
Abwaan Shaakir oo ka mid ah shakhsiyaadka lagu marti-qaaday munaasibaddan oo halkaas ka jeediyey Gabey uu hore u tiriyey oo lagu magacaabo ‘Dulmanaha La Quudhsaday’, kaas oo uu kaga hadlay waayaha bulshada laga tirada badan iyo meeqaamka ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.
Gabeyga Abwaan Shaacir oo loo tarjumay Luuqadda Af-ingiirisiga, ayaa In loo qeybiyey dadkii ka qayb-galay munaasibaddaas, iyada oo markii dambe Abwaanka la guddoonsiiyey Abaal-marin ay ku xardhan tahay calaamadda Midowga Yurub iyo hay’adaha IIDA, MRG, taas oo loogu maamuusay doorka uu suugaantiisa kaga qayb-qaatay difaacista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.
Dhinaca kale, waxa shirkan goob-joog ka ahaa oo lagu marti-qaaday La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee bulshada laga tirada badan yahay Md Barkhad Jaamac Xirsi oo Madasha kaga dareen celiyey sida uu ugu faraxsan yahay abaalmarinta la gudoonsiyey abwaanka isaga oo ka markhaati kacay doorka uu abwaanku ka qaatay u-doodista dadka la hayb-sooco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment