
Sarkaalka ka tirsan Waaxda The Pentagon ee difaaca Maraykanka oo codsaday in uu magaciisa sheego sababo la xidhiidha in aanu ogolaansho u haysan faafinta warkan, ayaa Wargeyska The Washingtonpost oo aanu warkan ka soo xiganney u xaqiijiyey dhimashada sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Deeq oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Hawl-gallada Dibada (Externaal Operations).
Sarkaalkani waxa uu intaas ku daray in duqayntu dhacday xilli uu kolonyo la socday madaxii hawlgalada arrimaha dibadda ee Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow degmada Diinsoor ee Koonfurta Soomaaliya.
Yuusuf Deeq ayaa la hseegay in in dhawaan loo dhiibay xilkaas isla-markaana uu maamulo kooxo qaabilsan weerarrada laga fuliyo waddamada deriska la ah Soomaaliya.
Ururka al-Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqayntan, waxaanu weerarkan noqonaya kii saddexaad oo Maraykanku ku dilo sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab tan iyo bishii September ee sanadkii la soo dhaafay oo sidan oo kale weerar xagga cirka ah loogu dilay Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Sidoo kale, bishii December ee sannadkii hore, Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Tahliil Cabdishakuur ayay diyaaraha Maraykanku ku dileen weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) xilli uu ku sugnaa agagaarka Degmada Saakow ee gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment