Xisbiga WADDANI oo luqad Adag kaga hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Wasiirradii Iscasilay Madaxwaynaha ku eedeeyeen inuu dalka geliyey & UCID oo talo ka geystay loolanka KULMIYE
Hargeysa, 28 October,2015-(Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ka hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee soo waajahay Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, ka dib markay doraad iska casileen 12 Masuul oo iskugu jiray Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Afhayeenkii Madaxtooyada.
War-saxaafadeed uu Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde ka soo saaray Hargeysa, ayuu ku sheegay in dildilaaca ku yimid Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE uu yahay mid soo taxnaa ilaa 2008-dii oo Magaalada Burco Musharraxa Madaxwaynaha loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo, ilaa wakhtigaana uu ku jiray khilaafka wakhtigan keenay inay Xukuumadda ka baxaan dhowr iyo toban Masuul.
War-saxaafadeedka WADDANI oo Ciwaan looga dhigay ‘Dil-dillaaca Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye’ ayaa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:- “Bishan Oktoobar 26dii, 2015ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhex qarxay muran iyo is-maan-dhaaf ka dhex jiray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya oo soo taxnaa tan iyo Kal-fadhigii 3aad ee Xisbiga ee Burco ku qabsoomay 2008kii.
Isaga oo Xisbiga Kulmiye ku magacaaban Xisbiga talada dalka hayay ilaa waqtigaas jidka uu marayay wuxuu ahaa dariiq aan ka tarjumayn himilada habka dimuqraaddiga ah iyo tartan xalaal ah, balse wuxuu u biyo-shubanayay qori-isu-dhiib kooxeed. Wuxuu innagu waday waddo khaldan oo uu ku ambinayo qarankan socod-baradka ah. Waxaynu halis ugu jirnaa in aynu mar kale sidii lixdankii la inoo anmbiyo oo himilada iyo halgankii ummadda loo jaho-wareeriyo.
Haddii aanu Xisbiga Waddani nahay aad ayaanu iskaga dhowrnay in aanu ka hadalno ama faro-gelinno doodaha iyo murannada Xisbigaa dhexdiisa ka socday, annaga oo aamminsan in aanaan ka nabad-galleyn annaga oo aan dhiillo naga dhex taagnayn. Mar haddiii immika burbur dawladeed iyo walaac qaranba abuurmeen, waxaanu Xisbi ahaan aamminsan nahay in lagu dhaqmo habka dimuqraaddiyadda, tartanka xalaasha ah iyo xeerarka kala gaarka ah ee ay Xisbiyadu ay leeyihiin iyo ka guud ee ka dhexeeya ee Lam. 14aad. Waxaanu aamminsan nahay in laga fogaado kooxaysiga qori-isu-dhiibka ah iyo ku-danaysiga magaca reeraha oo ay Xukuumaddan Siilaanyo si baahsan oo fool xun u adeegsatay intii ay talada dalka haysay.
Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa ay jeexayaan uu yahay mid aan lagaga dayan karin. Wax la qaadan karo ma aha in Madaxweynuhu isugu yeedho koox Wasiirro ah oo uu reernimo ku xushay, isaga oo isugu yeedhi karayay Golihiisa Xukuumadda oo isu dhan oo uu talo weydiin karayay. Waana dhaqan uu shantaa sannadood ku shaqaynayay oo dal iyo dadba aafeeyay.
Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxuu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland.
Xisbiga Waddani isaga oo qaddarinaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka, wuxuu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa feejignaan iyo nabadda oo la ilaaliyo.
“Sow kii Gaarriye lahaa:
“Nin dawee la leeyahay,
Dembi uu badh leeyahay,
Xalka doon la leeyahay,
Isaguu u daranyoo,
In la daaro ma oggola.”
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay Saxaafaddu waydiisay sida uu u arko khilaafka Xukuumadda ee ka dhashay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa ku taliyey in shirka KULMIYE loogu tartamo si cad oo aan musuqmaasuq lahayn isla-markaana lagu qanco go’aanka soo baxa, waxaanu yidhi, “Xisbigii UDUB oo 10 sano jiray baa innaga burburay ee yaannu innaga burburin KULMIYE oo 12 sanno jiray, markaa waxaan u soo jeedinayaa inay khilaafkooda dhamaystaan.”
Guddoomiye Faysal oo sii hadlay waxa uu yidhi; “Xisbiga KULMIYE wuxuu Shirka Golaha dhexe u fadhiisanayaa 10-ka bisha November, markaa waa inay si cad u tartamaan oo go’aanka ka soo baxana la aqbalaa, waayo ? waxba inagaga xumaan maayaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment