Saturday, February 7, 2015

Xawaaladihii Soomaalidu ku Lahayd Maraykanka Oo Maanta Albaabada Loo Laabay, Kadib Markii La Xidhay Akoonadii ay Ku Lahaayeen Baanka Merchant

Washinton:Feb,07,2015(Himilo)-Maanta oo Sabti ah waxa ku eg wakhtigii kama dambaysta ahayd ee Baanka Merchant uu u qabtay Xawaaladaha Soomaalida Marayaknka ee Akoonada ku leh, waxana intooda Badan Albaabada Loo laabay Xawaaladahaas.

xawaaKa sokow Walaaca iyo Walbahaarka arrintani ku hayso Soomaalida, ayaa waxa sidoo Walaac xooga ka muujiyay dowladda Mudanayaal katirsan Kongeraska Maraykanka, kuwaas oo ku dhawaaqay inay arrintaas wax ka qaban doonaan.

Xawaaladaha intooda badan ayaa haatan joojiyey adeegyaddii ay bixinayeen, waxaana mudada uu hodhay u qabtay Bangiga ay ku ekeyd, lixdii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay oo jimco aheyd, iyadoo maantana si rasmi ah inta Badan Magaalooyinka maraykanka looga dareemay Xidhitaanka xawaaladaha soomalida.

Bangiga Merchant ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in uu u hoggaansami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, waxa uuna sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin ay cadeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.

Oxam America ayaa ku qiyaastay lacagaha Soomaalida Mareykanku ay u soo diraan qoysaskooda ku nool Soomaaliya in sanadkii ay gaadheyso $1.3 billion, Taasoo ka dhigeysa in lacagtaasi ay ka badan tahay laba u jibaar lacagaha Kaalmada ah oo ay dowlada Soomaaliya ka hesho wadamada Shisheeye, marka aan lagu darin midda somaliland sida gaarka ah u hesho.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment