Sunday, February 1, 2015

"Anagu (Xukuumadda) cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysaana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorashada doonaya ayaanu nahay, hadday farsamadu qaloocato oo ay qabsoomi weydana Ummadda ayaanu la mid nahay."Wasiirka Duulista JSL Md, Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hargeysa (Himilo)- Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi,  ayaa Wareysi uu kaga hadlay arrimo badan Siiyey Barnaamijka Millicsiga Siyaasiga ee ka baxa Talefishanka Universal tv.

18f70f32353042ec87302d575ec82131_LWareysigan ayaa wasiirku ugu horeyn kaga xog-waramay waxyaalihii u qabsoomay muddadii uu xilka wasaarada duulista hayey waxaanu yidhi:- “Runtii waxa aan rumaysanahay Xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ee anigana uu ii igmaday inaan ka kaaliyo dhinaca Hawada, Duulimaadyada iyo Gaadiidka Cirka oo marka si kale loo dhigo maamulka madaarada Wasaaradani shaqada ugu weyn ee ay qabataa waa maamulka madaarada, aniga oo xaqiijinaya himiladii madaxweynaha  dardaarankiisii hankii maamulkiisa, ballanqaadyadii ummadda aanu u sheegnay wax badan ayaanu xaqiijinay ee isbadal weyn oo bulshadu ka markhaati kacayso ayaa maanta ka qabsoomay garoomadeena, gaar ahaan labada garoon ee waaweyn ee caalamiga ah Hargeysa iyo Berbera oo runtii ah kuwa  udub dhexaadka u ah garoomadeena, maanta garoonkan aynu joogno ee Cigaal International Airport wuxuu ahaa garoon yar oo laga sameeyo duulimaadyo maxali ah oo la dhisay sanadkii 1958 looguna tallo-galay diyaaradihii wakhtigaa dunida ka duuli jiray, garoon marka la dhisaayo waxaa loogu tallo-galaa diyaaradaha xilligaa iyo ilaa toban sanno kaddib kuwa la isticimaali doono, Somaliland xilligaa qurbo-joog may lahayn, dadkeenu xoog-maal, debadeed ma lahayn  markaa garoonka noocaasi ahaa ayaanu la wareegnay oo burburay daamurkii dhamaaday  oo Jabuuti Diyaarado yaryari ay ka yimaadaan kuwaa marawaxadaha leh ee Ruushka ahi, waynu ku soo caano maalnay runtii dabadeedna hankayagu wuxuu ahaa in aanu garoonkan ka dhigno garoon caalami ah oo Diyaarado waaweyni yimaadaan ee la yidhaahdo Jedka, maantana himiladayadii waanu xaqiijinay garoonkii waxaanu saarnay dib ayaanu u kabnay, burburkii ayaanu ka biinay laba leeyar ayaanu saarnay labadiisii kiilloomitir iyo badhkiisii 2.5KM hore maantana waxaanu ku daraynaa ilaa iyo hal kiiloomitir iyo dheeraad, wuxuu noqon doonaa Runway-da Geeskan Afrika ugu waaweyn terminaaladii ayaanu kordhinay dhinacii amniga ayaanu kor u qaadnay oo maanta Security-ga garoonkeenu kuwa madaarada caalamiga ah ayuu la mid yahay, waa layna xaqiijiyey oo dhamaan dunida oo dhami waxay ku qanacsan tahay shandada Hargaysa laga soo baadho  inaan dib loo baadhayn ,waxaanu wax ka badalnay dhinacii amaanka iyo bad-qabka Diyaaradaha, darajada 2-aad ayuu ahaa madaarkani maantana darajada 9-aad ayuu marayaa, waad garan kartaa 7 darajo oo caalami ah ayuu afar sanno guddahood kacay, maaha faan iyo been iyo wax dadka lagu harawsado,”

Wasiirka mar la weydiiyey su’aal ahayd inay iyagu ka wasaarad ahaan ama ka xukuumad ahaan qiimaynta samaysteen waxa uu yidhi sidan:-

“waxaana qiimaysay Hay’adda Duulimaadyada Qaramada midoobay u qaabilsan ayaa qiimaysay,daraasado ayey sameeyeen  Diyaaradaha waaweyn ee caalamiga ah sida Turkish Airline , Fly Dubai, Kenyan  Airways, dhamaantood waxay ka markhaati kaceen qiimayntii  ICAO inay sax ahayd, waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha garoonkan ku soo kordhay saddex iyo toban kiilloomiter 13KM oo dad dhistay lana hantiyey oo la degan yahay baanu Xayn-daab shabag ah ku xidhnay oo xadaynay sagaal iyo tobankii sanno ee Wasaaradda Duulista shaqaynaysay ee Somaliland soo jirtay, afartii sanno ee Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo  jirtay  been mahaa intii aanu qabanay lama qaban iyo tii Siyaad Barre-na lama qaban been mahaa taariikhdaa ka markhaati kici.”

Mar la weydiiyey wasiirka waxa hortaagan in madaarku habeenkii shaqeeyo waxa uu yidhi:-

“ Dhawr billood kaddib ayaanu doonaynaa inaanu habeenkii ka billawno duulimaadyada laydhkii waanu soo iibinay dawlad ahaan ayaanu   ku iibinay,  waddanka China  ayaanu ka iibsanay waa la soo rarayaaa wuxuu noqon doonaa Garoon maalin iyo habeenba laga duulo waxaanu samayn doonaa oo aanu hadda gacanta ku haynaa goobtii Dab-damiska , Gaadiid waaweyn oo casriya ayaanu keenay  shaqaale ayaanu tababarnay, Taangi weyn oo kaydka biyaha ah ayaanu samaynaynaa oo aanu Gacanta ku haynaa.”

Wasiirka mar la wediiyey su’aal ahayd, Wuxuu dhawaan Wasiirka Hawada ee Soomaaliya  uu sheegay inay la wareegayaan hawadii inaga dhaxaysay, maxaad idinku Xukuumad ahaan talaabo aad ka qaadeen arintaa,  waxa uu yidhi  :-

“  Runtii anaga oo xaqiijinayana  illaalinta  qaranimada Somaliland waxaa naga go’an in aan Hawada Somaliland laga xukumin xamar iyo meel kale toona, Soomaaliya Qarankii la odhan jiray ee burburay  ee kala baaday waa naloo wadda maamulaa dhamaantayo hawada, Nairobi ayaa laga maamulaa Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan hawada ee  ICAO ayaa haysa go’aan ka soo baxay Golaha Amaanka oo 924 la odhan jiray ayaa lagu baas gareeyay, xilligii burburku dhacayna iyagaa lagu wareejiyey,  sidii baanay u hayaan oo illaa hadda gacanta Soomaalida laguma soo celin, anaga mawqifkayaga  ICAO waanu u cadayanay, Qaramada midoobayna waanu u cadaynay ma suuroobi karto in hawadayada laga maamulo Xamar, ummadda reer Somaliland waanu ku kalsooni galinaynaa waana hadal layska yidhi, way sahlan tahay in hadalo layska yidhaahdaa maalin walba walaaladayo waxbay sheegaan, waanu is ognahay isma itaal dhaano, awooda ay kula wareegaana ma laha, hadday Qaramada midoobay ku kacado talaabadaana, anaguna waxaanu leenahay Istaraatajiyado aanu xaqiijin doono oo  aanu u sheegnay  talaabooyinka aanu waliba qaadi doono Qaramada midoobay.”

Wasiirka mar la weydiiyey wada hadaladii socday ee Soomaliya iyo Somalinad heshiisyadii la wada galay maadaama aan lagu dhaqamin arrimahani maxay macno samayanayaan waxa uu yidhi:

“ horta hadafka ugu weyn ee wada hadaladaa bartilmaameedka u ahi waa maamulka Hawada, sidaynu u wada yeelanaa waxa inaga dhexeeya sidaynu u qaybsanaa wixii hore tagay qaranimadii luntay qaniimadii inaga dhaxaysay ilayn waxa badan ayeynu wada leenahay oo maanta maqane, Safaaradaha iyo hantida dibadda wada taal weynu wada leenahay, may lahayn dee kaligood, waa arrimaha iman doona haddaan taa xal laga gaadhin, ismaba furi karaan arrimaha masiiriga ahi, arrimaha shirka February aanu Istanbul ku ballansanahay arrinta muftaaxa u ahi waa arrintaa, heshiiskii Jabuutina qodobkaa wuu xaqiijinayey, anaga waxaa naga go’an heshiiskii Istanbuul ee Dawladda Soomaaliya walaaladayo aanu wada galnay  inaanu xaqiijino iyaga waxaanu ku heshiinay xaruntaa Hawada laga maamulayaa ee la dhigayo FIR-ka Nairobi yaal   inay  Hargaysa noqoto guddi madax-banaan oo aanu wada leenahayna maamusho, waxaanu dareensanahay walaaladayo inaanay raalli ka ahayn in xaruntaa halkan loo soo raro, walaaladayo waxa ay ku doodaan aan wax wada yeelano, aan isku soo noqono, waxa iswediin leh ninka aan ogolayn xafiiskaa aanu ku heshiinay ee nagu aamini waayey FIR aanu guddi madax-banaan aanu u dhiibanay ee caasimada Somaliland Hargaysa yaala, maxaanu isku aamini karnaa?, dee xamar iigu kaalay anagu ragga u laleemaysan ma nihin laakiin raga naga midka ah ee wali midnimada aaminsan ayey u quus-goynaysaaa.”

Maxamuud Xaashi, sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aal ku saabsanayd inuu ka mid yahay xubno kooban oo aanay Karin seefta isku shaandhaynta ee Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “ Anigu ma qabo sidaas, aniga iyo wasiirada kale midna lama dooran, Madaxweynaha ayaa na magacaabay, isaga ayaa la doortay ana isagaa na doortay, madaxweynuhu isagaa doorashadeeda leh, inuu ninka uu doono daayo, ka uu doonana eryo, waana awoodaha madaxweynaha, sabab ayaanu ku sameeyaa taas, mana qabo inay reernimo tahay, kaligayna maaha Wasiirka aan la badalini wasiiro badan ayaa golaha ku jira oo aan wali la badaldin, oo qaarna Wasaaradihii lagu bilaabay ay joogaan kuwa aanay golaha ka bixin oo wasaarado kuwii hore ka culus loo dhiibay, markaas anigu kali kuma ihi, kuwaasina wasiiro isku reer ah maaha, reernima meesha ma taalo, waa tiim shaqo, dee tiimkaas sida uu madaxweynuhu u kala ciyaarsiinayaa waa hawsha ugu muhiimsan ee hogaamiye qaran u taala, kaftanka iyo dacaayadu way iska furan tahay laakiin maalintii la doono ayaa xilka layga qaadi karaa.”

Wariye Faysal Fadhfadhle ayaa sidoo kalena Wasiir Maxamuud waydiiyey wakhtigii ay ahayd in lagu qabto Doorashada Madaxtooyada oo afar billood ka hadheen iyo sida aanay u muuqan wax diyaar garow ahi, isla markaana ay jiraan Tuhuno qaba in Xukuumadu ay muddo kordhis rabto ayaa wuxuu ku jawaabay Wasiirku “ xaqiiqadii haddii aanu anagu nahay xukuumada xisbiga KULMIYE, abaabulka waa laba mid waa kaayaga aanu xisbigayaga ku dhisanayno waanu wadnaa, midna waa wax Doorashada iyo qabsoomideeda nagaga beegan, waxaan isleeyahay anaga wixii nagaga beegnaa doorshada waanu diyaarinay, kow labadii doorasho kharashkoodii intii nagaga beegnayd waanu ku tallo galnay, waxa kale oo Miisaaniyada 2015-ka ku jirta kharashka  laba diiwaangalinood, oo kala ah diiwaangalinta Madaniga ah oo ah xaqiijinta muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland oo hawsheedu culus tahay, oo qaranimada iyo midnimada dalkeenu ku xidhan tahay, lagu dhiiran kari waayey, beesha caalamkuna ay nagu madiyeysay ayaanu ku dhiiraynay, oo aanu wadnaa, Diiwaangalintii kale ee cod bixiyeyaasha diyaar ayaanu u nahay wixii nagaga beegan, waxa kale oo aanu Faysalow diyaar u nahay wixii Ciidan iyo amaanka ku saabsan, Madaxweynuhuna Guddidii doorashooyinki sidii saxda ahayd ayuu u sameeyey, markaas halka nagala dhaliilayaa ee nalagu haysaa waa maxay ?. ileen anagu doorasho khasab ah ma qaban karnee. Doorshana tuurta kuma sidano, ee waxa samaynaya Komishanka oo dajinaya qorshaha iyo jadwalka wakhtiga ay doorashadu ku qabsoomayso, diyaarna waxaanu u nahay, maxaanu la baqi? Xukuumad wax qabatay oo faanaysa oo foodhyeysa oo tunka la baxday ayaanu nahay, oo maanta meel wal oo madaxweynuhu uu tago lagu soo dhawaynayey, cod i siinaya kaliya kumuu lahayn ee mashruuc ayuu furayey, mashruuc kale uu dhagax dhigayey, kuwii horena waanu rumaynay oo waanu furnay, dadkuna sidaas ayuu noo aaminayaan, Ummaddana waadigaa arkayey kalsoonida ay nagu qabto, shacbiyada madaxweynuhu inay cirkaa marayso, taasi waxay calaamad u tahay inaanu doorasho doonayno, hadduu fahmi kari waayey ragga nala tartamayaa, oo ay iyagu kari kari waayeen waa nasiibkood, anagu kordhis ma rabo ee doorasho ayaanu rabnaa, hadday doorashadu farsamo ahaan qabsoomi waydo oo ay dib u dhacdo anagu masuul kama nihin, taasna anaga nalaguma caayi karo, rag xalaal mutaystay ayaanu nahay, markaas maxaa buur na saaraya, waxa kale oo taala haddii duruufteedu timaado ee cid ayey u taalaa. ciday taasi u taalana anaga maaha Golayaal ayeynu u leenahay Dastuurka ayaanay ku taalaa hab sharci ah ayaana loo maraa, Guddida doorashooyinkaa sheega inay doorasha qabsoomi karin ka diba hay’ada ku shaqada leh ayaa loo gubiyaa oo ka go’aan gaadhaya, Doorasho qabsoomi wayda tani ugumay horayn Doorashooyin badan ayaan wakhtigoodii ku qabsoomi waayey, Madaxweynahaashii dalka soo maray oo dhan way ku dhacday tani, Madaxweyne Cigaal, Madaxweyne Daahir Rayaale mid aan muddo dhaafin oo aan loo kordhin ma jirin, Dumuquraadiyadeeduna kacaa kufkaas ayey ahayd.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena ka jawaabay aragtida mucaaridka ee ku aadan in Tallo qaran layskugu yimaado haddii Doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoomi waydo waxaanu yidhi “ Dastuurka Somaliland-na tallo Qarani kuma jirto, hab Dhaqankeena siyaasiga ah ee aynu soo baranay ee aynu wax ku soo maamuli jirnayna maaha, markaas Madaxweyen la doortay Madaxweyne la doortay ayuun baa badali kara, waxa kale oo taala Golaheena Wakiiladda ee mudane Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ahaan Murashaxa Madaxweyne uu hogaamiyo, shan sanadood ayuu muddo dhaaf yahay, maxaa muddadaas loo kordhiyey ee intaas ay doorashadoodu qabsoomi wayday loo kordhinayey maxaa xaaraan ka dhigi waayey ?. dee waxa weeye way qabsoomi wayday oo daruuf Qaran ayaa loo arkay in la kordhiyo, cidda kordhinaysaana anaga (Xukuumadda) ma ahayn ee Golaha Guurtida ayuu ahaa, waar dee anagu cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysaana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorasho doonaya ayaanu nahay, hadday farsamadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana ummadda ayaanu kala mid nahay, wax gaar ah oo nalagu nashuushadeeyo ama nalagu caayana noqon mayso ee Somaliland sune iyo dariiq ayey u leedahay, ragaasna waxaan leenahay waxa muddan inuu caqligu shaqeeyo, oo aynu caadifada ka gudubno.”

Wasiirka Xaashi ayaa sidoo kalena wax laga waydiiyey sida uu u arko in Xubno Wasiiro ahi ay sheegaan inay sharaxan yihiin waxaanu yidhi “Qof kasta oo muwaadin ahi xaq ayuu u leeyahay in waxna doorto, lana doorto inuu han-yeesho, gaar ahaan ninka siyaasiga ahi, oo u damac yeesho waxba kama xuma oo raggii Madaxweynaha la soo halgamay ee garbihiisa ahaa, ee saaxiibadii ahaa inay han-yeeshaan anigu xumaan uma arko, Madaxweynuhuna mar labaad ayuu xaq u leeyahay, waana murashax, waanu cadeeyey xittaa Guddoomiyaha Xisbigu waakii cadeeyey inuu Madaxweyuhu yahay murashaxa kaliya ee KULMIYE,  cidda tidhi Madaxweynaha dabadii ayaan murashaxiin nahay, waxaan qabaa waa hanka iyo himiladu waa sax, raggaas waan ku ammaanayaa inay han-yeeshaan, laakiin malaa waddada loo marayo ayuunbaa la dhaliilayaa, in madaxwyenaha oo talladii haya ollole la billaaba ma haboona,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Himilomedia.com      

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment