
Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dhaqaalaha ay dibadaha kasoo diraan Qubo-joogta Soomaaliyeed ay tahay midda keliya ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in haddii la joojiyo xawaaladaha ay noqonayso musiibo lasoo darista Soomaalida gudaha ku nool.
“Lacagaha daafaha dibadda uga yimaada dad badan oo Soomaaliyeed waxay u tahay naf-badbaadin., walwal weyn ayayna nagu haysaa xawaaladaha ay lacaguhu maraan oo la joojiyo,” ayuu yidhi danjire Kay.
“Waxaa jira dhaqan xun oo ay ku sheegaan hay’adaha la socda lacagaha laga dirayo dibadaha inay gacanta u galayaan kooxo argagaxiso ah iyo IWM. Balse Somalia haatan kama jiraan bangiyo lacagta lagu hagaajin karo, taas awgeed waxaan ka digayaa in la joojiyo dhaqaalaha Soomaalida dibadaha uga imaanaya,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Kay.
Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa ugu baaqay bangiyada Mareykanka inay xal u helaan dhibaatada ku wajahan xidhiidhka xawaaladaha Soomaalida.
Go’aanka uu Bandhiga Merchants Bank of California ee joojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa xawaaladaha Soomaalida, ayaa ku muddeysnaa 6-da bisha February oo ku beegnayd Jimcihii shalay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment