Wednesday, February 11, 2015

Maanso Baroor-diiq Ah: Maantana Ma Dhugad-baa Aakhiro U Dhaadhacay

Maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 09.02.2015, waxa Geeridii xaqa ahayd ay ku timid Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Ibraahin Xirsi oo ku magac dheeraa (Dhugad) oo ka tirsanaa odayaashii dhifka iyo naadirka ahaa ee ka sii hadhay odayaashii taariikhda faca wayn ku lahaa halgankii dalkan lagu xoreeyay, isla marahaantaana ka tirsanaa Golahii dhidibada u taagay magaca galaha faca iyo taariikh wayn ee Golaha Guurtida Somaliland, geeridu waa xaq oo waa loo dhashaa waxaase qalin ka iyo waraaqda ii geeyay taariikhda faca wayn ragganimada iyo geesinimada uu Alla ku manaystay marxuun Dhugad, waxaanan anigoon magac ku lahayn bogga maansada ayaan haddana is idhi haka aamusin inaad ereyo ka idhaa maanso baroor diiq ah oo aan ugu wanqalay maantana ma dhugad-baa aakhiro u dhaadhacay, MAANTANA MA DHUGAD-baa AAKHIRO U DHAADHACAY waana tan maansadii .
Waa dharaarba dharaare
Geeri waa u dhalasho’e
Dhulka inaynu hoos gali
Dhagaha iyo aragaba
Waa loo dhursugayaa
In la dhiman doonana
Noolahu waa ogsoon yahay
Hayeeshee dhulkaa go'ay
Oo dhagahaa diidoo waa geeri
Dhugasha le qofka aanad
Quudhayn qudhu inay
Sudhnaataan ila qaabil odhan laa
Dhugad-baa dhintaa dhegaha
Iigu duuloo madhabbaa warkani tolow
Kuye waa dhaboo dhugad aakhiruu tagay
oo iilka lagu dhabab
dhabaan warkaa u qaatoo
Allaylahe qodbaa dhacay
guurtidii dhumucda waynayd
taariikhdan noo dhigay
geesiyadii dhaxantiyo
hagar iga xoreeyee
magacaygan dheeriyo
Sidii dahab dhalaaliyo
Dawladnimadan inoo dhigay
Geesi dhumucda wayniyo
Dhererkiisa lahadhsado
Iyo magacii dheeraa
Dhugad wuu dhintaydii
Dhabay noqotay dheehaw
Afartaa dhe taariikh
Baroor diiq aan uga dhigay
Waa dhugade ila qora
Magaciisa dhugadka ah
Dhab u fiirsha garashada
Dhugad faalso gaariyo
Dhayal inuu ka dheer yahay
Idinkuba dhadhamiyoo
Saw dharaar-cad muu noqon
Afartaa kalena dhe magac dhigid
Iyo dhawr afeefood u kala dhigan
U taaliyo isu dhigantan aan waddo
Ila dhuuxa weeyaan
Been halaalin maayee
runta dhuuxa weeyaan
garashada dharaarihii lasoo maray
iyo daalkii dheeraa dhiigii arlada simay
iyo dhaawacii yiil
dhab ragii u dagaalamay
ee cadawga kala dhigay
dhugad-baa u hormood ahaa
dharaar hoogle iyo nabad
wuu soo dhextaagnaa
magaciisa dheer baad
ragga inuu wax dheeraa
dheehaw ka garataa
dheerida lafta u dhaladka ah
iyo hadalka kala dhigan
garashadiisii dheerayd
ee ninka uu dhirbaaxo
dhulka uu ku dhici jiray
dhagahaan iloobayn
dadku wada dad weeyee
dadka waxaynu dheerayn
odayaal dhumucda waynoo
dhererkana laxaad lahaa
dhab illaahay u caabuda
runtana dhinaca saaroo
beentana aan dharka u xidhan
oo magaca laga dhigay
guurti lagu dhabaan dhabay
dhayalka aan wax u aqoon
dal inaynu noqonay
duubka dheer u qaateen
dhaqaale may danayn jirin
dhawrsanidaa u magac ahayd
dhibta may dareemayn
dhulkoo wada waraabe
oo siyaasi dhogor lihi
kolba dhinac u loogoo
dhankee loo socdaa iyo
dhinac laysku sheegaa
dhulkayagu aqoon baa
dhoolkaasi noo da’ay
dhalasho iyo dhaqaalaba
dhab-bay ugu dhaqaaqeen
dhiig damiyayaashii
dhulka dabad noo dhigay
geeribaa dhamaysaye
dhawrninoo inoo hadhay
dhugad baw dambeeyoo
lagu dhababay iilkii
marka hore intuu dhalay
iyo intay sii dhaleenbaan
samirka dhuuqa leeyahay
ducada u dhigaan idhi
marka xiga dhulkaygiyo qarankeenan
dhiganbaan samir oofaha u dhigay
marka xigana dheehaw iilkaa uu
u dhaadhacay kaad u dhlatay weeyaan
rabiyaw haku dhibin
dhabanka roog le raaxiyo
barkimada halaguu dhigo
udgoon aan ku dhibinoo
wax loo dhigaa aralada jirin
rabi kuugu dhaadhici
naxariista dhuuxa le
iilku guguma dhuubtoo
dhibna kuuma gaystoo
dhab waxaad u doontana
iyadoo aan dheeraan
kiiyoo dhita degdeg kuugu dhaadhici
naartaay ka dheeraw
dhinaciisa dhugadoo
janadana dhexda u joog
dharaartaynu sugaynayna
inta aan dhiba u muddan
rabigay hakaa dhigo
een dhididku lagu dhibin
kuwa aan dhanaanaan
ee nabi maxamad dhexda ugala
rabigay hakaa dhigo
dhulkii aad ka dhimatayee
magacaaga dheeriyo
dhalashada iyo dhaqashada
aad kuugu dheeraa
inaan muuqa gudkiyo
dhab u xabaalka mooyee
magacaagu anu dhiman baan
oo taariikhda lagu dhigo
dharaaraha dambeeyaan
dhaar kuugu marayaa
dhugad muuqa mooyee
magaciisu muu dhiman
aqalkaad ka dhimaytayna
inuu sii dhisnaadoo
sii dhalaalo waligiii
oo magacu naga dhiman
dheemaalka diidaan
magacooda dhiifka
dhulka ay ka qaadaan
sharaftooda dhawrtaan
hoygii dhaxalka aanu noqon
dhab dalka ugu shaqeeyaan
dhiig miirta yaaliyo
dhaameel quute aanay noqon
magacoodu aanu dhiman
illaaahay u dhaarteen
iyo shicibka dhawrtaan
afartaana dheehaw
waano aan dhito u dhigay
dhiisha guurtida ma ugu shubay
gabay dhaanto maahee
waa baroor diiiq dhito ahoo
dhugad lagu galbiyee
dhegtii maqashaay ila qabo
dhawr faataxa umara
dhugad inuu janada galo
dhex dawaafo waligii
aamiinta ila dhaha
dhamaad
QALINKII A,A,CIIDLE
HARGAYSA SOOMAALILAND
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment