Monday, February 9, 2015

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland Oo Ka Digay In Dib Loo Soo Celiyo Hab-Dhaqankii Iyo Xukunadii Guddiyadii Nabadgelyada Ee La Tirtiray

Hargeysa (Himilo)- afhayeenka ururada xuquuqda aadamiga somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale ayaa qoraal digniin ah oo ku saabsan inaan dalka dib loogu soo celin habdhaqankii guddiyada nabadgelyada ee hore loo tirtiray, qoraalkaasi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
astaanta difaacayaasha xuquuqda aadmiga“Xukunada Ciqaabta Xadhiga Adag ah ee shalay ay bilowday Maxkamada Gobolka Maroodijeex in ay ku xukunto dhalinyarada Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo Booliska Somaliland ku soo eedeeyo falal amaan-daro Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaar lid ku ah Mabaadiida Caddaaladda iyo dhexnimadii garsoorka dalkeena.
7 Feb. 2015 ayay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay dhalinyaro tiradoodu kor u dhaafayso 50 xubnood ciqaab xadhig oo u dhaxaysa Shan billood ilaa Hal Sanno oo Xadhiga Adag ah, dhalinyaradaasi oo Hay'adaha sharcifulinta Somaliland ku soo eedeeyeen in ay xilliyada habeenkii ka sameeyaan caasimada falal amaan-daro.
Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha sare ee Booliska iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland waxa dhalinyarada la xukumo lagu xidhi doonaa xabsiyo aad uga fog deegaamada ay ku nool yihiin waalidkood, si aanay waalidku u awoodin inay xabsiga dhexdiisa ku quudiyaan ama si joogto ah ugu booqdaan carruurtooda, isla markaasina dhalinta la xukumaa u dareento xabsi adag oo kulul.
Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhalinyaradan loo maxkamadeeyay iyo xukunada lagu riday dhamaantood ay lid ku yihiin xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Aadamaha ee uu damaano qaaday dastuurka Somaliland iyo Aaladaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamigu.
Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan in Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland markii ay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen ee dhinaca Amaanka, ka dib markii ay waxba ka qaban kari waayeen musuqmaasuqa naafeeyay hay'adaha sharcifulinta Somaliland gaar ahaan Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Dambi Oogayaasha, ay taasi sababtay in Magaalooyinka waawayn ee Somaliland hoy u noqdaan xadi aad u farobadan oo ah Maandooriyayaasha gaar ahaan noocyada xashiishadaha khatarta ah iyo Khamriga, taasi oo marka lagu daro iyadoo aanu dalka ka jirin goobo ay dhalinyarada Somaliland kaga fakadaan balwadaha xunxun sida garoomo ciyaareed, Golayaal Madadaalo, iyo Maktabado keentay in dhalinyarada dalku in ay isticmaalaan ka ganacsadaan oo meherad ka dhigtaan mukhaadaraadka xashiishada iyo khamriga.
Dhalinyaradan xukunada caddaalada ka baxsan lagu riday ayaa isugu jira ardayda dhigata Jaamacadaha iyo Dugsiyada Aasaasiga ah iyo qaar da'doodu ka yar tahay qaangaadh iyadoo Taliska Guud ee Boolisku sheegeen in da'yarta la xukumo la gayn doono xabsiyo ka fog magaalooyinka ay degan yihiin waalidkood.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa u aqoonsaday in Xukunadani la mid yihiin kuwii ay soo saari jireen Guddiyadii Nabadgalyada Degmooyinka iyo Gobolada Somaliland oo adeegsan jiray Xeerkii Public Order Law ama Xeerka Xukunka Degdega ah ee Nabadgalyada Guud. Xeerkaasi iyo Guddiyadaasi isticmaali jiray ayaa Madaxwayne Silaanyo wax yar kaddib markii uu talada dalka la wareegay July 2010 uu digreeto madaxwayne ku tirtiray.
Da’yarta dalka oo masuuliyiinta D/Hoose iyo kuwa xukuumada Dhexe ay si shaqsi ah ugu tagrifaleen Garoomadii iyo dhulkii Danta Guud ee dhalinyarada looga sahamin lahaa goobo ay ku madadaashaan ama Maktabado ay aqoon ka korodhsadaan.
Tani iyo markii uu qabtay talada dalka Somaliland xisbiga KULMIYE lama arag hal askari oo boolis ah oo la waydiiyay ama caddaalada lagu hor geeyay dambi uu muwaadiniinta ka galay ama tacadi uu gaystay, macquulna maaha Booliska iyo Sharcifulinta Somaliland waa Ceeb ka saliim.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin in waxan haatan lagu ciqaabayo Da'yarta Somaliland ay qayb wayn ku leeyhiiin hay'adihii Sharcifulinta ee u xilsaaraa amaanka oo uu dishooday Musuqmaasuq meelo yaxyaxle maraya.
Musuqmaasuqa Booliska Somaliland naafeeyay wuxuu sababay in 70% dacwadaha ka soo bilaabma Saldhigayada Booliska dalku ay Saldhiga iyo dambi-baadhayaasha jooga gacmahooda ay kaga leexdaan caddaaladii.
Waxa hubaal ah oo u doodayaasha xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Somaliland ka warqabaan in kor u kaca xaddiga soo gala dalka mukhaataraadka halista ah ee Xashiishada loo nuugo sida buuriga iyo kuwa dareeraha ah ee la cabo iyo Khamriga oo si xad-dhaaf ah u dalkeena ay sababta koowaad keenaan Musuqa xadhkaha goostay ee Booliskeena dhex miranaya. Iyadoo dambi-baadhayaasha iyo saraakiisha Booliskeena iyo ciidankeena xabsiyadu qabatimeen kuna walfeen isticmaalka balwada geedka KADABGOOYE ee Qaadka ama Jaadka ayaa maanta sababtay in caddaalad-darada ka taagan saldhigyada Booliskeenu ka xumaato tii Siyaad Barre aynu kula dagaalanay.
Ururada u Dooda Xoriyadaha Dastuuriga ah ee muwaadiniinta waxay ka walaacsan yihiin Xad-gudubyada ku talogalka u eeg ee Xukuumada Somaliland ay ku qaaday da'yarta dalka, waxaana aanu leenahay Xadhig iyo Xabsi Adag oo Ubadka laga fageeyo waalidkood xal maaha.
Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Qaranka Mud. Silaanyo inuu dib u habayn balaadhan ku sameeyo hay'adaha sharci-fulinta waxaana haboon in khabiiro caalami ah oo aqoon fiican u leh la tacaalida dabmiyada abaabulan ee xudduudaha isaga gudba, aqoon durugsana u leh la dagaalanka argagixisada dhiiga qabow, iyo abuurida boolis dadku la xisaabtami karaan uu dunida ka soo kiraysto
Suleiman Ismail Bolaleh
AFHAYEENKA URURADA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment