Saturday, October 31, 2015

Diyaarad Ruushku leeyahay oo siday 224 Qof oo ku Burburtay Dalka Masar.

 

Qaahira (Himilo)-Diyaarad  Ruushku leeyahay oo siday 224 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Sinai ee dalka Masar.

Diyaaradda, ayaa ka soo kacday Sharm El sheikh waxayna ku socotay St. Petersburg.

Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegay in burburka diyaaradda laga helay bartamaha Sinai, waxaana goobta loo diray 50 gawaadhidda gurmad deg degga.

Inta badan rakaabka waxa ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashay Ruushka, rakaabka diyaarada saarna ayaan cidna ka badbaadin oo ku nafwaayay diyaaradan burburtay.

Dawlada ruushka oo wakhti hore oo maanta ah ka hadashay  diyaaradan ayaa sheegtay in la waayay mid ka mida diyaaradaha rakaabka qaada iyadoo markii dambe xaqiiqsatay in diyaarada dalka Masar ku dhacday ay tahay diyaaradii Ruushku la’aa.

Waxaan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn sababta keentay  keenaya shilka diyaarada dhacday balse saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in diyaaradaasi aan la soo ridin.

Himilomedia

Hargeysa Office

Xildhibaan Tanyanle oo Sharaxaad ka Bixiyay Kulan Xallay Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo & Isbahaysiga Kulmiye Iyo Wararka sheegaya In dib loo dhigay Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

 

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyanle kana mida xubnaha is casilay qabanqaabada shirka Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan xallay dhexmaray madaxwayne Siilaanyo.
Kulan laga hadlayo xaalada Xisbiga KULMIYE ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray madaxwayne Siilaanyo,wasiiro ka tirsan xukuumada, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed , Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Tanyanle oo matalaya isbahaysiga musharixiinta Xisbigga Kulmiye.

 

 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyanle oo kamida xubnaha xalay madaxwaynaha La kulmay ayaa sheegay inay is afgarteen madaxwaynaha wadahadalkuna uu si fiican u furmay isagoo xusay Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye ay ka go’an tahay inuu qabsoomo shirka Golaha dhexe ee loo mudeeyay 10 November ee 2015.
Xildhibaanka oo kulanka madaxwayne Siilaanyo ay la qaateen ka hadlay ayaa yidhi “Way jirtaa madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Xalley baanu kulanay, waxaananu ka wada kulanay waxay ahayd xisbiga KULMIYE shirkiisa loo mudeeyay Bisha November 10, wadahadalkii wuu noo furmay si wanaagsan ayaanu isku afgaranay, run ahaantii ama laba garab halagu sheego ama xisbiga Kulmiye ha ahaadee waxaanu wada doonaynaa in shirku si wanaagsan oo daacada u qabsoomo , Madaxwaynuhu wuu nala qaatay.”

 
Xildhibaan Tanyanle waxaa kale oo uu sheegay in shirka golaha dhexe ee Kulmiye laga yaabo inuu dib u dhaco maadaama hawsha xisbiga u taala iyo wakhtiga shirka loo mudeeyay aanay waxba ka hadhin “Shirka Kulmiye dib u dhaco waxbaa ka jira, waxaana taasi xukumaya Proposalska lasoo jeediyay, waxaana taas xukumaya mudada yar ee ka hadhay 10 November sagaal maalmood baa ka hadhay wakhtiga uu qabsoomayo shirku,Xisbigana shaqo badanbaa u taala ee hadii uu qabsoomayo shirku 9 november way wanaagsantahay, hadii ay intaasi ka balaadhatana koleyba talo ayaa noo socota.”ayuu yidhi Xildhibaan Tanyanle.
Xildhibaan Tanyanle waxa kale oo beeniyay warar sheegaya in isbahaysiga mucaaridka loo diiday inay kasoo qayb galaan shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye isagoo arimahan ka hadlayana waxaa uu yidhi
“Shirka cid noo diidani ma jirto, hogaankii xisbigaanu nahay oo waanu mideysanahay, raga kale ee garabkayagu waa fulintii xisbiga Kulmiye, kaadiriintii iyo xubnaha golaha dhexe ee Xisbigu xagayaga ayay ku badanyihiin waanu isku kalsoonahay, kaliya waa in la diyaariyo masrax loo simanyahay oo lagu wada baratami karo.”

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

“Waxaan ka mid ahay Dadka Somaliland ku qanacsan ee Godobta badan u galay, laakiin haddaanu is leenahay waxa soo baxaya keli-taliyayaal lacagta, taladaba iyo Dadkaba jeebka ku shubta….”

 

 

“Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax Agoonta Somaliland oo dhan ku filan boqollaal gadhle oo cumaamado waaweyn sita iyo boqollaal Dillaaliin ah ayaa Sacabka tuma...”

“ILLAAHAY dembigiisa ha dhaafo Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwa kale ee ay u dejisan tahay shaxda ah inay baaqiga ku kala tagaana Illaahay ha soo hanuuniyo..” Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo, dulmiga iyo arrimo kale oo la xidhiidha gurmadka ay u baahan yihiin dadka Danyarta ahi.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad uu Salaaddii Jimce ee shalay ka jeediyey Masjidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo uu Tukuiyo, waxa uu xaaladda dalku marayo ku tusaaleeyay dhacdooyin taariikhda galay oo Adduunka ay kaga tageen Asxaabtii Rasuulka (C.S.W) iyo Hoggaamiyayaashii Islaamka soo maray, waxaanu sheegay in horumarka bulsho oo kastaa ku xidhan yahay Caddaaladda, balse aanay suurto-gal ahayn in qof xil ka haya Xukuumadda talada haysaa uu keligii isku koobo oo uu qaato wax bulshada Caasimadda ka dhexeeya.

“Inaad tidhaahdo Xilkaasaan hayaa miyey keenaysaa inaad isticmaasho hantida Ummadda? Taasi miyey keenaysaa inaad keligaa qaadato wixii Hargeysi lahayd oo ka dhexeeyay 1.3 Milyanka qof ee ku nool? Taasi miyey keenaysaa inaad qaydhinka ku qaybsataan?” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu Sheekhu intaas ku daray oo uu canaantay dad uu sheegay inay ku qanacsan yihiin qorshayaal uu tilmaamay inay Madaxtooyada ka dhacaan, waxaanu yidhi; “Marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax Agoonta Somaliland oo dhan ku filan, marka Madaxtooyada lagu kala jarayo wax dadka indhaha la’ oo dhan ku filan boqollaal gadhle oo cumaamado waaweyn sita iyo boqollaal Dillaaliin ah ayaa Sacabka tuma.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Sheegay oo uu khudbaddiisii Jimcaha ku soo qaatay ahmiyadda Cadaaladdu u leedahay Aadamaha Gaal iyo Muslim-ba, waxaanu yidhi; “Dawladdu hadday isku Caddaalad falaan (dadkooda u caddaalad fasho) Gaalaba ha ahaadaane ILLAAHAY wuu ku ilaalinayaa. Waxaan ahay dadka Somaliland ku qanacsan ee godobta badan u galay, laakiin miyaad is leedahay dhulka Somaliland oo dhan koox aan toban ka badnayn baa iska yeelan iyadoo dadku wada hubaysan yahay oo deegaanno kala yihiin, haddaanu is leenahay sidaas ayay noqonaysaa oo kali-taliyayaal baa soo baxaya awood leh oo lacagta iyo taladaba jeebka ku shubta.”

“Waxaannu leenahay waar ka daaya kuwii waaweynaa baa sidaa ku dumaye, waar hantida aan kooxaha u samaysateen ka daaya, weliba imika waa la sii cilmiyeeyay oo waxa la odhanayaa hebel halkaa gee lambar 7 ha ka ciyaaro, waayo ? isagaa dillaal weyn ah oo halkaa ku wanaagsane. Shaxdu way dhigan tahay laakiin socon wayday ayaan leeyaahay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu u duceeyay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iska casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu sheegay inuu masuul ka ahaa dhismaha jid laami ah oo isku xidhaya Xaafadaha Gol-janno iyo Xawaadle, waxaanu yidhi; “Waxaannu halkan uga ducaynaynaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, maxaannu uga ducaynaa oo ficila, Waddadan (Goljannoo iyo Xawaadle) oo ay ku baxayso $ 130,000 dollar ayaanu dad badan kala hadalnay oo aanu ku nidhi miyaad naga samaysaan Waddadan aad Maydka laga qaadin karin (sida ay cidhiidhiga u tahay), Maalintii dambe ayaannu Xirsi kulannay waxaan ku idhi miyaad intan yar naga samaysid, dabadeedna wuxuu igu yidhi anigu ma qaabilsani waddooyinka Magaalada gudahaheeda, markaasaan ku idhi taaba khaanad nooga baadh illeyn dadka cashuur baa laga qaadaaye, saddex daqiiqo gudahood ayuu kaga jawaabay inuu u yeedho Maayar ku-xigeenka Caasimadda oo markaa joogay, waxaanu ku yidhi soo qiyaas waddada waa inaanad samaysaa, markaa ILLAAHAY Dambigiisa ha dhaafo” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Inankaa (Xirsi) ILLAAHAY dambigiisa ha dhaafo, kuwa kale ee ay u dejinsan tahay shaxda ah inay baaqiga ku kala tagaana Illaahay ha soo hanuuniyo.”

Himilomedia

Hargeysa Office

“Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba Ciqaab bay mudan doonaan…” Ramaax

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo sheegay in Sharciyo lagula Xisaabtamo Tahriibayaasha, Tahriibiyeyaasha iyo Cidda caawisaba

Boorama, 31 October, 2015-(Himilo):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf iyo Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxa.muud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa digniin u diray dadka ka shaqaysta arrimaha Tahriibta, Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka ka tahriibaya Somaliland iyo kuwa dhinaca Itoobiya ka soo tahriiba ee dalka soo galaya iyo weliba dadka Guryaha ka kireeya oo ay sheegeen inay ciqaab adag mudan doonaan, Sharciyo lagu abaal-mariyana la dejiyey.

Wax uu sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Maxamed Cambaro in iyadoo laga duulayo hirgelinta heshiisyo ay dawladaha Somaliland iyo Federaalka Itoobiya kala saxeexdeen dhawaan la doonayo in la xakameeyo dadka u soo tahriibaya iyo dadka ka tahriibaya Somaliland, sidaas awgeedna dardargelinta hirgelinta heshiisyadaas ay u tageen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Isaga iyo Saraakiil la socday oo ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland Jimcihii shalay.

Taliye Maxamed Cali Yuusuf ka dib markii uu dhammaaday Kulan ay wada-yeesheen Taliyaha Laanta Socdaalka ee gobolka Awdal iyo Badhasaabka gobolkaas oo ka qabsoomay magaalada Boorama, waxa si wada-jir ah ula hadleen Warbaahinta, waxaanu ka warramay ujeeeddooyinka socdaalkaas iyo hawlgallada loo baahan yahay in la sameeyo.

“Maanta (shalay) waxaannu halkan u nimi aniga iyo Hoggaanno ila socdaa, hawlgal aannu doonayno inaannu ku baraarujinno gobolkan iyo wax-qabadkiisa Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka u fadhiya halkan oo ah Heshiisyadii aannu la soo galnay dawladda Itoobiya ee Federaalka oo ahayd wada shaqaynta isu socodka labada shacab iyo xoohinta amniga, waxaanannu doonaynaa inaannu xoojinno la-dagaallanka tahriibta kuwa inna soo galaya iyo kuwa innaga baxaya-ba inaannu ku baraarujinno dadka ka shaqaynta ee halkan ku sugani inay faraha kala baxaan, Annagoo Sharcigii lagu qaadi lahaa mid walba aannu diyaarinnay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu digniin u diray dadka arrimaha Tahriibta ka shaqaysta iyo Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka tahriibaya, waxaanu yidhi; “Waxa naga go’an in Tahriibta oo labada dhinacba loo socdo la kaantarroolo oo wixii xaggeennan ka taga xaggaa la innooga soo qabto, innaguna aynu culayska saarno. Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba ciqaab bay mudan doonaan si hawshaasi loo xakameeyo.”

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

 

Nuxurka Dood Kulul oo dhex-martay Labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay iyo Dhex-dhexaadiye Caalami ah oo Kashifay Cidda Masuuliyadda Khilaafka leh

 

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo):- Dood Xaasaasi ah oo kulul, ayaa dhex-martay Xubno ka tirsan labada Garab ee Xisbil-xaakimka KULMIYE ee talada Somaliland hayaa u kala jabay, kuwaasoo kala ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Xubnaha toddobaadkii hore iska casilay Xukuumadda Siilaanyo iyo Guddoomiyihii Golaha dhexe ee KULKMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo ka mid ah xubnaha taageersan Garabka ay  hoggaamiyaan Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxweynuhu.

Dood Idaacadda VOA agaasintay oo ay ka qayb qaateen Wasiirkii hore ee Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Jaamac Shabeel oo ku magacaaban Guddoonka Golaha dhexe ee Kulmiye  iyo  Maxamed Xaaji Maxamuud oo Aqoon u leh Culuunta Siyaasadda iyo Ammaanka, waxay gebogabadii muujisay dooddaasi in Garabka Musharraxiinta Isbahaystay rejo la’aan ka joogaan ka sii mid ahaanshaha KULMIYE.

Xuseen Axmed Caydiid oo metelaya Garabka Is-bahaysiga Xubnaha Guddiga Fulinta ka tirsan iyo Aqlabiyadda Musharrixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka KULMIYE shaaciyey inay u tartamayaan, ayaa ku dooday in qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye u afduuban tahay Garabka Guddoomiyaha ahna Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, lana diiday in xubno Garabkoodu u magacawdeen oo ahaa Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Talyanle loo diiday inay la hubiyaan Liiska Golaha dhexe, balse Jaamac-Shabeel oo Garabka Muuse meteleyay wuxuu ku dooday in Garabka Musharraxiintu kaadhadhkooda qaataan, Shirkana yimaaddaan oo ka tartamaan oo ay kalsooni muujiyaan.

Mar xubnahan la weydiiyay bal waxay xalka Xisbiga Kulmiye u arkaan, ayaa Xuseen Axmed Caydiid oo jawaabta su’aashaas ku horreeyey waxa uu yidhi; “Waxaan u arkaa, Jaamac dooddiisa waan arkayaa oo waxay talo ka taagan tahay annagoo dhinac ah oo hawshii maamulanayna oo keligayo gacanta ku haysanna kaalaya oo Kaadhka qaata idinkoo aan wax shirka imanaya war u hayn oo dibedda ka joogtaan kaadh aayar xubin xubin u qaata oo shirka fadhiista, inta aannu doonno uun aannu idinku siinnee kaalaya.”

“Taasi waxaan u arkaa, haddii Jaamac ay halkaasi ka taagan tahay, wuxuu Jaamac ku talogalay in Garabkiisu Shirka qabsado, markaa ha ku socdaan leeyahay wuxuu ka helo ha waayee. Waxaan leeyahay waxay ku danbaynaysaa talada Jaamac Xukumay, metelan Musharraxa Kijaandhe oo ka soo jeeda deegaan illaa 2003 markii doorasho bilaabantay aqlabiyaddiisu Kulmiye ahayd marka la yidhaa saaxad xor ah kaga tartami maysid halkaa farriinta ay taasi diri doontaa maxay noqon doontaa? Marka Musharraxiinta kale ee Muuse la beesha ah ee xoogga ku lahaa taas oo kale la tuso farriinta ay Codbixiyeyaashii u diri doontaa maxay noqon doontaa? Waxaan leeyahay jujuubka halkaas lagu wado iyo Garabkaa Immika Shirka galay wuxuu u keeno iyo nasiibkii, Garabka dibedda ka joogaana halkuu taladiisa la maro isagay u taallaa.”

Jaamac-Shabeel oo hadalkaasi Xuseen ka jawaabaya iyo xalka KULMIYE ee kor lagu weydiiyey waxa uu yidhi; ayaa ku dooday in Xisbiga Kulmiye haysto Madaxweynaha oo ah aasaasihii Xisbiga, sidoo kalena xubnaha kala wareegayaa yihiin kuwo la soo tijaabiyay oo Xisbiga soo maamulay, sidaasi darteedna aanu Xisbigu burburi doonin cid kasta oo ka baxda. Waxaanu sheegay in shirku wakhtigiisa oo ah tobanka bishan bilanaysa ee November 2015 dib uga dhici doonin, ciddii cod ku og inay ka helaysaana timaaddo, ciddii aan ku ogeynina dibedda iska joogto.

“Xisbiga Kulmiye Xisbi sidaas ku baabba’aya maaha, Boqollaal way soo galeen Boqollaalna way ka baxayaan, Xisbiguna wuu taagnaanayaa, Shirkanina  sidaas buu ku qabsoomayaa, sidaas bay xubnihiisu diyaar ugu yihiin, awoodda Xisbigana waxaa leh Golaha dhexe, xubnaha Golaha dhexena waa u diyaar Shirkii inay fadhiistaan, cid dib uga dhigi kartaana ma jirto. Marka la fadhiisto go’aanka iyagaa leh, ha yimaaddaan hadday cod isla hayaan, meesha cod baa lagu tagayaaye hadday cod ku ogyihiin ha yimaaddaan, haddaanay ku ogayna ha iska daayaan xaskan ay ku meeraysanayaan. Markaa, Xisbiga Kulmiye wuu shiri doonaa, doorashadana codkii uu ku soo baxay mid ka badan ayuu ku soo bixi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku dooday Jaamac-Shabeel.

Xuseen Axmed Caydiid, oo mar kale hadalkaasi ka jawaabaya ayaa yidhi; “Sida Jaamac ka muuqata, ifafaalaha socdana ka muuqda ayay noogu muuqataa in Xisbigii kala jaban yahay oo Garab ku mitiday inuu shir qabsado ama xalaal ha ku geeyo ama xaraane, oo dabeed sacab laga tumo oo Muuse loo cumaamado, taas kuguma diiddani oo waa halkay ku socoto. Markaa, lala tartamayo ayaynu eegi Ururrada dambe inuu ku hadho iyo inkale, doorasho calafkiisaynu ka eegi, haddaad taas dan ka leedahayna talada dadka wax ka sii haddii kale oo aad isku filan tahayna Macasalaama.”

Hase-yeeshee, ka sokow labadan Xubnood ee u doodayey labada Garab ee KULMIYE u kala fadhiyo, waxaa dooddaas ka qayb-qaatay oo dhex-dhexaad ka ahaa Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud, waxaanu sheegay inaanay muuqan cid dhexdhexaadin ka galaysa xiisadda dhinacyada Xisbiga Kulmiye ka dhex-taagan, ifafaalaha muuqdaana muujinayo in Madaxweyne Siilaanyo godbobsaday Wasiirrada is-casilay, sidaas darteedna aanu uga hiilinayn Wasiirrada kale. Sidoo kalena Garabka taageerada Madaxweynaha helay aanay iska lumin doonin fursadda siyaasadeed ee ay heleen, arrintuna u muuqato in Garabka Musharraxiinta Isbahaystay meesha ka bixi doonaan.

Waxa uu sidoo kale muujiyey Maxamed Xaaji in aasaaskii Xisbiga KULMIYE lagu bilaabay qaldanaa, isla markaana uu ahaa Xisbi loo samaystay ama u dhismay Mucaaradnimo iyo wax iska celin, balse aanu ahayn Xisbi dhismihiisu ku bilaabmay qaab hoggaamineed, Masuuliyadeed dal iyo dad hagi kari, taasina ay tahay ta khilaafka joogtada ahi dhexdiisa uga jirto markasta oo shir la qabanayo.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Shirkadda Pontus Marine oo Kalkuunkii ugu horreeyey ee ay soo saarto soo gaadhay Suuqyada Hargeysa

 

“Hal-ku-dhaggeennu waa dalkeenna nimcaa fadhida, waa taa nimcadii (Kalluunkan) Illaahay baa mahad leh….” Axmed Abokor

Berbera, 31 October, 2015 (Himilo)- Shirkadda Kalluumaysiga Pontus Marine, ayaa la sheegtay inay shalay Kalluunkii ugu horreeyey ee Ganacsi soo gaadhsiisay Suuqyada Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa.

Kalluunkan oo gaadhayey Shan ton oo Suuqyada dalka soo gaadhay, ayaa la sheegay inay sidday Doon Shirkadda Pontus leedahay muddo afar maalmood kaga soo qabatay Xeebaha magaalada Maydh ee Bariga gobolka Sanaag.

Maareeyaha Shirkadda Pontus Marine Mr. Axmed Abokor oo ka hadlayey farxadda bilawga Shaqadii loo abuuray Shirkaddan, ayaa sheegay inay Illaahay ugu mahadnaqayaan fulinta balanqaadkoodii ka faa’iidaysiga kheyraadka baddaha, waxaanu yidhi; “Waxa maanta (shalay) farxad noo ah in nimcadii ugu horreysay ee Baddaheenna Shirkadda Pontus soo saarto, sidaa la socotaan hal-ku-dhaggeennu waa dalkeena nimcaa fadhida, waa taa nimcadii (Kaluunkan) Ilaahay baa mahad leh.”

Axmed Abokor ayaa sheegay inay sharaf u tahay qof kastoo maalgashaday shirkaddan in Kalluunkii u horreeyey la soo saaray, bushaaro wanaagsana tahay in la wada iibsaday kaluunkii, suuq fiicana uu leeyahay soo saarida kaluunku, dibed iyo gudana wuu gaadhaya, Insha Allaah.”

Sidoo kale, Masuul sare oo u hadlay Shirkadda Pontus Marine Axmed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in doontii ugu horeysay ee shirkadu keentay kaluunkii ganacsi ugu horeeyey, qiyaastiisuna tahay shan ton, waxaanu yidhi; “Waxa dekeda yar ee Berbera waxa soo gaadhay doontii ugu horeysay sida kaluun gaadhaya shan ton, kaluunkan oo ah nooca la yidhaahdo Kingfish, oo ah noocyada loogu jecel yahay, marka la diyaariyo kaluunkan waxaan ku wareejin doonaa ganacsatada Jumlada si ay ganacsatada tafaariikhda uga sii iibiyaan.”

Axmed Cabdiqaadir, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeeyey ee shirkadu soo saarto kheyraadka baddaheena, gebi ahaana kaluunkani gaadhi doono suuqyada gudaha dalka galabta. Tallaabadan ayaa u noqonaysa bar bilowga wanaagsan hawlaha shirkada kaluumaysiga Pontus Marine oo maalgelinteeda ku bahoobeen boqolaal ka tirsan muwaadiniinta reer Somaliland ee gudaha iyo dibedaha.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ku taliyey in wadahadal lagu dhammeeyo Khilaafka hadheeyay KULMIYE, kana digay Cadaawad ka dhalata Is-casilaaddii Masuuliyiinta

 

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Shalay dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan oo dimuqraaddi ah loogu dhex tartamo xisbiga Kulmiye, isla markaana sida hawluhu u socdaan ku amaanay hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynahaba.

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo xisbi weynaha Kulmiye iyo hoggaankiisa, hawl wadeennadiisa iyo  xubnaha Golaha dhexe diyaar garowga wanaagsan ee loogu jiro shirka golaha dhexe ee 10-ka November. Waxaan jecelahay inaan hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyo sida hawlahaasi u socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo Saxaafadda kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa Jimcihii shalay oo uu ka soo degay.

Dr. Maxamed Cabdiillaahi oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan bogaadinayaa hoggaanka xisbiga oo hadda si fiican ay ugu socdaan hawlaha xisbigu, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo abaabulka  siyaasadeed ee xisbigu caanka ku ahaa ee dalkana lagu yaqaanay ee loogu loolamayo musharraxa, sida isbeddelka weyni ugu yimid ee taageero muuqata ilaa imika uu ka helay majooratiga xubnaha golaha dhexe.”

Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa soo jeediyey in khilaafka ka jira xisbiga lagu dhameeyo wada hadal iyo is af-garasho si xisbigu horumar u sameeyo, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa in hoggaamiyaha Kulmiye oo odaygii xisbiga ah iyo Madaxweynaha Somaliland oo odaygii Qarankaba ah ay xil wayn iska saaraan in xisbiga la soo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo macquul ah loo dhegaysto , xisbiga gudihiisana ay ka dhacaan tartamo wanaagsan oo nadiif ah oo daah furnaan leh oo si furan looga wada qayb galayo, waxa halkaas ka soo baxana xisbi-weynaha Kulmiye dhammaantii wada taageero haddii la doonayo in xisbiga Kulmiye talada dalka mar labaad ku guulaysto.”

Mar uu ka hadlayay wasiirrada is-casilay wuxuu yidhi; “Qolada wasiirrada ah ee xukuumadda ka baxay, waxaan rajeynayaa inaanay arrintaasi furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf siyaasadeed oo aanu dalkani u baahnayn ee meel looga soo wada jeesto dhisidda xisbiga iyo Qarankaba, iyadoo wixii cabashooyin jirana hoggaanka xisbiga iyo dariiqyada sharciga ah loo maro oo xal loogu helo. Ta kale, Hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynahaba waxaa looga baahan yahay in tusaale wanaagsan uu xisbigu u noqdo dalka, oo xisbiyada kalena kaga daydaan sida xisbigu khilaafkiisana u maaraynayo, arrimaha siyaasadda dalkana u hogaaminayo.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Dacwad Xukuumada Jabuuti ka gudbisay ganacsade Boore oo daaha ka qaaday musuqmaasuqa Madaxweyne Ismaaciil C. Geele

 

London, 31 October, 2015-(Himilo)- Maxkamad ku taal magaalada London ee waddanka Britain, ayaa dhegeysatay eedo Musuqmaasuq Garyaqaanno metelayey Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Xukuumadda Jabuuti Dacwaynaysay u soo jeediyeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Eedo kiisas gaadhaya 16 oo hore XukuumaDda Jabuuti ugu soo oogeen Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa xilligan la sheegayaa inay beenoobeen 11 ka mid ah, balse u muuqata mid isku beddelaysa eedeynta Madaxweyne Geelle.

Richard Waller, oo ka mid ah Garyaqaannada difaacaya Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya kiisas musuqmaasuq oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sameeyey, waxaanu yidhi; “Eedaha aannu haynaa, hadal keliya maaha, balse waxaan u haynaa caddeymahoodii.”

Maxkamadda qaadaysa Dacwadda u dhexeysa Xukuumadda Jabuuti iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa hore u dhegeysatay eedaymo sheegaya in Madaxweyne Geelle ka dhistay magaalada Paris Guri qiimahiisu gaadhayo €2.24 million (Milyan), xilli Mushaharkiisu bishii yahay  $5,000.“Halkuu Garsoore, Madaxweyne Musharkiisu kooban yahay, ka keenay iibsashada Gurri qiimahiisu yahay €2.24 magaalada Paris?” ayuu yidhi Garyaqaanka dawladda u doodayaa.

Garyaqaannada u doodaya Ganacsade Boore ayaa Maxkamadda u sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo iibsiga Guriga Paris, waxaanu yidhi; “Garyaqaannada difaacaya Boore waxay soo bandhigayaan eedaymo baahsan, oo u baahan in la hubiyo.”

Maxkamadda magaalada London ee Dacwaddan Gacanta ku haysa, ayaa la filayaa inay dhegeysato eedaha Ganacsade Cabdiraxmaan Boore u jeedinayo Xukuumadda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hore u diiday inuu yimaaddo ama tego fadhiga Maxkamadda si uu jawaabo uga bixiyo eedaha loo jeediyey.

Himilomedia

Hargeysa Office

Maraykanka oo shaaciyey inay cuna-qabatayn Ganacsi ku soo rogi doonaan Ingiriiska

 

Washington, 31 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday in cuna-qabatayn dhinaca Ganacsiga ah ay ku soo rogi doonto Ingiriiska, haddii uu ka dhabeeyo go’aanka uu kaga baxayo Midawga Yurub.

Mr. Michael Froman oo metelaya Maraykanka, ayaa sheegay inaan dalkiisu diyaar u ahayn inuu heshiis ganacsi gaar ah la saxeexdo Ingiriiska, hadalkan oo noqonaya markii u horreysay ee dalka Maraykanku ka hadlo tallaabo Ingiriisku ugu coddeynayo dabayaaqada sannadka 2017 inay ka baxaan Midawga Yurub.

Dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu yahay waddanka ugu badan ee Maraykanka wax u soo dhoofiya, marka loo eego waddamada Midawga Yurub, taasoo dhaqaale gaadhaya $54bn (£35bn) ay ka heleen sannadkii 2014.

Haddii Ingiriisku ka baxo Midawga Yurub, markaa waxay waajahi doonaan cuna-qabataynta ganacsi ee saaran dalalka Shiinaha, Baraasiil iyo Hindiya. “Lama lihin heshiis ganacsi gaar ah Ingiriiska, markaa waxay la mid ahaan doonaan sida Shiinaha, Barasiil iyo Hindiya.” ayuu yidhil Mr. Michael Froman.

Haddii ay dawladda Ingiriisku ka baxo Ururka Midawga Yurub, ayaa la sheegay in Gawaadhida uu sameeyo la saari doono Cashuur dheeraad ah, taasoo fursad siinaysa dhiggooda Shirkadaha sameeya Baabuurta ee waddamada Jarmalka iyo Talyaaniga.

Himilomedia

Hargeysa Office

Puntland oo ka digtay Duufaan ku soo waajahan Xeebaheeda iyo Farriin ay u dirtay Doonyaha iyo Kalluumaysatada

 

Garoowe, 31 October, 2015-(Himilo)- Roobab wata duufaanno ayaa laga cabsi qabaa inay ka da’aan deegaannada Maamul-gobolleedka Puntland, waxaana dadweynaha ku dhaqan deegaannada xeebaha ku dhow loogu baaqay inay ka durkaan.

Dabaylaha iyo Roobabkan oo maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Xeebaha dalka Cumaan oo ka mid ah dalalka Badda Hindiya ku teedsan ayaa la filayaa inay soo gaadhaan deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Xeebaha Puntland sida uu sheegay Agaasimaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka Puntland ee  HADMA Cabdillaahi Axmed Ceyrow oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Ceyrow wuxuu fariin u diray shacabka in ay ka fogaadaan xeebaha oo laga yaabo in Duufaantaas ay dhaliso Roobab iyo biyaha badda oo dhulka soo gaadha goobaha ay dadku degan yihiin.

Wuxuu sidoo kale iyana uga digay ganacsatada Puntland ee doonyaha safarka kaga keensada dalalka Khaliijka iyo Yemen oo uu sheegay in Doon yahooda safarka ah hakiyaan meel kasta oo ay joogaan ilaa xaalada Duufaanka ay ka dhamaanayso.

“Dabaylaha la socda Roobabka ka da’aya Xeebaha Cumaan iyo Yemen ayaa qolooyinka Saadaasha Hawadu noo sheegeen inay Saacaddii jarayaan 180 ilaa 200 mayl.” ayuu yidhi Mr Ceyrow.

Himilomedia

Hargeysa Office

Warbaahinta Caalamka oo mar kale soo bandhigay awood darida dhanka socodka & Ismaamulka shaqsi ahaaneed ee Hoggaamiyaha Afrika

 

 

India, 31 October, 2015-(Himilo) – Warbaahinta Caalamka ayaa mar kale si maad ah u soo bandhigay awood darida dhanka socodka iyo ismaamulka shaqsi ahaaneed ee Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika (AU), ahna Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robet Mugabe.

Robet Mugabe oo ka mid ah Madaxda Afrika ee ka qayb-galay kulanka Hindiya iyo Afrika oo ka socda Caasimadda dalka Hindiya, ayaa Kamarradaha Warbaahinta Caalamku qabteen isaga oo qarka u saaran inuu dhulku ku dhaco, ka dib markii uu si kedis ah cagta ula helay kaabad dharar ahaan aan ka dheerayn cidhibta kabaha uu gashanaa.

Mr. Mugabe oo doonayey inuu soo fuulo Masraxa kulankaasi laga hagayey si uu u soo gacan qaado Raysal-wasaaraha Hndiya Nerandra Modi, ayaa markii uu qiyaastii laba Mitir u jiray Raysal-wasaaraha waxa uu cagta ku dhuftay kaabad labadooda u dhaxeysay oo dharar ahaan aan ka dheerayn cidhibta kabaha uu xidhnaa, taasi oo keentay in awoodda jidhkiisu u janjeedhsanto xaggii uu ka yimid isla-markaana uu ku sigto inuu dhulku ku dhaco, laakiin laba Rag oo deba taagnaa ayaa qabtay isla-markaana si duduuc ah u gaadhsiiyey Raysal-wasaaraha Hindiya oo laftiisu gacanta u fidiyey si uu u caawiyo.

Robet Mogabe oo hadda da’diisu marayso 91 jir, ayaa dalka uu Madaxweynaha ka yahay ee Zimbabwe soo xukumayey ilaa 1980-kii oo uu dalkaasi Madax-bannaanidiisa ka qaatay boqortooyada Ingiriiska.

Maaha markii kowaad ee sidan oo kale Warbaahinta Caalamku maad ahaan u soo gudbiyaan Mr. Mugabe oo awood la’aanta gabowga la liicliicaya, laakiin sannadkii hore ayay ahayd markii uu ku kufay ee dhulka laga qaaday, ka dib markii uu ka dhacay Kaabadda meel fagaare ah oo uu kala hadlayey taageerayaasha Xukuumaddiisa oo soo dhaweynayey markii loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

“Nin damiir le baan ahay, Dumarkiyo Carruuraha, Cod u doonan maayoo dawarsiga ma karayee, Doorkaygii weeyee, Hala ii daayo baan idhi” Maanso Xildhibaan Reyte ku Cabbiray loolanka KULMIYE – Qaybtii 2-aad

 

Hargeysa, 31 October, 2015-(Himilo) – Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo saaray Maanso uu ka sawirayo Xaaladda Xisbiga KUMIYE iyo damaca Guddoomiye Muuse Biixi ku doonayo inuu ku noqo Musharraxa Madaxwaynaha ee Mustaqbalka u tartamaya Madaxwaynenimada Somaliland.

Maansadan oo aanu ka soo xiganay Shabakadda wararka ee Ramaasnews ayaa qaybta labaad ee aanu Maanta idiin soo gudbinaynaa waxay ku bilaabantay sidan:-

Nin direyska loo xidhay

Derajada kornaylka leh

Lagu yidhi digtoonow

Debci aan la odhan weli

Danta guud ee qarankiyo

Hawlaha Duriyaddiyo

loo diray ilaalada

deji qoriga Muusow

oo maqal dadweynaha

deel-qaaf inay tahay

dunidu way ogsoon tahay

Anigoo wax dili kara

Duco qaadan maayee

Hala I doortabaan idhi

………………………….

Cawkiyo Ducaalow

Dunida maad u warisaan

Dadka maad u sheegtaan

Inaan ahay nin doorkiii

Diraciyo halyeygii

Maalintay u darantahay

Loo qeylo diran jiray

Dagaallada Sokeeyaha

Dirirtiyo colaadaha

Dabro wareerkeediyo

Duullaano kicin jiray.

Nimaan dooxo mooyee

Aan ka daa’ la odhan jirin

Intaan daray billaawaha

Ama waranku doodiyey

Ama wiil is door-biday

Aan daafta soo dhigay

Ama deymadaydiyo

Muuqayga laga diday

Dunidu may iloobine

Ninka aayar soo degay

Wax baan doonayaa yidhi

Doqoniimo weynaa

Anigoo wax dili kara

Duco qaadan maayee

Hala I doortabaan idhi.

……………………………

Cawkiyo Ducaalow

Dunida maad u warisaan

Dadka maad u sheegtaan

Wixii dhacay Doraatiyo

Dhiig daatiyo mayd

Dugeydiyo baroortii

Laga doogay waa hore

Shacabku dooni maayee

Waxa iga dardaarana

Yaan dib la iigu celin Shalay

Doorkaygii weeyee

Hala ii daayo baan idhi

……………………………..

Degganaanshaheeniyo

Inay nabaddu door tahay

Dalku uu ku negi yahay

Dadku uu ku nool yahay

Dammiinkeeda aan ahay

 Dummaddeyda sudhan tahay

Keligay aan dumin karo

Oon fooqa Dahabshiil

Ama Deero mooliyo

Daraaha casuusta leh

Raggu deyr ku oogteen

Digo-xaadh aan marin karo

Degam-degam ka dhigi karo

Dunidu way ogsoon tahay

Anigoo wax dili kara

Duco qaadan maayee

Doorkaygii weeyee

Hala ii daayo baan idhi.

……………………………………….

Dimuqraadinimadiyo

Doorashada la sheegee

Gaaladu duduucdee

Debada ay ka riixaan

Shacankiyo dadweynaha

Foodka loo dareershee

cid ku doorta lagu yidhi

buuqiyo durbaannada

anigu waan jidh diidaa

waan ku diiqadoodaa

weli maanka kama deign

daw la isku mariyo

inay tahay dariiq saxa.

Nin damiir le baan ahay

Dumarkiyo Carruuraha

Cod u doonan maayoo

Dawarsiga ma karayee

Doorkaygii weeyee

Hala ii daayo baan idhi.

……………………………

 

Dhammaad

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Shiinaha: Lahjadda Degaanka oo uu Fahmi Waayey ayaa ku Kelliftay Inuu Lugeeyo 950 Mayl

 

Dhacdo cajiiba ayaa qabsatay nin da’diisu tahay 73 jir dalxiise ah, taasoo uu ku mutay dhib badan, kadib markii uu ka ambaday koox uu la socday, taasina ku qasabtay inuu go’aansado inuu goobtii uu degenaa u lugeeyo masaafo dhan 950 mayl, maadaama aannu garanayn luuqadda lagaga hadlo magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Waxa uu waayey ninkii hagaha u ahaa iyo weliba qof ku hadli kara lahjadda goobta uu joogo, sidaa darteed, waxa ninkan go’aansaday inuu u lugeeyo gurigiisa oo ku yaal Gobolka Zhejiang oo dhaca bariga dalka Shiinaha, taasoo noqonaysa inuu 950 mayl oo dhinaca caasimadda ah ka soo lugeeyo.

Ninkan oo naanaystiisa amma magaciisa lagu soo gaabiyey Yu, waxa uu lugaynayey 60 mayl muddo lix maalmood ka badan, ka hor intii aanay badbaadin maamulka magaalada Tianjin.

Waxa kaloo wararku sheegeen Mr. Yu, safarkiisa bilaabay 13 October ee sannadkan, inkastoo wararka macluumaadkiisa ay warbaahinta Shiinuhu uun heshay toddobaadkan, haddana, waxa lagu daabacay wargeyska Shanghaiist ooMaankaab soo xigtay, inuu lacag yar jeebada ku hastay, waddooyinka dhinacoodana habeenkii seexanayey.

Ciiddammada boolisku markii ay heleen waxa uu u muuqday qof jahwareersan, halka mareegta Shiinaha ah ee Sohu.com ay daabacday in cagaha ninkay ay ku daboolnaayeen baco, wax telefoon ah iyo kaadh lagu aqoonsado toona muu haysan.

Safarkiisan lixda maalmood qaatay ee uu kaga baxay magaalada Beijing, waxa uu ku bilaabmay 24 saacadood oo uu caasimada markii hore ku yimi, kuna dambeeyey muddada intaas le’eg.

Waxa uu aad ula yaabay waligii isagoon arag dad sidaas u tiro badan oo meel wada jooga, kumana hadlo lanjahada Mandarin ee aadka caanka uga ah magaalada Beijing, maadaama lahjadda uu ku hadlayey ahayd Rui, awoodna umuu lahayn inuu dadka fahmo.

Asxaabtii safarka ku wehlisay waxay qoyskooda u sheegeen in ay waayeen, iyadoo kamaradaha CCTV ee ammaanka loogu talogalay muujiyeen isagoo ka sii baxaya Forbidden City (Beijing), halka qaarkoodna sheegeen in ay ku arkeen isagoo goobo barxad ah seexanaya, inkastoo uu muddadaas haystay lacag uu cunto ku cuno, haddana ciiddammada booliska ayaa aakhirkii helay, waana waxyaabaha mucjisooyinka ee ka dhaca dalka Shiinaha.

 

Himilomedia

 

Hargeysa Office

Thursday, October 29, 2015

Madaxwaynaha Somaliland oo Magacaabay Wasiiro, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru-dawlayaal, Agaasimayaal iyo Xilal kale (War-saxaafadeed)

DAAWO: “Haddaan wax laga beddelin sida wax uga socdaan KULMIYE waxaanu yeeli doonaa…’ Musharrax Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo) – Wasiirkkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, ahna Musharrax ka dhex loolamaya Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa wax laga xumaado ku macneeyay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu si gaar ah u taageero Muuse Biixi.


Biixi Yoonis


Halkan Hoose Ka Daawo shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa


Idaacadda VOA oo laga Mabnuucay deegaannada Puntland

Garoowe, 29 October, 2015-(Himilo) - Wareegto ka soo baxday wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah shaqaalaha Idaacada VOA-da ugu amartay inayna kasii howlgali karin gobolka illaa iyo amar dambe.


VOA


Puntland ayaa wareegtada ku xusay in idaacadda dhowr jeer oo hore looga digay baahinta warar wax u dhimaya sumcadda Puntland, isla markaana dacwaddooda dhawaan loo gudbinayo maxkamadaha ku shaqada leh.


akhriso Wareegtada laga soo saaray


Wareegto



Qaramada Midoobay oo shaacisay inay wadaan Qorshe Somaliland qeyb kaga noqoto doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka

Qaramada Midoobay oo shaacisay ujeeddooyinka kulan dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Ankara iyo mawqifkeeda Sool iyo Sanaag

“Haa way jirtay arrintaasi, mar kale ayey dib ii casuumeen Somaliland, waxaan xidhiidh wanaagsan leenahay Masuuliyiinta…” Danjire Nikolas Kay

Nairobi, 29 October, 2015-(Himilo)- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Nikolas Kay, ayaa shaaca ka qaaday inay socdaan tallaabooyin loo qaaday sidii Somaliland qeyb uga noqon lahayd doorashooyinka sannadka dambe ee 2016-ka la qorsheeyey inay ka dhacaan dalka Soomaaliya.

NICHOLAS KAYDanjire Kay, ayaa sheegay inkastoo Somaliland gaashaanka ku dhufatay inay qeyb ka ahaato Soomaaliya, haddana dhinaca kale ay ku dedaalayaan sidii xubno ka tirsan Bulshada Somaliland qeyb uga ahaan lahaayeen Baarlamaanka laga dooran doono Soomaaliya sannadka dambe, sidii hore u dhacday.

Mr. Kay oo ka jawaabayey Wareysi Telefishanka Universal iyo Warbaahin kale la yeesheen, ayaa su’aalihii lagu weydiiyey ay ka mid ahayd; Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan waxa uu sheegay in shirkii wada-tashiga hiigsiga 2016 ee Muqdisho ay ka soo qeybgaleen dhammaan bulshada Soomaaliyeed, balse aanay ku jirin xubno ka soo jeeda Somaliland iyo siduu u arko.

Waxaanu Nikolas Kay kaga jawaabay su’aashaas; “Dhabtii sidaad la socoto, xaaladda siyaasadeed way adag tahay, Shacabka iyo Xukuumada Somaliland waxay u dhaqmaan oo aamminsan yihiin inay gaar ka yihiin Soomaaliya, waxaan aamminsanahay in albaabbadu u furnaan doonaan weligeed, sidii dhacday doorashadii Baarlamaanka u dambeeyey oo dad Bulshada metelayey ka qebgaleen, laakiin Somaliland waxay qaateen inaanay qeyb ka noqon.”

Mar la weydiiyey Kay inay jiraan tallaabooyin ay u qaadeen sidii Somaliland qeyb uga ahaan lahayd ayuu ku jawaabay; “Sidaad la socoto waxa jira tallaabooyin dhinacaas ay u qaadayaan dalka Turkigu, sida dhawaan dhinacyo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya kulamo ugu yeesheen Istanbul, waxaan qabaa tallaabooyinkaasi inay abuurayaan kalsooni, isfaham iyo iskaashi dhexmarta, waana talaabo muhiim ah.”

Ergeyga Jimciyadda Quruumaka ka dhaxaysay Madaxda uga ah Xafiiska qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nikolas Kay oo ka hadlayey arrimaha gobollada Sool iyo Sanaag, waxaa uu sheegay in Somaliland, Puntland iyo Kooxda Khaatumo ka wadahadlaan waxaanu yidhi; “Waa arrin u baahan in xal loo helo, waad ogtahay in dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ku kala qeybsan yihiin xagga fikirka siyaasadda. Dadka qaar waxay aamminsan yihiin inay ka tirsan yihiin Somaliland, qaarna Puntland, qaar kale Maamulka Khaatumo. Markaa, Qaramada Midoobay waxay marwalba ku dhiirrigelinaysaa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo inay xal siyaasadeed u helaan waxwalba oo lagu kala fikir duwan yahay, balse aan lagu xalin awood iyo dagaal.”

Mar uu ka jawaabayey Mr. Kay, maaddaama oo uu hore Somaliland uga mamnuucday imaatinka dalkooda, waxa is-beddelay iyo xidhiidhkiisa xilligan, waxa uu yidhi; “Haa way jirtay arrintaasi, mar kale ayey dib ii casuumeen Somaliland, waxaan xidhiidh wanaagsan leenahay Masuuliyiinta Hargeysa. Waxay garteen Somaliland in xidhiidhkaasi uu sii adkaado, oo aan ka wada shaqeyno arrimo badan.”

Hadalkan, ayaa ku soo beegmaya xilli Wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi wada-xaajoodyo ku saabsan Maamulka Hawada kula soo yeesheen dhiggooda Soomaaliya, sida uu Saxaafadda hore ugu sheegay, inkastoo Mr. Kay ku tilmaamay inuu ujeedo kala lahaa kulankaas labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara ee Caasimadda waddanka Turkiga.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Cabdirashiid Xasan Mataan oo Sheegay in la dhammeeyay Khilaaf soo kala dhex-galay Guddoomiye Faysal iyo Musharrax Jamaal

“Xukuumadda iyo Hoggaanka KULMIYE iyaga oo aan meelba gaadhin yaanay Shacabka tusin inay isku awood sheegtaan..” Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo)- Musharraxa u taagan jagada Madaxwayne Ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo Shalay ka soo laabtay Safar uu muddo laba bilood ah ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa ka hadlay khilaafkii soo kala dhex galay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe.

Warka UCIDCabdirashiid Xasan Mataan oo Saxaafadda ugu Waramay qolka Nasashaa ee Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ayaa sheegay inay fool xumo tahay in Musharraxa Madaxweynaha ee UCID iyo Guddoomiyaha Xisbigaas ay Warbaahinta isku mariyaan hadallo gef ah, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga koro hab-dhaqanka noocaas ah. Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka UCID, oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi; “Waa waxaan qurux badnayn oo ma fiicna inay labadooduba erayo gef ah isku mariyaan Warbaahinta waana in laga koraa.”

Cabdirashiid oo sii hadlaya ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen waxaanu yidhi, “Arrinkaa (Khilaafkii Jamaal iyo Faysal) wuu dhammaaday imika waxaanan filayaa in hadda ka dib gudaha lagu wada hadli doono ee aan Makarafoonnada Warbaahinta lagu wada hadal.”

Mr. Mataan oo la waydiiyey khilaafka loolanka KULMIYE, ayaa ku taliyey in isku tanaasul lagu xalliyo, “Annagu waxaanu leenahay KULMIYE khilaafkiina ku dhamaysta Wada hadal iyo tanaasul, yaanu noqon khilaafkiinu mushkilad dadka iyo dalka ku abuurta khalkhal.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Musharrax kasta oo ka soo baxa KULMIYE wuxuu la tartami doonaa Xisbiyada kale haddii ILLAAHAY innagu gaadhsiiyo nabad, markaa waxa u habboon Xukuumadda iyo Hoggaanka Xisbigaba inay dadka tusaan waxay ku tartami karaan ee yaaney iyaga oo aan meelba gaadhin oo aan dooran Musharraxoodii  tusin Shacabka inay isku awood sheegtaan.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Midawga Afrika oo Warbixin mid dhinac ka raran lagu tilmaamay ka soo saaray dembiyada dagaal ee dawladda iyo Mucaaradka Suudaanta Koonfureed

Jubba, 29 October, 2015-(Himilo)- Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay Warbixin ka hadlaysa Xad-guduyada kala duwan ee ka dhashay Colaadaha ka socda dalka Suudaan-ta Koonfureed, waxaanay labada dhinac ee Mucaaradka iyo dawladda ee dagaalku ka dhexeeyo ku eedeeyeen ay dhinac kastaa yahay dembiile dagaal, hase-yeesheen, Mucaaradka ayaa ku tilmaamay warbixintaas mid dhinac ka raran oo aan dheelli-tirnayn.

Warbixin dhinacyo badan xaaladda dalkaas lagaga eegay oo uu soo saaray Ururka Midawga Afrika, ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaallamaya Koonfurta Suudaan ee Xukuumadda iyo Kooxda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar ay galeen dambiyo dagaal iyo Xuquuqda Aadamaha ka dhan ah.  Warbixinta ayaa lagu sheegay in xad-gudubyada ay ka mid yihiin; Kufsi, dilal naxariis-darro ah, Jidh-dil, falal ka baxsan Bani’aadaminnimada, Afduub joogto ah iyo tacaddiyo kale.

Sidoo kale, Guddiga Warbixintan soo saaray ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in aanay weli helin wax caddeynaya in dalkaas ay ka dhaceen xaquuq baahsan, intii uu socday dagaalka sokeeye, balse waxay xuseen in xad-gudubyada la diiwaan-geliyay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo ee dawladda iyo Mucaaradka Sudan-ta Koonfureed.

Xukuumadda Suudaan-ta Koonfureed, ayaan weli ka hadal Warbixinta Midawga Afrika ee ku saabsan inay galeen xad-gudubyo ka dhan ah Bani’aadaminnimada, iyadoo Mucaaradka ay si kooban uga hadlay Warbixintan.

Ezekiel Lol Gatkuoth oo ah Xoghayaha arrimaha dibedda ee Ururka SPLA, ayaa sheegay in Mucaaradku aanay wax walwal ah ku hayn dembiyada Warbixinta lagu sheegay, waaxaanu sheegay in loo baahan yahay in falalka aan la iskula xisaabtamin la baabbi’iyo.

“Dabcan, sida lala socdo waxaa lasoo saaray War-Saxaafadeedyo dhawr ah tan iyo sannadkii 2014-kii, waxaana dhawr jeer oo hore uu hoggaamiyaha kooxda SPLA Riek Machar Teny uu dalbaday in lasoo saaro Warxbixinta ku saabsan dadka ku kacay falalka xad-gudubyada ah ee ka dhacay dalkan intii ay colaaddu socotay. Laakiin-se, ugu dambeyn hadda ayaa lasoo saaray.” Sidaa ayuu yidhi Danjire Gatkuoth.

Guddiga Midowga Afrika, ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay Kooxda SPLA ee Mucaaraadka ah iyo weliba Xukuumadda South Sudan inay ku kaceen falal dambiyeedyo dilal ah. “Dilal wadareedyadan waxa loo geystay, 134 qof oo kasoo jeeda Nuer oo si badheer ah loo dilay. 90-qof oo rayid ah oo iyaguna kasoo jeeda Nuer oo lagu dilay magaalada Jubba, 107-qof oo iyagana lagu dilay deegaannada Khor William iyo Munuki. Dad rayid ah oo ka soo jeeda iyaguna Beelaha Nuer iyo Dinka ayaa lagu dilay Bor iyo Malakal.” Sidaa ayay Warbixinta qaybta dilalka khusaysay ku yidhaahdeen Guddiga Midawga Afrika u qaabbilsanaa arrimaha ka socday Suudaanta Koonfureed tan iyo markii sannadkii hore dagaalku ka dhex-bilaabmay dawladda iyo Mucaaradka dalkaas.

Gatkuoth oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay inaanay SPLA iyo Machar wax lug ah ku lahayn eedeymahan oo aan lagula Xisaabtami karin, waayo buu yidhi; ‘waa dembi ay ka dam-beeyeen Siyaasiyiinta Xukuumadda Koonfurta Suudaan.” Isagoo intaas ku daray in haddii ay jiraan xubno labada dhinacba ka tirsan oo si iskood ah dembiyo u galay ay tahay in lagula xisaabtamo; balse aan dusha laga saarin cid aan wax dembi ah gelin.

Waxa uu Ezekiel Lol Gatkuoth oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo uu yidhi; “Hagaag… haddii aad eegto, dhammaanteen oo uu ku jiro hoggaamiyaheenna ugu sarreeya Mucaaradka, Riek Machar waxaannu nahay dhibbbanayaal, waayo? Haddii ay Xukuumaddu na qabto Xukunkeennu waa dil. Aniga waa la i qabtay, Maxkamad ayaa la i soo taagay anigoo la igu eedeeyay inaan doonayay inaan afgambiyo Xukuumadda, laakiin waa la igu waayay dembigaas, waana la i daayay. Markaa, dhammaanteen waxaynu nahay dhibbanayaal, mana jirto cid qabatay kuwii falkaas nalgula kacay oo la xisaabtamay.”

Guddiga Ururka Midawga Afrika ee Warbixintaan soo saaray, ayaa sheegay inay hayaan Liiska Xubnaha Dembiyada loo haysto, balse kumay soo darin Wabixinta ay soo saareen Xubnaha sida tooska ah ama gaarka ah dembiyadaas u geystay ee isku mid ah eedaynta dembiyadaas dusha uga saareen dawladda iyo Mucaaradka Suudaan-ta Koonfureed oo ay sheegeen in dhinac weliba dembiile dagaal yahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

“Xilligii Rayaale waxa Aniga, M. Xaashi & Gabboose nalagu sheegay Al-Shabaab, bal ka warran haddii Xukuumaddii aan laf-dhabarteeda ka mid ahaa qaaddo Waddadii?...”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo gar-naqsaday

Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay kaga waramay waxyaabaha sida gaarka ah uu ugaga cabanayo Madaxwayn Siilaanyo kuwaas oo ay ka mid yihiin buu yidhi in Madaxwaynuhu uu shanti sanadood ee u dambeeyay u sheegayey inuu dhexdhexaad ka noqonayo tartanka Musharraxiinta KULMIYE.

SamaaleSamaale waxa kale oo uu ka hadlay isla-markaana si qoto dheer u faahfaahiyey hadal ku jiray shir-jaraa’id oo uu doraad ku qabtay Hargeysa, kaas oo uu ku sheegay in dhibaato weyni dalka dhici karto haddii Xukuumaddu aanay ilaalin xorriyadda iyo nidaamka dimuqraadiga ah.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlaya ujeeddada uu ku lahaa hadal ay Saxaafadda badhkeed si qaldan u weecisay ayaa yidhi; “Waxaan jecelahay inaan saxo oo aan caddeeyo waxaan uga jeeday hadal aan dhawaan warbaahinta siiyay, waxaa hadalkaygaas ka mid ahaa ‘haddii Madaxweyne Shaanidii ku cabsi galisay wallaahi tu ka weyn ayaa iman doonta, haddii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda la ilaalin waayo’.”

“Hadalkaas hadalkayga ayuu ku jiray, maan sheegin inaan anigu hub isticmaalayo ama taangiyo ama dalka dagaal galinayo, xaashaa lilaah, anigu nin Diinta wax ka yaqaan baan ahay, Illaahayna waxaan ka baryayaa Diinta aan aqoonta u leeyahay inaan dadka ku dhaqmaya ka mid noqdo. Ummadda Somaliland magac weyn iyo maamuus ay iyagu i huwiyeen baan ku dhex leeyahay, waxaan sheegayaa inaan ahayn shakhsi dagaal, inaanan ahayn askari, inaanan ahayn shakhsi ummaddan nabad galyadeeda looga baqi karo iyo xasiloonideeda. Hadalkaygaa waxa loo fasiray inaan dagaalamayo, Xaashaa lilaah, anigu Askarina ma ahi, hub ma sito waligayna ma qaadan.”

Cabdicasiis Samaale waxa kale oo uu Sharraxay waxyaabaha sida gaarka ah uu uga tabanayo Madaxwayne Siilaanyo, “Aniga waxyaabaha i gubaya ee maalintii aan shirka jaraa’id qabtay ka hadlay ee aan  tabanayay walina tabanayo waxaa ka mid ah Madaxweynuhu  wuxuu u yeedhay Wasiirro qoyskiisa ah oo waa xaqiiqo dhab ah oo aan been ahayn. Haddii la beeninayo oo warkaasi ma jiro la leeyahayna been baa la sheegayaa. Madaxweynuhu masuuliyiinta uu la kulmay wuxuu ku sheegay inuu dhisayo Muuse Biixi oo Musharraxiinta xisbiga ka mid ah, anigu dhib uma arko oo Madaxweynuhu cod buu leeyahay laakiin waxaan ceeb u arkaa, anigu muddo shan sanno ka badan ayaan sheegayay inaan Musharrax ah oo xoog iyo xoolo ayaan ku bixiyay, intaas Madaxweynuhu wuxuu i lahaa baan ahay,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu intaa ku daray oo uu ka sheekeeyay gefef Warbaahinta dawladdu ka gashay xilligii Xukuumaddii Daahir Rayaale, “Aniga laftayda gefef badan baa la iga galay oo maalin kaliya oo la iga raali-galiyay ma arag. Waxa ka mid ahaa gefefka la iga galay, in xilli ka mid ah xilliyadii Daahir Riyaale aniga, Maxamed Xaashi iyo Gaboose waxa lanagu sheegay Al-shabaab inaanu nahay, Idaacadda Radio Hargeysa ayaa laga sheegay, ma dambi ka weyn oo qof bani-aadam ah laga sheego ayaa jira, waxaanan ahaa Guddoomiye xigeenka Golaha Wakiillada. Qofka waxaa sheegay inuu caddaynteeda keeno saw may ahayn illayn waa qof ku dilaye, aniguna bari ayaan ka ahaa.”

Samaale oo sii hadlaya ayaa sheegay, “bal haddaba waxaad ka warantaa xukuumaddii aan dhaliyay ee aan laf-dhabarteeda ka mid ahaa  ee aan kow ka ahaa dadkii Axmed (Madaxweynaha) kursigaa ku fadhiisiyay haddii waddadii wado la mid ah ay qaado  oo Xukuumadda lafteedu wixii wax la mid ah Cabdicasiis ku sheegto bal ka warama. Waxaad is odhanaysaa taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa oo wixii shalay dhacay ayaa dib u soo noqonaya, waa in dadku biri-ma-geydo yeesho oo waxyaabo lagala xishoodo qofku uu yeesho.” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Kaadh-Qaadashadii Silaanyo, Kormeerkiisii Xarunta Kulmiye, Maragsigii Muuse, Soo Dhaweynta Kaahin Iyo Eedaynta Ku-Xigeenada 2-Aad Iyo 3-Aad U Jeediyeen

“Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maaha inuu noqdo Siidhi wade haddana Kubbadda Ciyaaraya..” Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE

Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay booqday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka socoto diiwaangelinta Xubnaha Golaha dhexe iyo qaadashada kaadhadhka, waxaanu qaatay kaadhkii uu kaga codeyn lahaa Shirka Golaha dhexe, isagoo ah xubinta koowaad ee Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Madaxwaynaha ayaa waxa Xarunta KULMIYE ku soo dhaweeyay hoggaanka Xisbigaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamed Kaahin Axmed iyo Xubno kale. Madaxwaynaha Somaliland oo markii la diwaangeliyey ee la sawiray isla-markaana la siiyey kaadhka uu ku codaynayo la hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay Wasiirradii iscasilay iyo arrimo kale, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirradii tirada badnaa ee iscasilay, waxaanu yidhi; “Farxad wayn bay  ii tahay maanta (Shalay) inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaaddo, xisbigii qaranka weeye, xisbigii Dawladda weeye, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa.”

Madaxweynuhu wuxuu si kooban uga hadlay wasiirradii Xukumaddiisa iska casilay; “Wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin. kuwa naga tagayna waxaan leeyahay ILLAAHAY meel khayr leh ha idin mariyo” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu intaa ku sii daray; “Annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawladda waxanu nahay dhexdhexaad, waxaanu nahay dawladdii Qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteen.  KULMIYE waa Xisbi ummaddu u soo jeedo weeye, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaaddo oo aan ka qaato kaadhkii Golaha dhexe, insha allahu tacaalaa waxaan rajeynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hoggaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin.”

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay inaanu Madaxweynuhu taageero gaar ah u muujin, waxaanu yidhi; “Maalmahan waxaa socday buuq Warbaahinta ay wadeen, xubno Wasiirro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku andacoonayeen Madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo Madaxweynuhu ila jooga waxaan ka caddaynayaa Madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexasha iyo garab taabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo ii gaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu Madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in Xisbigu inuu yahay mid dimuquraadiya.”

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee Xisbiga KULMIYE oo ka soo horjeeda Musharraxnimada Muuse Biixi iyo Taageerada la sheegayo in Madaxweynuhu u ballan-qaaday, ayaa sheegay in habka diwaangelinta iyo qaadashada Kaadhka Xubnaha Golaha dhexe uga socoto Xarunta dhexe ee KULMIYE tahay mid aan caddaalad ku salaysnayn isla-markaana taageerayaasha Muuse Biixi si gaar ah u maamulanayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbigaas Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, isla-markaana ka mid ahaa Xubno uu Madaxwaynuhu toddobaadkii hore ku daray kuwa wada hawsha diyaarinta Shirka Golaha dhexe, ayaa sheegay in Xubnaha dhanka Muuse ka socda ee bixinaya kaadhka Golaha dhexe diideen inay la shaqeeyaan.

“Inaannu diyaarinno Saaxad caddaalad ah  ay Musharraxiinta KULMIYE ku loolamaan waxay ka suurtagali wayday oo diiday inaanu laba xubnood ku derno xubnihii sii joogay oo xitaa diiday inaanu hubinno Xubnaha Golaha dhexe ee Isdiwaangeliyey.” Sidaa waxa sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee KULMIYE, waxaanu intaa ku daray; “Markaanu soo hadal qaadnay inaanu laba xubnood ku darno qoladii sii joogtay ee ka shaqeynaysay Diwaangelinta waxay gaadheen inay fadhiga ka kacaan oo ay ka dhaartaan inaanu ku darno Xubno kala shaqeeya.”

Xildhibaan Talyanle oo sii hadlaya, ayaa ku dooday in gabi ahaanba sida loo wado bixinta kaadhadhka Golaha dhexe tahay caddaalad-dero iyo musuqmaasuq. “Markaa annaga ayaa gunta soo xaadhnay oo waxbay huurinayaan, waxbay qarinayaan, waayo ? waxay diideen inaanu isla eegno xubnaha Golaha dhexe wixii dhintay iyo kuwii xilalka Wasiirrnimo iyo Xilalka beeleed isku hayey sidi loo buuxin lahaa.” ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Waabeeye, ayaa isaguna sheegay, “Annagu hoggaan ahaan haddaanu wadno sidii shirku u qabsoomi lahaa oo aanu raadino kharashkiisii waxa bannaan oo cid kale iska wadataa diwaangelintii oo hadba tiro la iska sheegayaa oo la odhanayaa intaas baa la diwaangeliyey. Markaa labadaa xubnood ee ay diideen in lagu kordhiyo xubnaha diwaangelinta Golaha dhexe waxay caddaynaysaa inay wax qaldan yihiin oo ay wax qarsanayaan, waxa halkaa ka socdaana maaha caddaalad.” Ayuu yidhi, waxaanu farriin u diray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi; “Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maaha inuu noqdo Siidhi wade haddana kubadda ciyaaraya.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna Way Metelayaan! Somaliland: Shacabka Reer AWDAL Iyo Sheegashada Hankooda!

Boorama, 29 October, 2015-(Himilo)- “Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna wuu Metelayaa!” weedhaas ama Tuducaasi waa mid xambaarsan xigmad odhaahdeeda ka ballaadhan, isla markaana waxay hal-ku-dheg amaba magac u ahayd Riwaayad uu sameeyey Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganay), balse hadda Riwaayaddaas iyo Xigmaddeedii midna halkan ku soo bandhigi mayno oo uma soconno. Laakiin, hadda Odhaahdaas baa innaga anfacaysa.

Sawirka reer BoramaHase-yeeshee, ujeeddada aynu ka leenahay waa mid aynu eray-tilmaameed Hal-ku-dhegga Riwaayaddaas ugu soo qaadaynnay, waxaanaynu gudagalaynaa dhacdada inna xasuusisay taariikhdaas hore wixii la hal-abuuray, maaddaama oo Suugaantu tahay wax dhaxal-gal ah. Bal haddaba aynu ku soo dhawaanno dulucda ama nuxurkee, Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo si aad ah isha ugu haya loolanka Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiinta ku tartamaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa muuqaallo maadeys ah oo laga duubay qaar ka mid ahi waxay ku muujiyeen hankooda, iyaga oo dibaaqaya Musharraxiinta ka soo jeeda Gobolkaa oo ilaa hadda maraya shan Xubnood.

Dadweynaha oo la waydiiyey sida ay u arkaan tartanka Musharraxiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ilaa hadda Maraya shan dhammaantood ku loolamaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa dareenkooda u soo bandhigay si maad ah iyaga oo qaarkood markii laga duubayey aragtidooda ku dhawaaqey inay Musharraxiin u yihiin xilka Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE.

Caddaawe Ciise Cilmi oo ka mid ah muwaadiniinta ku nool Boorama oo la waydiiyey sida uu u arko tirada sii kordhaysa ee Musharraxiinta Madaxwayne ku-xigeenka ee ka soo jeeda Awdal, ayaa si dareenkiisa ku cabbiray in isaguna Musharrax Madaxweyne ku-xigeen u taagan yahay, waxaanu yidhi, “Anigoo ah Caddaawe Ciise Cilmi kana soo jeeda Gobolka Awdal, maanta oo ay bishu tahay 27/10/2015-ka waxaan halkan ka shaacinayaa inaan ahay Musharrax Madaxwayne ku-xigeen oo ka tartamaya Xisbiga KULMIYE, sidaa daraadeed waxaan ku xigeen u ahay Musharraxa Madaxwayne ee soo baxa haddii Allaah yidhaahdo.”

Sidaas si la mid ah ayuu Muuse Xasan Cabdi oo ka mid ah Shacabka reer Boorama ugu dhawaaqey hankiisa waxaanu yidhi; “Anigoo ah Muuse Xasan Cabdi kana soo jeeda Gobolka Awdal waxaan u sheegayaa Xisbiga KULMIYE inaan Musharrax Madaxwayne ku xigeen u ahay hadba Musharraxa Madaxweynaha ee soo baxa.”

Dadweynahan oo meelo kala gaar ah lagu waydiiyey aragtidooda ayaa isaguna waxa ka mid ah Kayse Yuusuf oo yidhi, “Magacaygu waa Kayse Yuusuf Ilka-dahable, waxaan halkan caddeynayaa inaan u taaganahay Musharrax Madaxwayne ku-xigeen, waxaanan ku xigeen u ahay nin kasta oo ku soo baxa Madaxwaynaha Somaliland.”

Cabdiwahaab Cumar oo isaguna ka mid ah muwaadiniinta hankooda soo bandhigay ayaa sheegay, “Waxaan halkan ka shaacinayaa inaan u taaganahay Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, aniga oo kalsooni iyo codba ka raba Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Cabdishakuur Dable oo ka mid ah dhallinyarada reer Boorama, ayaa sheegay inuu yahay Musharrax Madaxwayne, “Anigoo ah Cabdishakuur Dable, waxaan si rasmiya u shaacinayaa inaan u taaganahay Musharrax Madaxwaye waxaanan ka dhex tartamayaa Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey, “Sharcigana waanu soo waafajinay Musharraxnimadeyda, markaa tartamayaasha waxaan leeyahay waxa inoo ballan ah in Madasha la iskugu yimaaddo.”

Musharraxiinta Madaxwayne ku-xigeenka u tartamaya ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL, ayaa ilaa hadda maraya shan xubnood kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) (oo hadda xilka haya), Prof, Faarax Cilmi Geedoole (Wasiirkii hore ee Waxbarashada), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Cabdillaahi Habbane (Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida) iyo Xasan Cali Cismaan (Maareeyaha hay’adda waddooyinka).

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

“Mar haddaan ka tegayo waxba cabasho muujin mayo.. Anigoon ceebna sheegayn ayaan Xubinnimadii Baarlamaanka ku wareegayaa. Markaa, Saacaddaa la joogo xilkii Wasaaradda Ciyaaraha dibedda ayaan ka ahay…”

Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Iska Casilay Xilka uu ka hayey Xukuumadda Siilaanyo

 Wasiirkii Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland

Hargeysa, 29 October, 2015-(Aftahannews):-Wasiirkii Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin, ayaa ku biiray liiska 13 Masuul oo Isniintii iyo Salaasadii iska casilay xilalka ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana 14 ku noqday, ka dib markii uu shalay si rasmi ah isaga casilay xilkaas.

Axmed Cabdi Kaahin, waxa uu sheegay wuxu ku dooday in ka hor khilaafka Kulmiye uu qarka u saarnaa inuu is-casilo, balse uu muddo ka fiirsanayay haddana ay ku kelliftay inuu xilkaasi banneeyo oo shalay ahaan uu si rasmi ah isaga casilo xilkaas, waxaanu sheegay inaanay is-casilaaddiisu xidhiidh lalahayn ujeeddada ay 13-ka Masuul ee ka horreeyey isu casileen. “Maanta (shalay) Saacaddan ayay igu dhalatay inaan is-casilo, waxa ii bannaan Xubin Golaha Wakiillada ah, taas ayaanan ku wareegayaa, waxaan u mahad-celinayaa Madaxweynaha oo aan si sharaf leh ula soo shaqaynayay muddo laba sano ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu.

Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casood) oo isagoo wejigiisa cadho badan laga dheehan karo, Saxaafaddu weydiisay waxa uu diiday iyo sababta uu isu casilay markii uu qoraalka u gudbiyey Madaxweynaha ka dib, waxa uu ku jawaabay; “Anigoon ceebna sheegayn waxbana sheegayn ayaan xubinnimadii Baarlamaanka ku wareegayaa. Markaa, Saacaddaa la joogo xilkii Wasaaradda Ciyaaraha dibedda ayaan ka ahay. Mar haddaan ka tegayo waxba cabasho muujin maayo, Dumarkaa cawdee anigu nin raga ayaan ahay oo caban mayo. Markaa, wax kasta oo isoo gaadha maanta waxba ka caban mayo.”

Axmed Cabdi Kaahin, waxa uu sheegay inaanay is-casilaaddiisu xidhiidh la lahayn lix Wasiir, Shan Wasiir Ku-xigeen, Afhayeenkii Madaxtooyada iyo Agaasimihii guud ee Wershadaha oo iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Isniintii toddobaadkan 12 Xubnood iska casileen iyo hal xubin oo Salaasadii is-casilay, balse ay cabashadiisu ka horraysay ta xubnahaas.

Axmed Cabdi Kaahin, ayaa hore u diiday Xubin Xildhibaannimo oo ka bannaanaatay Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii uu dhintay Mudane uu Cod ahaan ugu soo xigay isagu oo sharciyan uu xaq u yeeshay inuu buuxiyo, maaddaama oo uu ahaa Musharrixii ugu soo codka xigay doorashadii Golaha Wakiillada oo uu ka tartamayey Xisbigii burburay ee UDUB, balse hadda u muuqda inuu aqbalay buuxinta booskaas oo cid kale oo buuxisa oo ka mid ah Xubnihii kaydka u ahaa UDUB aanay jirin ee uu isagu ugu dambeeyo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya oo Hindiya lagu soo dhaweeyey iyo waxyaabaha ay labada dawladood ka wadahadleen

New Dalhi, 29 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Safar shaqo ku tegay waddanka Hindiya, waxaana lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa magaalada New Dalhi ee Caasimadda dalkaas Masuuliyiinta dalkaas.

20151028635816319344945742Wafdi_Somalia_Hindiya_gaaray (8)Weftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Caasimadda New Dalhi, ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta ka tirsan Xukuumadda Hindia iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya.

Xasan iyo Weftigiisa, ayaa kaga qayb-galaya Hindiya Shirka India iyo dalalka Afrika kasoo lagaga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya. Shirkan oo ah kii saddexaad ah ayaa wuxuu furmi doonaan Berri oo Khamiis ah, iyadoo Soomaalitya ay u tahay fursad inay ka qayb-gasho Shirkan, waxaanay Mas’uuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay kala hadli doonaan Madaxda dalka Hindiya sidii Khayraadka iyo Korontada la isaga kaashan lahaa.

“Waxaan kala hadli doonnaa Mas’uuliyiinta dalka Hindiya sidii ay Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen ka faa’iideysiga khayraadka iyo korontada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo Warbaahinta la hadlay.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulammo la qaadan doona Raysal-wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka kala socda dalalka Afrika ee Shirka ka qayb-galaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday Sucuudiga ka hor intii aanu tegin waddanka Hindiya, isagoo kulammo kala duwan la yeeshay qaatay Masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga oo uu ku jiro Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Diyaarad ku dhacday Afgooye, Sababaha keenay Shilkaas iyo qaabka looga hawlgalay

Afgooye, 29 October, 2015-(Aftahannews):- Diyaarad yar oo kuwa Rakaabka ah, ayaa Arbacadii shalay ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, taasoo la sheegay inay kasoo duushay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya una socotay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo 90-km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho.

dfdgdGaroonka Diyaaradaha Balli-doogle waxaa saldhigyo ku leh Ciidammo Ajaanib ah oo isugu jira Madow iyo Caddaan oo ay ku jiraan kuwa AMISOM, kuwasaoo dawladda Soomaaliya gacan ka siiya tabobbaridda Ciidammada Millateriga.

Inkastoo aanay weli war kasoo saarin Maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo AMISOM ay gaadheen deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday oo lagu magacaabo Cismaan Durre oo 9-km u jira degmada Afgooye.

Deegaankan, waxaa gacanta ku haysay Al-Shabaab, balse Ciidammo huwan ah, ayaa gaadhay goobta, kuwaasoo la wareegay amniga diyaaradda, waxaana ka da’ayay xilligaas deegaanka Roobab xooggan.

Taliska Ciidammada AMISOM oo la hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd mid aan diiwaan-gashanayn, balse ila-wareedyo kale, ayaa laga soo xigtay in diyaaraddu ay u kireysnayd Qandaraaslayaal la shaqeeya Ciidammada AMISOM.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daray in diyaaradda ay la socdeen inta u dhexeysa sagaal qof illaa 11-qof. Iyadoo aan illaa hadda la ogeyn xaalka ay hadda ku sugan yihiin, inkastoo Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ay sheegeen in shaqaalihii la badbaadiyay.

Illaa hadda lama oga dalka iska leh diyaaraddan iyo weliba dadkii sarnaa dalalka ay u kala dhasheen. Balse Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay inay weli wadaan baadhitaanno, iyagoo sheegay inay baadhitaannadooda ka dib soo bandhigi doonaan faahfaahinta rasmiga ah.

Wararku waxay sheegayaan in diyaaraddu ay u soo dhacday sabab la xidhiidha Cimilada oo xumeyd iyo Roobab mahiigaan ah oo deegaankaas ka da’ayay xilligaas ay dhacday; hase-ahaatee, ma jiro war cad oo ku saabsan sababta ay diyaaraddani u dhacday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wednesday, October 28, 2015

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Xaalada Xisbiga KULMIYE u Daliishaday Gabaygii (Run) ee Abwaan Gaariye

Hargeysa (Himilo)-Wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mida musharixiinta ku loolamaya xisbiga Kulmiye ayaa xaalada Xisbiga KULMIYE u adeegsaday Gabeyga (Run) ee uu tiriyay Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu sheegay inaanu ahayn masuulkii maanta looga baqan lahaa inuu dalka dhibaato ka abuuro isagoo shacbiga ka raali galiyay hadalo uu hore u yidhi oo uu sheegay in dad dano gaar ah wataa ay sifo khaldan u rogeen.
Video-ga Wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Samaale Arimahan Kaga Hadlayo Xagan Hoose ka Daawo:-

https://www.youtube.com/watch?v=a_7B7oKWxsk

Himilomedia

Hargeysa Office

Wasiirkii Hore ee Cadaalada oo ka hadlay Khilaafka KULMIYE Eedana u jeediyay Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa (Himilo)-Wasiirkii hore ee cadaalada Xuseen Axmed ayaa eedaymo usoo jeediyay hogaanka Xisbiga KULMIYE islamarkaana sheegay qodobo lagu xalin karo khilaafka ka taagan Xisbiga Kulmiye.

Warbixinta warka wasiirkii hore ee Cadaalada Video-gan Hoose ka daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=sbASBRiI6RU&feature=youtu.be

Himilomedia

Hargeysa Office

Xubno ka Mida Hogaan Kulmiye oo sheegay in la inqilaabay shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaas

“Taageerayaashayada waxaanu u sheegaynaa inuu afduuban yahay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ama madaxwayne ha u yedhaan ama cid kale ee hawshaasi mid cadaalada u socota maaha”Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Kulmiye
“Arintu waxay ka soconwayday ragga maanta xaruntii Xisbiga Kulmiye Fadhiya ee leh cadaalad baa jirta wax ka jiraa ma jirto, taasi gunta anagaa soo xaadhnay, waxbay huurinayaan, waxbay dul fadhiyaan, waxbay qarinayaan” Xildhibaan Tanyanle

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo guddoomiye kuxigeenka 3aad Xildhibaan Talyanle ee Xisbigaasi oo ka mida gudida qabanqaabada shirka golaha dhexe ee KULMIYE ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee KULMIYE la inqilaabay islamarkaana guddoomiyaha xisbiga oo ka mida musharaxiinta ku loolamaya Xisbigu gacan wayn kula jiro qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Xisbigaas.

 
Xildhibaan Waabeeye waxaa uu meesha ka saaray in qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye si cadaalada ay u socoto isagoo xusay in loo diiday in ay kormeeraan qaab loo diwaangalinayo xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye.

 
Xildhibaan Waabeeye oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Marka shir la qabanayo habka farsamada ah ee loo maamulo ayaa muhiima, waa in qofkii diwaangalinayay ee golaha dhexe la hubiyaa, number lasiiyaa , la sawiraa, dadka kale ee tartamayaasha ah waa inay arintaasi si cadaalad ah ugu dhacdaa.Sidii aad ogeydeen waanagii guddi noqonay, ee aniga, guddomiye ku xigeenka Kowaa, Talyanle iyo Xasan Siciid, Cadamina nalagu xoojiyay ee la yidhi Arintaasi Wada.

 
Xildhibaan Waabeeye oo hadalkiisa sii waxaa uu yidhi “kulankii u horeeyay waxaanu isla garanay inaanu ajande samayno waanu samaynay waxaa nidhi qolada farsamadu dadka ha diwaangaliyaan inaguna sidii shirka loo qabanqaabin lahaa aynu galno, maalintii hore waa aanu isla afgaranay laakiin maalintii dambe waa la diiday oo labada nin ee hogaanka ah markii ay la tashi soo samayeen noo sheegeen in hawsha diwaangalinta sidaa lagu wadayo markaa halka hawshu taalaa waa diwaan galinta, diwaangalintiina waa la iska wataa oo waxaa naloo diiday inuu kormeerno .”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye

 
Xildhibaanku waxaa uu taageerayaasha Xisbiga KULMIYE u baaqay inaan qabanqaabada shirka golaha dhexe ayna u socon si cadaalada islamarkaana uu gacanwayn kula jiro ama dirawal ka yahay guddoomiye Muuse Biixi oo kamida musharixiinta KULMIYE islamarkaana aan ku jirin Guddida qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Xisbiga.

 
“Taageerayaashayada waxaanu u sheegaynaa inuu afduuban yahay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ama madaxwayne ha u yedhaan ama cid kale ee hawshaasi mid cadaalada u socota maaha,anaguna waxaanu diyaar u nahay inay musharaxiintu helaan gole cadaalada,oo si wanaagsan loogu tartamo , laakiin maaha guddoomiyuhu inuu marna noqdo siidhi wale hadana noqdo kii kubada ciyaarayay maaha.”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye

 
Geesta kale Guddoomiye Kuxigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Tanyanle ayaa sheegay in hawsha qabanqaabada shirku ay ka soconwayday hogaanka Xisbiga islamarkaana hogaankaasi ay waxyaabo badan qarinayaan isagoo xusay in hogaanka xisbigu xarunta u fadhiyaan wax isdaba marin.
Xildhibaan Tanyanle oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi ““Waxaanu u sheegaynaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye in arintu ay ka soconwayday ragga maanta xaruntii Xisbiga Kulmiye Fadhiya ee leh cadaalad baa jirta wax ka jiraa ma jirto, taasi gunta anagaa soo xaadhnay, waxbay huurinayaan, waxbay dul fadhiyaan, waxbay qarinayaan”
Hadalkan kasoo yeedhay masuuliyiintan ayaa meesha ka saaraya in tartanka xisbiga KULMIYE uu ku dhaco cadaalad islamarkaana si xora loogu tartamo golaha dhexe ee Xisbigaasi isagoo tuhunada ay masuuliyiintani muujiyeena waxwayn u dhimayso dimuqraadiyada Xisbul xaakimka KULMIYE.

Himilomedia
Hargeysa Office

Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland oo Is casilay.

Garoowe (Himilo)-Guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa maanta si rasmiya iskaga casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka ahaa baarlamaanka Puntland, Is casilaada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dambaysay kadib markii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanku ay keeneen mooshin xilka lagaga tuurayo Guddoomiyaha.

 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ahayd markii lagu sameeyay wax inqilaab oo kale ah, ciidammo fara badanna la geeyay xarunta baarlamaanka Puntland.

 

“Sababta aan isku casilay waa mooshin la iga keenay, ciidammo la wareegay xarunta baar-lamaanka saaka iyo in warar la isla dhexmarayay oo ahaa in la qorsheynayo in kursiga laga eryo, kuwaasoo iila ekaaday sidii in-qilaab,” ayuu yidhi Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaankan Puntland ayaa ku dooday in xildhibaanada Mooshinka ka keenay ay yihiin Xildhibaano aan iman kalfadhiyada Golaha oo ka baqay in go’aamo laga soo saaro iyo madaxwayne ku xigeenka Puntland.
Himilomedia
Hargeysa Office

Madaxwayne Siilaanyo oo iska diwaangaliyay Xarunta Xisbiga Kulmiye kuna Dooday inuu dhex ka yahay musharixiinta ku loolamaya Xisbigaas(SAWIRO)

Hargeysa (Himilo)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka iska diiwaangaliyay Xarunta Xisbiga Dhexe ee KULMIYE ku leeyahay Magaalada Hargeysa kaasi uu ka qaatay kaadhka xubinimada Golaha dhexe ee Xisbigaasi.

 

Madaxwaynaha waxaa xarunta xisbiga kusoo dhaweeyay Hogaan sare ee Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaal badan oo ku sugnaa xarunta xisbigaas.
Guddoomiye kuixgeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiintii madaxwaynaha kusoo dhawaysay xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa ka ugu horeyn ka hadlay Diwaangalinta madaxwayne Siilaanyo ee ka mid noqoshada golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 
“Madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa, adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer aad wada fadhideena xusuus gaarabay u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay maantana inaad halkan noogu timid.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Maxamed Kaahid oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu warbixin madaxwaynaha kasiiyay qaabka ay uga socoto xarunta xisbiga Diwaabgalinta golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye “xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”
Geesta kale guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay maanta u tahay maalin xisbiga Kulmiye farxad u ah maadaama madaxwaynihii Qaranku iska diwaangalinayo xaruntii dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

 
Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad wayn u tahay inuu imaado xaruntii Xisbiga KULMIYE islamarkaana uu iska diwaangaliyo isagoo u mahadnaqay masuuliyiintii iyo taageerayaashii kusoo dhaweeyay Xarunta Xisbigaas “ farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo”ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo.
Madaxwayne Siilaanyo oo hadalkiisa sii wataa waxaa sheegay in uu dhex ka yahay tartanka xisbiga Kulmiye ee lagu loolamayo musharaxa madaxwayne Iyo ku xigeen ee Xisbigaasi 10 bisha November ku dooranayo shirka Golaha Dhexe. “ annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

Madaxwaynaha ayaa markii dambe waxaa laga qaaday sawir kur oo loogu samaynayo kaadhka ka qaybgal shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku qabsanayo bisha November magaalada Hargeysa.

DSC_0037 DSC_0047 1

HImilomedia /Hargeysa Office

Madaxweyne Laba Daran Mid Dooro?

Sida aynu la soconno waxaa dalka ka jira dhaqdhaqaaqyo Siyaasadaysan oo dhammaan oo u dhaxeeya labada Garab ee ku loollamaaya hanashada Musharraxnimada shanta sano ee soo socda ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu hadda marayaa meel xasaasi ah oo khatar gelin karta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana dorraad si lama filaan ah Xilalkii isaga Casilay Wasiirradii ugu tunka waynaa Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay horkacayaan Wasiirkii arimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxaanay salka ku haysaa muranka dheer ee inta badan soo jiitamaayey ee ka dhex aloosnaa Xisbiga Kulmiye, taasoo loo sababayn karo In madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo si mugle leh u taageeray Garabka Muuse Biixi Cabdi , soona afjartay in si siman oo Caddaaladi ku dheehen tahay loogu tartamo maaddaama oo uu Madaxwaynihii Garab si buuxda u taageeray.

Hadaba hadaynu dib u jaleecno Saamayn inteeleeg ayey ku yeelan kartaan Xisbiga Kulmiye  Beelaha Darafyadda deggan.

Madaxwayne Ku-xigeenka JSL, waa hoggaanka ugu sarreeya gobolka Awdal iyo deegannada hoos yimaadda, waxaana uu ka mid yahay garabka Muuse Biixi Cabdi ee Safka hore ku jira, waxaanu u taagan yahay Musharraxa Madaxwayne Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, waxanaynu la soconnaa tabashada Awdal oo in badan soo jiitamaysay iyada oo ku salaysan Saami-qaybsiga Xukunka dalka, taasoo sababtay Rabshado in badan soo noqnoqday, waana mid gobolka Awdal saamayn wayn ku yeelatay, walina sii jiitamaysa.

Waxaana la odhan karaa Reer Awdal waxay ka dhur-sugayaan hadba sida ay saamayn wayn ugu yeeshaan Xisbiga talada haya, marka la gaadho 10-ka November ee sannadkan 20015,  oo ah waqti loo asteeyey qabsoomidda Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu dooranayo Musharraxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ugu tartami doona Xisbigaas doorashooyinka soo socda, isagoo Ku-xigeenka uu loollan ugu jiro Madaxweyne Ku-xigeen Saylici.

Waxa iyana taa barbar socota gobollada Bari ee Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle oo intii ay Somaliland Jirtay wali noqon Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku-xigeen, oo maanta iyaga oo isku duuban u taagan Madaxwayne Ku-xigeen, kaasoo uu hor-kacaayo Wasiirka Caafimadka Xaglo-toosiye. Runtiina la odhan karo gobolladaasi waxay ka hadheen gobollada Somaliland dhanka horumarka, loona sababayn karo arrimo Siyaasadaysan. Laakiin, maanta Xukuumadda Somaliland Dib-u-habayn wayn ka waddo xagga horumarka gobolladaas , diyaarna u ah inay wax la qabsadan dalka intiisa kale, lana soo gaadhsiiyo gobolladda kale ee dalka.

Waxa kale oo xusid mudan in Wasiirrada, Xildhibadda iyo Wax-garadka beesha Degta Bariga Somaliland ee ku jira Xukuumadda talada haysa ee Axmed Maxamed Siilaanyo ay Madaxwaynaha u gudbiyeen in uu taageero wayn siiyo Musharraxa Madaxwayne Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Saleebaan-Xaglo-toosiye. Waxaanay Madaxwaynaha ku noqonaysa laba daran mid dooro.

Waxaana la odhan karaa waxay Saamayn wayn ku yeelan kartaa Qadiyada Somaliland , oo beelaha Darafyadu inta badan ku eedeeyaan Xukumada Taladda haysa inay Xukunka Dalka gacanta u galisay Beesha dhexe oo Madaxwayne Axmed Maxamed Siiranyo ka soo jeedo , taasoo cabashadoodu in badan soo noqnoqanaysay .

Haddaba maxaa la gubboon Xisbiga?

Xisbiga Kulmiye waxaa horyaalla marka laga yimaaddo Musharraxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye , arrimo saamayn wayn ku yeelan karaya Somaliland, waxaanay u baahan tahay Caddaalad iyo in wax badan laga fiirsado, waayo? Ma aha in keliya laga fikiro Xisbiga, ee waxaa habboon in indho gaara loo yeesho Musharraxiinta Beelaha Darafyada.

W/Q: Maxamed Xuseen Roodhi

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Iska Casilay Xilkii Wasiirnimo

Hargeysa (Himilo)-Wasiirka wasaaradda ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Silaanyo.

Wasiirka Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin oo ka hadlaya sababta iscasilaadiisa ayaa waxa uu yidhi:-

“Maanta ayey igu dhalatay inaan iska casilo xilkii aan ka hayey xukuumadda, waxaana ii taala xubin baarlamaanka ah oo aan buuxinayo, Madaxweynaha ii magacaabay inaan xukuumadda ka mid noqdo  aad ayuu mahadsan yahay, laba sanadood ayaan la shaqaynayey  si fiican oo sharaf leh ayaan u wada shaqaynay, xubintii Baarlamaanka ah ayaan ku wareegayaa, sidaasi darteed waxaan iska casilay xilkii wasiirnimo ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska.”

Axmed Cabdi Kaahin, Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Wasaaradda mar haddii aan ka tagayo waxba ka  caban maayo, nin rag ah ayaan ahay oo caban maayo wax kasta oo I soo gaadhayna ka caban maayo, is casilaadayduna xidhiidh lama laha lacagtii qabashada ciyaaraha gobollada ee la sii dayn waayey,  raggaas is casilayna arrintaydu xidhiidh lama laha waayo anigu meel ayaan ku socdaa oo waa la wada ogyahay, intii aanay iyaguna ku dhawaaqin is casiladooda ayaan khatar ugu jiray inaan is casilo, markii ay shaqadaydii socon wayday, haddana waan ka fiirsanayay, halkii uu xisbigu ahaana waan ahay, xilkiina waan iska casilay.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

“Sidaa Lixda Musharrax ee Reer Awdal Madaxweyne Ku-xigeenka Kulmiye ugu tartamayaan baannu u tartamaynaa labadayaduna (Aniga iyo Xaglo-toosiye)..”

“Adeer annagu Aqoonsigii Somaliland baannu sidnaa, Midnimadii Somaliland baannu sidnaa, in Somaliland oo dhami isku xidhanto ayaannu doonaynaa... Kaayagii soo baxaaba dad wax wada doonaya oo magac wada sita ayaannu nahay...” Xildhibaan Musharrax Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho)

Hargeysa, 28 October,2015-(Himilo)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, isla markaana shaaciyey inuu Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen ugu tartamayo Xisbiga KULMIYE oo uu Muuse Biixi ku ladhan yahay, ayaa sheegay in Beelaha gobollada Sool iyo Sanaag diyaar u yihiin inay codeeyaan, isla markaana yihiin kuwa sida Aqoonsiga iyo Midnimada Somaliland, sidoo kalena ay Calafkooda kala qaadayaan laba Musharrax oo ay Sool kaga soo jeedaan iyo lix Musharrax oo Awdal ka soo jeeda oo ay jagadaa Ku-xigeennimada u wada taagan yihiin.

Mudane Cabdiqaadir Indha-indho, oo Xalay Weriye ka tirssan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey Musharraxnimada, Isaga iyo Xaglo-toosiye oo isku deegaan ah, hadal Muuse Biixi hore uga soo yeedhay iyo kulan la sheegay inuu xalay Hargeysa ka dhacay. Waxaanu ku dooday inay labada Musharrax ee reer Sool la mid yihiin lixda Musharrax ee reer Awdal oo ay iyaguna calafkooda qaadayaan, isla markaana koodii soo baxa ee la doortaaba yahay mid u qalma maaddaama oo ay wax wada doonayaan, sidoo kalena isku magac sitaan.

Xildhibaan Indho-indho, ayaannu weydiinnay inuu isaga iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isna Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen u sharraxan ay isla soo qaadeen ama ay suuragal tahay in midkood midka kale jagadaas uga tanaasulo oo mid la taageero, waxa uu ku jawaabay “Sidaa Lixda Musharrax ee Reer Awdal ee Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE u tartamayaan baannu u tartamaynaa labadayaduna (Aniga Indha-indho ahaan iyo Xaglo-toosiye), qofkii la doorto iyo kaayagii soo baxaaba dad wax wada doonaya oo magac wada sita ayaannu nahay.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho oo aan weydiinnay in Muuse Biixi oo ka mid ah Siyaasiyiinta u sharraxan Jagada Madaxweynaha KULMIYE oo Indha-indho sheegay inuu ku-xigeen u yahay, uu sheegay mar la weydiiyey gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland dhanka uu Ku-xigeenkiisa ka xulanayo, in Galbeed laga Codeeyo oo Codkaasi ku qasbayo in Xisbiyadu ka xushaan Ku-xigeennada, maaddaama oo aan dadka Barigu diyaar u wada ahayn inay codeeyaan sida uu Muuse sheegay. Balse Xildhibaan Indha-indho waxa uu ku dooday inaan wakhtigii dadka Barigu diyaarka u ahaayeen inay codeeyaan la soo gaadhay.

Md. Cabdiqaadir Indha-indho waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Adeer annagu Aqoonsigii Somaliland baannu sidnaa, Midnimadii Somaliland baannu sidnaa, in Somaliland oo dhami isku xidhanto ayaannu doonaynaa. Muuse Biixina waa nin na yaqaanna oo waxa uu yidhi; ‘Harti waa Maraykan iyo Chine’, Muuse Biixi ayaanay taageersan yihiin oo ay codkooda siinayaan mid magaalo jooga illaa Islaanta Taleex joogtaaba, Hartina maanta Musharraxa uu wataa waa Muuse Biixi.”

“Taasi wakhti hore ayey ahayd oo duruufteeda leh, laakiin waxaan kuu sheegayaa maanta inay dadka Sool iyo Sanaag diyaar u yihiin inay codeeyaan oo ay is-diiwaan-geliyaan, Ciidankuna Xadka dushiisa ayuu maanta joogaa oo deegaankasta oo Somaliland ah waa la gaadhsiin karaa diiwaangelinta iyo doorashada-ba. Annaga ayaa Sanaaduuqda geynayna cid diidi karta iyo cid nagu qabsan kartaana ma jirto, dadkayaguna inay codeeyaan diyaar bay u yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Musharrax Cabdiqaadir Indha-indho.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa uu kala socdo Kulan la sheegay xalay inay Xubno ka soo jeeda Masuuliyiinta Sool iyo Sanaag ee dawladda Somaliland ka tirsan qaarkood kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), bal kulankaas ujeeddadiisa iyo waxa la iskula qaatay waxa uu Xildhibaan ahaan kala socdo, ayaa ku dooday inuu kulankaas maqlay, hase-yeeshee, aanu war kale ka haynin.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Tirada Masuuliyiinta iska casilay Xukuumadda oo sii korodhay iyo Magacyada Siddeed Xubnood oo Madaxweynaha Somaliland Xilal u magacaabay

Hargeysa, 28 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay siddeed Masuul oo inta badan aan ku cusbayn Xukuumaddiisa, balse uu qaarkood dallacsiiyey, qaarna kala beddelay, kuwaasoo uu toddoba ka tirsani Wasiirro yihiin iyo Afhayeenkiisa gaarka ah, ka dib markii ay shalay 12 Masuul oo isugu jiray Shan Wasiir, Shan Wasiir Ku-xigeen, Agaasime iyo Afhayeenkii Madaxtooyadu iska casileen xilalka ay ka hayeen Xukuumadda. Halka uu Masuulkii 13-aadna shalay iska casilay xilka oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

SAWIRRADA TODDOBA MASUUL OO SIILAANYO MAGACAABAYWaxa uu Buuxiyey Madaxweyne Siilaanyo Xilalka ay banneeyeen Masuuliyiinta Isniintii toddobaadkan is-casilay qaarkood sida Wasaaradda Madaxtooyada, Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda arrimaha dibedda, halka uu xubno kale is-weydaariyey oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Qorshaynta oo uu arrimaha dibedda u magacaabay, Wasiirkii Duulista oo uu Madaxtooyada u magacaabay, Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland oo uu Qorshaynta u magacaabay, Wasiiru-dawlihii Maaliyadda oo uu Duulista u magacaabay, Wasiir Ku-xigeenkii Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha oo Caddaaladda loo magacaabay iyo Afhayeen cusub.

Sidaas waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Magacaabista iyo isku beddelka ku sameeyey, hase-yeeshee, weli ma dhammaystirna Xilalka Xubnaha iska casilay Xukuumadda Siilaanyo oo 12 Kursi ama Boos banneeyey oo uu ku soo biiray Kursi 13-aad, ka dib markii uu Salaasadii shalay Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Faarax Cilmi Geedoole si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, isla markaana uu la mawqif yahay xubnaha Isniintii iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay (ahayd) JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey Golaha Wasiirrada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida Wasaaradihii ay banneeyeen Wasiirradii hore, Magacaabayna Afhayeen Cusub.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;- Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday:-

  1. n Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista). 2. In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan). 3. In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta (Shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).

  2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland). 5. In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

  3. In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada). 7. In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

  4. In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha). ALLAA MAHAD LEH.”


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

UCID iyo WADDANI oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Maax-dunka Siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Xisbiga WADDANI oo luqad Adag kaga hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Wasiirradii Iscasilay Madaxwaynaha ku eedeeyeen inuu dalka geliyey & UCID oo talo ka geystay loolanka KULMIYE

Hargeysa, 28 October,2015-(Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee soo waajahay Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, ka dib markay doraad iska casileen 12 Masuul oo iskugu jiray Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Afhayeenkii Madaxtooyada.

War-saxaafadeed uu Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde ka soo saaray Hargeysa, ayuu ku sheegay in dildilaaca ku yimid Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE uu yahay mid soo taxnaa ilaa 2008-dii oo Magaalada Burco Musharraxa Madaxwaynaha loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo, ilaa wakhtigaana uu ku jiray khilaafka wakhtigan keenay inay Xukuumadda ka baxaan dhowr iyo toban Masuul.

War-saxaafadeedka WADDANI oo Ciwaan looga dhigay ‘Dil-dillaaca Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye’ ayaa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:- “Bishan Oktoobar 26dii, 2015ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhex qarxay muran iyo is-maan-dhaaf ka dhex jiray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya oo soo taxnaa tan iyo Kal-fadhigii 3aad ee Xisbiga ee Burco ku qabsoomay 2008kii.

Isaga oo Xisbiga Kulmiye ku magacaaban Xisbiga talada dalka hayay ilaa waqtigaas jidka uu marayay wuxuu ahaa dariiq aan ka tarjumayn himilada habka dimuqraaddiga ah iyo tartan xalaal ah, balse wuxuu u biyo-shubanayay qori-isu-dhiib kooxeed. Wuxuu innagu waday waddo khaldan oo uu ku ambinayo qarankan socod-baradka ah. Waxaynu halis ugu jirnaa in aynu mar kale sidii lixdankii la inoo anmbiyo oo himilada iyo halgankii ummadda loo jaho-wareeriyo.

Haddii aanu Xisbiga Waddani nahay aad ayaanu iskaga dhowrnay in aanu ka hadalno ama faro-gelinno doodaha iyo murannada Xisbigaa dhexdiisa ka socday, annaga oo aamminsan in aanaan ka nabad-galleyn annaga oo aan dhiillo naga dhex taagnayn. Mar haddiii immika burbur dawladeed iyo walaac qaranba abuurmeen, waxaanu Xisbi ahaan aamminsan nahay in lagu dhaqmo habka dimuqraaddiyadda, tartanka xalaasha ah iyo xeerarka kala gaarka ah ee ay Xisbiyadu ay leeyihiin iyo ka guud ee ka dhexeeya ee Lam. 14aad. Waxaanu aamminsan nahay in laga fogaado kooxaysiga qori-isu-dhiibka ah iyo ku-danaysiga magaca reeraha oo ay Xukuumaddan Siilaanyo si baahsan oo fool xun u adeegsatay intii ay talada dalka haysay.

Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa ay jeexayaan uu yahay mid aan lagaga dayan karin. Wax la qaadan karo ma aha in Madaxweynuhu isugu yeedho koox Wasiirro ah oo uu reernimo ku xushay, isaga oo isugu yeedhi karayay Golihiisa Xukuumadda oo isu dhan oo uu talo weydiin karayay. Waana dhaqan uu shantaa sannadood ku shaqaynayay oo dal iyo dadba aafeeyay.

Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxuu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland.

Xisbiga Waddani isaga oo qaddarinaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka, wuxuu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa feejignaan iyo nabadda oo la ilaaliyo.

“Sow kii Gaarriye lahaa:

“Nin dawee la leeyahay,

Dembi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

In la daaro ma oggola.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay Saxaafaddu waydiisay sida uu u arko khilaafka Xukuumadda ee ka dhashay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa ku taliyey in shirka KULMIYE loogu tartamo si cad oo aan musuqmaasuq lahayn isla-markaana lagu qanco go’aanka soo baxa, waxaanu yidhi, “Xisbigii UDUB oo 10 sano jiray baa innaga burburay ee yaannu innaga burburin KULMIYE  oo 12 sanno jiray, markaa waxaan u soo jeedinayaa inay khilaafkooda dhamaystaan.”

Guddoomiye Faysal oo sii hadlay waxa uu yidhi; “Xisbiga KULMIYE wuxuu Shirka Golaha dhexe u fadhiisanayaa 10-ka bisha November, markaa waa inay si cad u tartamaan oo go’aanka ka soo baxana la aqbalaa, waayo ? waxba inagaga xumaan maayaan.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland