Ninkan loo doortay Madaxweyne-ku-xigeenka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da, ayaa magaciisu yahay Axmed Yuusuf oo ah Sharicyaqaan Haatan gaadhay Mansab ku cusub dadka soomaalida ah.Guddoonka Maxkamada ayaa xilka heyn doona 3 sano ee soo socota, waxana Madaxweyne loo doortay Nin u dhashay dalka Faransiiska oo muddadaas Maxakamdda Hoggaamin doona.
Maxkamada Adduunka ayaa ah tan ugu sareysa caalamka isla markaana u kala gar-qaada Wadamada isheysta ama khilaafka ka dhaxeeya, waana garabka garsoorka Qaramada Midoobay.
Xaakim Cabdiqawi Yusuf ayaa isugu ahaa hore Qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo kamid noqda Xaakimyada Maxkamada Adduunka oo ka kooban 15 xaakim oo caalamka ka kala yimid, kuwaasi oo xilka haya muddo 9 sano ah.
Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maxkamada Adduunka ayaa kusoo beegmaysa xili sanadkii 2014 ee lasoo dhaafay ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen maxkamada inay go’aan ka gaaadho qeybaha kamid ah Badweynta India, oo ay labada dal isku heystaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment