
Sida ay qortay Warbaahinta Maraykanku C/naasir Max’ud Ibraahin waxa cimrigiisa lagu sheegay 43-jir, waxana lagu eedeeyey inuu dhaqdhaqaaqa Al-shabaab u fidiyey taageero dhaqaale.
Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada hor keenay qoraalo ay sheegeen inay kasoo saareen E-mail,ka C/naasir kuwaasoo ay ku sheegeen inuu kaga hadlay taageero dhaqaale oo uu u diray hogaamiyaal sar sare oo Al-Shabab ka tirsan iyo arrimo ku saabsan dhalinyaro Al-Shabab loo tababarayay.
Sidoo kale dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kiiska C/naasir Max’ud Ibraahim oo soo bilawday bishii July ee sanadkii hore inuu warar been abuur ah u sheegay hay’addaha sirdoonka dalkaasi.
Soomaali aan tiro yareyn oo dambiyo kala loo haysto ayaa ku xidhan xabsiyada dalka Maraykanka qaarkoodna dacwadahooda ayaa maxkamadaha dalkjaasi ka socda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment