Hargeysa (Himilo)-guddoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi, ayaa Tacsi U Diray Golayaasha Qaranka Iyo Guud Ahaan Bulshada Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Marxuum Xildhaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi Oo Loo Yaqaanay Dhugad, Isla Markaana Ka Mid Ahaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland.
Muuse Biixi waxa uu yidhi:- “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida Xildhibaan Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo galabta (08/02/2015) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed (Dhugad) wuxuu rukun wayn oo ka baxay Somaliland, waxa uu door muhiim ah ka soo qaaday halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waxa kaloo uu ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo uu xubin firfircoon ka ahaa shaqada golahaasi ee odayeynta iyo nabadda dalka.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteed shacabka reer Somaliland-na uu Ilaahay samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin”.
ALLAH MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment