Harari:Feb,05,2015(Himilo)-Robert Mugabi oo ah Madaxweynaha Dalka Zimbaabwi, isla-markaana lagu tilmaamo inuu yahay Madaxweynaha Caalamka Doorashadu ka dhacdo ugu da’da weyn, ayaa si aan la fileyn ugu kufay roog cas oo loo dhigay mar uu kasoo degayay garoonka diyaaradaha ee magalada Harreere ee dalka Zimbabwe.

Sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo isticamalaya Camerad noocedu yahay 70D Canon oo bidhiq la’aan ah ayaa la helay sawirro dhowr ah, waxaa uu sawiray Mugabi oo inta uu simbiriraxday oo kusi socda dhulka isagoo dhacay iyo isagoo ay ilaaladiisa iyo qeybta anshaxa ay qabanayaan.
Mugaabi ayaa la sheegay in uu hadda jiro 90-sano waxaana marka loo eego da’da uu jiro uu u muuqda qof ka dhallin yar.
Sanadii 1987 ayuu qabsaday xilka madaxtinimo ee dalkaa, waxana lagu wadaa in bilaha soo socda uu galo da’da ah 91 sano oo markaa in uu qarni jirsado waxaa uga hadhay oo keliya sagaal sanadood.
Dhawaan ayaa sidoo kale madaxweynaha, waxaa Magaalada Addis Ababa loogu doortay inuu noqday Hoggaamiyaha Midowga Afrika, waana xilka labaad ee marka laga yimaaddo ka waddankiisa uu haatan hayo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment