Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay kaga waramay waxyaabaha sida gaarka ah uu ugaga cabanayo Madaxwayn Siilaanyo kuwaas oo ay ka mid yihiin buu yidhi in Madaxwaynuhu uu shanti sanadood ee u dambeeyay u sheegayey inuu dhexdhexaad ka noqonayo tartanka Musharraxiinta KULMIYE.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlaya ujeeddada uu ku lahaa hadal ay Saxaafadda badhkeed si qaldan u weecisay ayaa yidhi; “Waxaan jecelahay inaan saxo oo aan caddeeyo waxaan uga jeeday hadal aan dhawaan warbaahinta siiyay, waxaa hadalkaygaas ka mid ahaa ‘haddii Madaxweyne Shaanidii ku cabsi galisay wallaahi tu ka weyn ayaa iman doonta, haddii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda la ilaalin waayo’.”
“Hadalkaas hadalkayga ayuu ku jiray, maan sheegin inaan anigu hub isticmaalayo ama taangiyo ama dalka dagaal galinayo, xaashaa lilaah, anigu nin Diinta wax ka yaqaan baan ahay, Illaahayna waxaan ka baryayaa Diinta aan aqoonta u leeyahay inaan dadka ku dhaqmaya ka mid noqdo. Ummadda Somaliland magac weyn iyo maamuus ay iyagu i huwiyeen baan ku dhex leeyahay, waxaan sheegayaa inaan ahayn shakhsi dagaal, inaanan ahayn askari, inaanan ahayn shakhsi ummaddan nabad galyadeeda looga baqi karo iyo xasiloonideeda. Hadalkaygaa waxa loo fasiray inaan dagaalamayo, Xaashaa lilaah, anigu Askarina ma ahi, hub ma sito waligayna ma qaadan.”
Cabdicasiis Samaale waxa kale oo uu Sharraxay waxyaabaha sida gaarka ah uu uga tabanayo Madaxwayne Siilaanyo, “Aniga waxyaabaha i gubaya ee maalintii aan shirka jaraa’id qabtay ka hadlay ee aan tabanayay walina tabanayo waxaa ka mid ah Madaxweynuhu wuxuu u yeedhay Wasiirro qoyskiisa ah oo waa xaqiiqo dhab ah oo aan been ahayn. Haddii la beeninayo oo warkaasi ma jiro la leeyahayna been baa la sheegayaa. Madaxweynuhu masuuliyiinta uu la kulmay wuxuu ku sheegay inuu dhisayo Muuse Biixi oo Musharraxiinta xisbiga ka mid ah, anigu dhib uma arko oo Madaxweynuhu cod buu leeyahay laakiin waxaan ceeb u arkaa, anigu muddo shan sanno ka badan ayaan sheegayay inaan Musharrax ah oo xoog iyo xoolo ayaan ku bixiyay, intaas Madaxweynuhu wuxuu i lahaa baan ahay,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu intaa ku daray oo uu ka sheekeeyay gefef Warbaahinta dawladdu ka gashay xilligii Xukuumaddii Daahir Rayaale, “Aniga laftayda gefef badan baa la iga galay oo maalin kaliya oo la iga raali-galiyay ma arag. Waxa ka mid ahaa gefefka la iga galay, in xilli ka mid ah xilliyadii Daahir Riyaale aniga, Maxamed Xaashi iyo Gaboose waxa lanagu sheegay Al-shabaab inaanu nahay, Idaacadda Radio Hargeysa ayaa laga sheegay, ma dambi ka weyn oo qof bani-aadam ah laga sheego ayaa jira, waxaanan ahaa Guddoomiye xigeenka Golaha Wakiillada. Qofka waxaa sheegay inuu caddaynteeda keeno saw may ahayn illayn waa qof ku dilaye, aniguna bari ayaan ka ahaa.”
Samaale oo sii hadlaya ayaa sheegay, “bal haddaba waxaad ka warantaa xukuumaddii aan dhaliyay ee aan laf-dhabarteeda ka mid ahaa ee aan kow ka ahaa dadkii Axmed (Madaxweynaha) kursigaa ku fadhiisiyay haddii waddadii wado la mid ah ay qaado oo Xukuumadda lafteedu wixii wax la mid ah Cabdicasiis ku sheegto bal ka warama. Waxaad is odhanaysaa taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa oo wixii shalay dhacay ayaa dib u soo noqonaya, waa in dadku biri-ma-geydo yeesho oo waxyaabo lagala xishoodo qofku uu yeesho.” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment