
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda maaliyadda oo si faahfaahsan loogu sharraxayey waxyaabaha ay labada dhinac ka wada-hadleen, ayaa u qornaa sidan: “Waxa maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 03/02/2015 kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka maaliyadda, madaxda wasaaradda maaliyadda oo dhinac ah iyo madaxda hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan deeqaha ee magaceeda la yidhaahdo DFID. Kulankaas oo uu gudoominayey wasiirka wasaaradda maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale waxa ujeedadiisu ku saabsanayd mashruuca tayaynta dakhliga (revenue mobilization) ee ay hayadu qandaraaska ku siisay Shirkadda Adam smith International taas oo ay kormeer ku samaynayaan ha’yada DFID sida hawshu u socoto.
Waxa wasiirka maaliyaddu uu warbixin ka siiyey hay’adda DFID halka Madaxweynaha JSL uu kasoo qaaday Miisaaniyada qaranka isagoo kaashanaya wasaarada maaliyadda taas oo ahayd 47 milyan dollar sanadkii 2010 ee xilka uu la wareegay halka sanadka 2015 uu kayahay 251 milyan oo dollar,taas oo aad arkayso korodhka iyo horumarka laga sameeyay dhinaca maaliyadda, waxaana taasi noo suura gelisay inaan ku tashano waxaanu haysano isla markaana aanu waxbadan oo horumara qabsanay sida aad indhihiina ku arkaysaan, ayuu u sheegay Wasiirka Maaliyaddu.
Sidoo kale waxa uu wasiirku uga mahad naqay Hayada DFID Mashruuca wax ku oolka ah ee ay ka bilawday dhinaca dakhli ururinta waxaana wasiirku uu balanqaaday in wax kasta oo hawshaas wasaarada Maaliyada kaga soo Beegma ay u fuli doonaan sidii loogu talagalay,waxa kale oo wasiirku Balanqaaday in sida ugu dhakhsaha Badan ay uga gudbi doonaan shuruucdii PFM ku golaha xukuumada, waxa kulankaas dhinaca maaliyada ka qayb galay wasiirka wasaarada maaliyada,wasiira-dawlaha wasaarada maaliyada,agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada,agaasimaha waaxda qorsheynta & Tirakoobka,xidhiidhiyaha PFM reform.
Dr. Maxamed Samatar sidoo kale waxa dhinaca Hayada DFID kulankaas uga qayb galay John Wearing iyo Angus Miller Gebegebadii wuxuu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad Buuxa iyo in sidoo kale mashruucan sida ugu wanaagsan looga faa”iideeyo waddanka Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.
Himilomedia.Com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment