
Ugu Horayn Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Ayaa sheegay in Komiishanku ku hawlan Yahay Sidii Doorashadu u dhici Lahayd waxaana uu hadalkiisa ku Bilaabay.
“Sidaanu Maalintii Hore Sheegnay Waxa ay Komiishanku Gacanta ku Hayaan,Qaban-qaabadii iyo Diyaar Garawgii Doorashooyinka Qaranka Sidii ay u dhamaystiri Lahayeen,Ujeeda ay Noola Kulmeena waxa uu ahaa in ay warbixin Naga Siiyaan Xaalada iyo Hawshoodu Halka Ay marayso,Saakana Saddexdayada Xisbi Waanu Dhanahay. Xisbiyaduna wixii ay talo Hayeen Way u shegeen,Arinta Doorashaduna Wali Qabyo Weeyaan,Hawshiina Way Socotaa Dhamays tirkeediina Waa Lagu Guda Jiraa,Gudida Doorashooyinka Ayaa Noo Soo sheegi Doono,Markaa Arinka Waxaanu kaga wada Shaqayn Doonaa Si Aad u wanaagsan.” Ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali-Guray) oo isaguna Halkaas saxaafadda hadal ku siiyey, ayaa kalsooni badan ka muujiyey hawlaha ay ku jiraan Xubnaha cusub ee Komishanka qaraanku, waxana uu xusay inay ka go’antaahay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, waxana uu yidhi,
“Waxaanu Saaka La Kulanay Komiishankii Doorashooyinka Qaranka,wax Badana Waxaanu ka eegaynay Komiishanka oo shaqadan Ay wadaan oo kaliya Aan ahayn,waxaanan Halkan idiinka Cadaynaynaa inuu Komiishankani yahay Mid Heer Sare Ah oo ay ka Go’antay Daacadna Ka yihiin in ay dalkan ka qabtaan Doorashooyin Xor oo Xalaal Ah Xiligii Munaasib Ah.”
Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Mucaraadka ah ee wadani Dr Maxamed Cismaan Fadal oo isaguna hadlay, ayaa labada xisbi ee kale ku raacay yidiidiilada wanaagsan ee ay ka qabaan qabsoomidda doorashada soo socota, waxana uu yidhi,
“Waxa ay Maanta nooga Warameen Halka ay Hawlaha Marinayaan,Dadkuna waxa ay ka Sugayaan Halka Ay wax u marayaan,Warka ugu Muhiimsan ee Ay dadku Sugayaan waxa uu Ahaa in Doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto,Hawshaasna waanu ku qanac-nay.Haaya’ddaha Oo dhan waxa ay Rabaa in ay Doorashadu Dhacdo waxaana ay dhagta u taagayaan sidii Doorashadu u dhici Lahayd,Hawsha ay Wadaan Waanu ku qanac-nay Wixii kale ee hawl ah Ee u hadhsana Waa ay Noo Balan Qadeen in ay Dhamayn Doonaan.”
Komishanka cusub ee qaranka, ayaa haysta wakhti aad u kooban marka loo eego muddada doorashada ka hadhay, waxana la filayaa inay ku adkaan doonto inay dalka ka qabtaan Doorasho aan muddo dhaafin, maadaama ay jiraan qabyooyin badani.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment