Saturday, February 7, 2015

Wax Ka Baro Cilmiga Xadiithka-W/Q Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii Koowaad

Qeexida Cilmiga Musdalaxa Xadiiska Ah
Mahad Alle SWT kaddib, Musdalaxu waa; eray bixin, faa’iidada Musdalaxuna waa in la ogaado Xadiiskani Rasuulka CSW maka sugnaaday mise kama sugnaan. Aqoonta lagu kala ogaada oo la yidhaa Musdalax. Waxa aanay barashadiisu soo caan baxday markii ay soo baxeen axaadiis fara badan oo lagu been abuurtay Rasuulka CSW.
Inta badan aqoonta lagu kala ogaado waxay u qaybsamaan waxa la yidhaa Sanad iyo Matni.
Sanad: waa dariiqa qofka xadiiska warinaya uu ku wariyo illaa Nabiga CSW laga gaadhayo.
Matni: waa hadalka Nabiga CSW illaa ka warinaya ayaa la yidhaa Matni.

Xadiiska saxeexa ah waxa lagu gartaa:-
• Sanad: ahaan inuu xidhiidhsan yahay (qof kasta qofka uu ka warinayo ugu yaraan waa inay hal mar is arkeen, isku wakhtina noolayeen).
• Caadil: waa inuu warinayo xadiiska (marka caadil laga hadlayo waa inuu yahay qof aan been lagu aqoon).
• Shaad: waa inaanu ahayn (shaad waa qofka xadiiska werinaya oo khilaafa dhowr qof oo si kale u warinaya xadiiska, ama qof isaga ka xifdi badan uu khilaafo).
• Cillo: waa inaanay jirin (waa cillo xadiiska kala goynaysa, oo qaarsoon).
• Daabid: waa inuu yahay (qofka xadiiska werinaya waa inuu xadiiska xifdisan yahay oo korka ka hayaa, ama kitaab ugu qoran yahay. Cullimadii xifdiyi jiray axaadiista waxa la odhan jiray xufaad iyo xaafid hebel sida Ibnu Xajar oo kale).
Garatay sida loo saxiixiyo xadiiska inaynu ku sheegnay inuu yahay saxeex intaa kor ku xusan marka laga helo. Haddaba marka lagu yidhaa xadiiskaasi waa saxeex waa inaad intaa ka hubsata. Markaa waxa u noqonaya xadiis xujo gal ah; meel walbana waad u daliishanaysaa sidaa Axkaamta, Caqiidada, Tafsiirka iyo Siiradaba. Axaadiista ugu saxeexsana waa kuwa ay wariyeen labada sheekh ee Bukhaari iyo Muslim. Inta badan iyaga isku hawli maysid marka laga yimaado Bukhaari Adabul-Mufradka. Muslimna axaadista Muqadimada ah.
Xadiiska Xasanka ah waxa lagu gartaa:-
• Inta aynu kusoo sheegnay xadiiska Saxeexa ah way ka siman yihiin sida Sanadka, Caadilka, Shaadka iyo Cillada. balse waxay ku kala tagsan yihiin Daabidka, sidaas ayaa loo yidhi waa xadiis Xasan ah.
Sababta loo yidhi waa xadiis Xasan ah waa isagoo ka xifdin hooseeya qofka wariyey xadiiska Saxeexa ah, sidaas daraadeed uu hal salaan ka hoos maray darajadii laga rabay. Waana sababta loo yidhi waa xadiis wanaagsan. Ogow inuu yahay xadiis xujo gal ah, oo loo daliishanayo meel walba.
Xadiiska Daciifka ah waxa lagu gartaa:-
• Xadiiska ka hooseeya xagga darajada xadiiska Xasanka ah ayaa la yidhaa waa xadiis Daciif ah.
Xadiiska Daciifka ahii waa mid sida aynu kor kusoo xusnay darajo ahaan ka hoos maray xaggii laga rabay, sidaa daraadeed noqon maayo xadiis xujo gal ah. Haddii dhowr xadiis oo daciif ahi is biirsadaan waxa u noqonayaa xadiiska loo yaqaan Xasanu Liqayrihi.
Xadiiska Marfuca ah waxa lagu gartaa:-
• Xadiiska Marfuca ah waxa loo tiriyo Rasuulka CSW, oo la yidhaa Rasuulka sidaa yidhi, ama Rasuulka sidaa sameeyey, amase Rasuulka dharkiisu, akhlaaqdiisu, fadhiigiisu, istaagiisu, socodkiisu sidaa iyo sidaa ayey ahayeen.
Xadiiska Maqduuca ah waxa lagu gartaa:-
• Waa xadiiska Taabicugu wariyo ee u Rasuulka CSW ka wariyo.
• Ama Taabicigu ku fasiro Tafsiirka iyo Axaadiista.
Maqduuca xadiiska la yidhaa waa laba midkood; inuu ku saxsan yahay Taabicigu warkiisa, tusaale ahaan inuu sharaxayo aayad Qur’aan ah, ama Xadiis uu sharaxayo. Taasi waa mid uu ku saxsan yahay. balse hadduu yidhaahdo waxa aan warinayaa xadiis dabadeed isaguu yidhaa Rasuulki waxa uu yidhi. Su’aashaad is waydiini waxa weeyi xageed isku soo gaadheen. Markaa waxa aad halkaa ku garan in sanadka xadiisku kala go’an yahay.
La soco Qaybta Labaad……
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment