Kulanka laga hadlayay sidii loo soo dhaqan-celinlahaa dhalinta rabshadaha iyo dhibaatooyinka sameeya, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland, Xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah.Guddoomiyaha Dalladda SONYO Siyaad Cumar Cali oo kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Qodabkan aan ka wada hadlaynaa waa qodob aad u muhima oo ah sidii aan wax ugu qaban lahayn dhalinyarada Somaliland oo baryihii u dambeeyay la moodo in ay si u yara kacsaanyihiin, dhalinyarada oo dhan maaha ee waa in yar oo u baahan in la garab-galo oo loo caqli-celiyo.”
Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, waxaanu sheegay in dhalinyaradu tahay tirada ugu badan ee dadka Somaliland ku dhaqan. “Dhalinyarada Somaliland waxa ay ka tahay boqolkiiba toddobaatan (70%) tirada guud, markaa waa in la is weydiiyo maxaa hadhay Somaliland boqolkiiba intaasi marka ay tahay dhalinyaro? Mushkiladda ugu badani in ay tahay Waalidka ayaan aamminsanahay haddaynaan arrintaa Waalidka xal ka helinna u malayn maayo in aynu xal ka gaadhayno, waayo? Dee Boolis wax ka qaban kari maayo haddii aanu Waalidku samayn xog-ogaal u noqoshanha ubaka illeen qof walba waxa dhalay Waalid oo guri ayuu ka soo toosaaye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Wasiir Raygal oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay; “Mushkillada ugu badan waxa laga bartay guriga, sida looga bartay waxa yaal TV oo waxa ay ka daawanayaan wax Baas oo magacyo xun xun leh oo ay ku dayanayaan. Dhanaca kale ma aamminsani dhalinyarada Jaamacadaha ka jira ama ka baxay in ay arrinkan ku jiraan waa inta aan waxa dhigan ama ka saaqidday.”
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Boolisska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed, ayaa kulankaas ka sheegay dhalinyaro ay Ciidan Ammaan ahaan gacanta ku dhigeen, waxaanu yidhi; “Dhalinyaro badan ayaannu qabqabannay oo aannu qaarna xukunnay, qaarna dhawaan la xukumayaa, dhalinyaradaas waxa ku jira in kooban oo lugu dayday kuwiina waa la qabqabtay in kalana waa isa soo dhiibtay markaan Miyi iyo Magaaladaba ka baadi-goobnay, taasna waxa annaga Ciidan ahaan nugu kallifay in aan qabqabanno markay Hooyooyin yidhaadeen na Xanbaara Hablo ay kufsadeen runtii dhibta intaa leeg markaannu u adkaysan kari waynay. Ka Ciidan ahaan waxaan ku hanwaynahay in dhibaatooyinkaas yaryari soo koobmi donaan si dhaqso ah haddii Illaahay yidhaahdo oo nalala shaqeeyo.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Guddoomiyaha Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta, Xubno ka tirsan SONYO iyo Xunbo dhalinyaro Aqoonyahaniin ah, ayaa iyaguna ka hadlay kulankaas, kuwaasoo sheegay inay muhiim tahay in xal loo helo dhalinyarada rabshadaha sida badheedhka ah u sameeya, si aan nabadgelyada iyo xasilloonida magaalooyinka dalka Somaliland wax-yeello u soo gaadhin, waxaanay soo jeediyeen in si isku mid ah Shacab iyo dawlad, Waalid iyo Boolis-ba looga wada shaqeeyo sidii rabshadaha dhalinyaradu ku kacaan loo soo afjari lahaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment