
Saleh al-Sobari oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda waddanka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka SABA, inay soo badbadiyeen 13 ruux oo siddeed ka mid ahi yihiin Itoobiyaan.
Waxa ay saraakiishu sheegeen in maalintii Isniinta ee todobaadkan ay doontu ku degtay Xeebaha Koonfur-Bari ee dalka Yemen, waxaana la rumaysan in doontasii ku geeriyoodeen inta badan dadkii saarnaa, kuwaas oo meydadkooda ay heleen ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen.
Lama sheegin meesha ay Tahriibayaashu ka raaceen Doonta, haseyeeshee waxa la rumaysan yahay inay ka baxday Xeebaha dalkaasi Soomaaliya oo inta badan marin u ah tahriibayaasha Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo marka ay dalka Yemen gaadhaan uga sii gudba waddamada Khaliifka Carabta oo ay shaqooyin ka raadsadaan.
Himilomedia.Com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment