada beelood oo burisay go’aankii Guurtida, waxaanuu yidhi, “Meel meeshii ka baxsan se ka tirsan Balliga Diiriye Guuleed ayay qolada Cabdalla Arab ka bilaabeen Barkad sibidhkii iyo dhagxaantii ayay u soo qaateen oo halkii bay yaallaan, qoladii kale Kacdoon ayay muujiyeen, markaa labadii dhinacba waxa soo kala gaadhay khasaare oo waxa dhinac walba ka dhaawacmay laba qof, ilaa xalay waa la ciidan urursanayey, annaguna ciidan boolis baanu geynay. Dabadeedna Odayaashii labada dhinac midba sagaal baanu soo qabannay, ilaa hadda-na waanu ku daba-jirnaa, hadday gaadhay boqol Oday, waanu qabanaynaa si arrintaasi nooga soo af-jaranto, waayo arrintan talo qaran bay u baahan tahay kuma koobna oo kaliya gobolka Togdheer.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment