Cabdillaahi Abokor iyo Xildhibaan Qabille oo ku kulmay Munaasibad Khamiistii dorraad lagu Caleemo-saaray Suldaan Xasan Maxamed Axmed (Hobo-Hobo) oo ka dhacday deegaanka Jaleelo, waxa ay labadoodu halkaas ka sheegeen inay iska cafiyeen xurgufo siyaasadeed oo kala dhexmaray wakhtigii uu Cabdilaahi Abokor ahaa Wasiir ku-xigeenka Amniga ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.Xildhibaan Qabille oo madasha ka hadlay, ayaa soo hadal qaaday Xanaf-ta siyaasadeed ee dhexmartay Cabdilaahi Abokor, waxaana hadalladii ka mid ahaa, "Waxaan u yeedhayaa Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ah Inaadeerkay iga yar, wax caloosha la isgu hayaana ma yaallaan, waxa la yidhi maalinta Khamiista ah iyo Isniinta waxa soo dega Malaa'ig, kuwaas oo dira dambi dhaaf oo waxa ay ka tagaan laba caloosha axba ka jirin, aniga xagaygana waxaan ka cudur daaranayaa cid kasta oo soo qaadda naanaystaas in aanay waxba ka jirin, cabdilaahi Abokorna saamax ayuu iga yahay," ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Xukuumadda Kulmiye Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna ka dareen-celiyey hadalka Xildhibaanka, ayaa yidhi, "Walaalkay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo aanu ahayn ragii iskugu dhowaa wakhtigii mucaaridka, balse siyaasaddu waxa ay leedahay qandhuufooyin, markaa anigu waxba caloosha uguma haynin imikana uguma hayo xildhibaanka, laakiin waxaan ku bogaadinayaa bila aadanku waxa ay ku kala roonyihiin garashada inuu isagu igaga horeeyo ayaan ku bogaadinayaa, waana waayo aragnimo uu i dheeryahay, waxaan filayaa inaanu isku ahaan doono sidii aanu hore isugu ahaan jirnay.”
Xildhibaan Qabille, ayaa dhacdooyin lagu bartilmaameedsaday oo lagu xidhiidhiyey xukuumadda la kulmay muddadii uu Cabdilaahi Abokor wasiirka ahaa, waxaanay ka mid ahaa dhacdo sannadkii 2013-kii lagu rasaaseeyey xildhibaanka badhtamaha magaalada Hargeysa, balse aanay waxba ka soo gaadhin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment