Hargeysa (Himilo)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa shacabka reer Hargeysa iyo warshadaha Laydhka u soo jeediyey in guryaha hortoodda iyo waddooyinka hareerahooda lagu xidho laydhka si caasimadda amnigeeda iyo billicdeedda kor loogu qaaddo.
Duqa caasimadda Hargeysa ayaa degreeto ka soo saaray Nalka caasimadda iyo kor u qaadida amniga iyo billicdda magaaladda.
Wareegtadan uu maayarku ka soo saaray ayaa u qornayd sidan: Duqa caasimadda Hargeysa ahna guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, isagoo ka duulaya baahidda loo qabo Nalka caasimaddda Hargeysa iyo kor u qaadidda billicda caasimadda Hargeysa iyo nabadgalyadda caasimadda Hargeysa,
Duqa caasimadda Hargeysa:
Markuu arkey :sharciga wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka goboladda iyo degmooyinka JSL ee xeer No:23/2002,qodobkiisa 40aad
Markuu Arkay :Baahidda loo qabo nalaynta caasimadda Hargeysa oo qayb libaax ka qaadanaysa billicda caasimadda Hargeysa iyo nabadgelyadda caasimadda Hargeysa.
Markuu Arkay : in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo nalaynta caasimadda Hargeysa si kor loogu qaado billicda caasimadda Hargeysa si aynu ula tartanno caasimadaha arynu dariska wadaagta nahay.
Markuu Xaqiiqsaaday : in ay waajib tahay in warshadda Laydhka caasimadda Hargeysa, meheradaha ganacsiga ee suuqa caasimadda Hargeysa iyo mulkiilayaasha guryuhu in ay ka qaybqaataan hawsha nalaynta caasimadda Hargeysa.
Markuu tixgaliyey : taladda masuuliyiinta ay khuseyso.
Wuxu go’aansaday:
1. Duqa caasimadda Hargeysa, ahna guddoomiyaha golaha deegaanku markuu la tashaday cuqaasha,sulaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka waxa uu go’aansaday arrimahan:
1. In guri kasta oo Caasimadda Hargeysa ka mid ahi uu sameeyo hal laambad oo wajahadda guriga ah si aad uga qaybqaadato nabadgalyadda iyo bilicda caasimadda Hargeysa.
2. Dhamaanba meheradaha caasimadda Hargeysa waa in ay ku xidhaan hortoodda laambad iyo biraha hortoodda mara.
3. Dhamaan warshadaha laydhka Caasimadda Hargeysa waxaan ku adkaynayaa in shiddo warshaddo warshad waliba security Light- ka Area-yadda ay maamusho.
4. Sidoo kale waxaan farayaa agaasimaha waaxda hawlaha guud ee D/hoose ee Hargeysa in ay dhakhso u bilaabaan nalaynta waddooyinka kala ah:
(A) . Waddada madaarka caasimadda Hargeysa.
(B) Waddadda Number One-ka ah.
(C) Waddadda Number Two-ka
Alla mahad leh
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, duqa caasimadda Hargeysa, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment