Saturday, February 7, 2015

“Ninka ugu daran ee Beelnimada muddo-kordhinta ku wada ee leh Guurtidii baan halkan ku hayaa…”

London, 07 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekedaha ee xukuumadda Kulmiye, Maxamed Yaasin Xasan, ayaa naqdiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-madow oo sheegayey in beesha Bariga Burco diyaar u tahay isla markaana danaynayso muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa.
Boqor Cismaan Buur-madow oo Khamiistii saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inuu shakhi ahaan taageersan yahay muddo-kordhin laba sanno ah oo loo sameeyo madaxweynaha isla markaana beesha Bariga Burco ee isaga iyo madaxweynuhu ka soo jeedaan diyaar u tahay muddo-kordhintaas.
warMaxamed Yaasiin Xasan oo ka tirsanaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee madaxweyne Siilaanyo magacaabo sannadkii 2010 markii xisbiga Kulmiye Doorashada ku guulaystay, waxa uu fadeexad ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay boqor Cismaan Buur-madow oo uu sheegay inuu ahaa mid dhaawac ku ah hoggaaminta madaxweynaha.
“Hadalkaas uu sii daayey Boqor Buurmadow waxan aaminsanahay inaanu boqorku naseex u ahayn inuu kursiga kusii raago, waayo haddii uu leeyahay isku beel baanu nahay cid kale ayaa ka hadli lahayd, Somaliland Beelina kaligeed madaxweynaha waxba uma kordhin karto, sida uu imika ku wadana, haddii la leeyahay bahashii waa la qabsaday waa wax kale.
Waxaana aan Ogahay In hadalkaas uu Boqorka usoo dhiibay Guddoomiyaha Guurtida ee Saleebaan, ninka arrintaas wadaana waa Saleebaan oo waa la Hubaa, waxaana fadeexad ah inuu Boqorku ku baano oo yidhaahdo Guurtidiina waa noo diyaar, ninka ugu daran ee Beelnimada wada ee muddo-kordhinta wada ee leh Guurtidii baan halkan ku hayaa waa Guddoomiye Saleebaan,” Sidaas waxa waxa yidhi Maxamed Yaasiin oo u warramayey telefishanka Royal ee xaruntiisu tahay magaalada London.
Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliland waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ay waajib qaran ku tahay inay qabtaan Doorashooyinka dalka, waxaanu ku dooday inaanay arrintaas wax cudurdaar ah u heli karin haddii ay fashil ku dhamaato.

“Doorashada Masuuliyadeeda waxa iska leh dawladda imika jirta, haddii ay qabsoontana ammaanteeda iyadaa iska leh, haddii muddadii loo qabtay ay dhici weydana dembiga waxa iska leh xukuumadda, haddii cid aan iyada ahayn ay farta ku fiiqdana sida maanta jirta oo kale waxaad mooddaa inay ka meermeerayso,” ayuu yidhi Maxamed Yaasiin.
Maxamed Yaasiin waxa uu su’aal geliyey kalsoonida madaxweyne Siilaanyo ka qabo Doorashooyinka soo socda, “Axmed Siilaanyo haddii uu leeyahay waxbaan qabtay waa inaanu shacabka ka baqan, sababta shacabka looga baqayaana waa beelihii Darafyada ee Sool iyo iyo Awdal ayaan gacanta lagu haynin,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Yaasiin oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradak ah ee Waddani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment