
Baabuurka xildhibaanka ayaa la sheegay inuu isku hor-gooyay gaadhi ay wateen kooxo hub kala duwan watay, iyadoo mid ka mid ah kooxdaas uu rasaas ku furay gaadhigii ay Muchai wateen, halkaasoo dhammaantood lagu dilay.
“Markii rasaasta lagu furay gaadhiga, waanu yara hakannay, laakiinse in yar kaddib ayaan u dhaqaaqnay dhinihii gaadhiga Muchair lagu rasaaseeyay, waxaanan ku aragnay maydkiisa iyo maydadka saddexii qof oo ilaaladiisii iyo darawakiisii isugu jiray,” ayaa ruux ka mid ah ehelladiisa laga soo xigtay.
Goob-jooge iibinayay joornaallo oo halkaas ku sugnaa ayaa sheegay in ninka toogashada geystay uu wajiga u xidhnaayeen, isagoo intaas ku daray in toogashada kaddib ay markiiba goobta ka baxsadeen.
Afartan qof ee la dilay ayaa la sheegay in dhammaantood laga toogtay madaxa iyo laabta. Waxaana maydadka halkaas ka qaaday ciidamada booliiska oo geeyay guri la sheegay in lagu diyaarinayo si loo aaso.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment