Monday, February 9, 2015

Mudane Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho:Feb,09,2015(Himilo)-Mudane katirsan Baarlamaanka Somalia ayaa saaka lagu toogtay Badhtamaha Magaalada Muqdisho xilli uu ku socday Xarunta Baarlamaanka oo Fadhi muhiim ahi ka furmayey.

qayaaKooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay degmada Xamar jajab Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabayay C/llaahi Qayaad Barre.

Xildhibaankan la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdilaahi Qayaad Barre, waxana la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen Koox hubaysan oo goobtii ka Baxsatay.

Kooxaha dilka geystay ayaa saarnaa gaadhi, iyagoo rasaas ku furay gaadhi yar oo uu watay Xildhibaanku oo taagnaa meel ku dhow Isgoyska Ceel Gaabta ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ay in muddo daba socdeen gaadhiga uu watay Xildhibaanka, iyagoo markii ay la soo sinmeen rasaas ku furay, dabadeedna baxsaday.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo sanadkan 2015 loo geysto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waxaana sanadkii hore uu ahaa sanadkii ugu badnaa ee Xildhibaano lagu dilo Muqdisho, iyadoo ilaa shan xildhibaano la dilay.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment