Saturday, February 7, 2015

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Saddex Maamul-goboleed oo Puntland ku jirto

Muqdisho, 07 Feb, 2015 (Himilo)- Shir muddo laba maalmood ah Magaalada Muqdisho uga socday Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee dalkaas, ayaa shalay lagu soo gunaanaday magaaladaas, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 12 qodob oo lagu heshiiyey.
maamul-goboleedkyadaUjeeddada Shirka oo lagu tilmaamay wada-tashi xaaladda dalkaas ku saabsan, ayaa ku yimi marti-qaad madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey madaxweynayaasha saddexdaas maamul-goboleed oo saamayn ku leh siyaasadda dhismaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliiya, haseyeeshee waxa ka biyo-diiday shirkaas madaxweyne Maamul-goboleedka Gal-mudug Cabdi Qaybdiid.
War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntlanad Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Shariif Sheekh Xasan, ayaa u qornaa sidan:- “Iyaga oo ka jawaabaya martiqaad ay ka heleen Madaxwenaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa booqasho qaadatay saddex maalmood ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wufuud ay kala hogaaminayaan saddexda Madaxweyne ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Ujeeddada martiqaadka Madaxweynaha ayaa ahayd wadatashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si aragti Qaran oo midaysan looga yeesho arrimaha Soomaaliya. Muddadii saddexda maalmood ahayd waxay dhinacyadu yeesheen kulammo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaa ugu dambeyntii la isku raacay qodobbadan:
1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.
2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.
3. Qorshaha lagu gaadhayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada hadhsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.
5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.
6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wada-shaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.
7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.
8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.
9. Inta la gaadjhayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.
10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo.
11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.
12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka laga soo saaray Shirka ay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha saddexda maamul-goboleed ee Puntland, Jubbaland iyo Gobollada Koonfur-Galbeed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment