Saturday, October 31, 2015
Shiinaha: Lahjadda Degaanka oo uu Fahmi Waayey ayaa ku Kelliftay Inuu Lugeeyo 950 Mayl
Dhacdo cajiiba ayaa qabsatay nin da’diisu tahay 73 jir dalxiise ah, taasoo uu ku mutay dhib badan, kadib markii uu ka ambaday koox uu la socday, taasina ku qasabtay inuu go’aansado inuu goobtii uu degenaa u lugeeyo masaafo dhan 950 mayl, maadaama aannu garanayn luuqadda lagaga hadlo magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Waxa uu waayey ninkii hagaha u ahaa iyo weliba qof ku hadli kara lahjadda goobta uu joogo, sidaa darteed, waxa ninkan go’aansaday inuu u lugeeyo gurigiisa oo ku yaal Gobolka Zhejiang oo dhaca bariga dalka Shiinaha, taasoo noqonaysa inuu 950 mayl oo dhinaca caasimadda ah ka soo lugeeyo.
Ninkan oo naanaystiisa amma magaciisa lagu soo gaabiyey Yu, waxa uu lugaynayey 60 mayl muddo lix maalmood ka badan, ka hor intii aanay badbaadin maamulka magaalada Tianjin.
Waxa kaloo wararku sheegeen Mr. Yu, safarkiisa bilaabay 13 October ee sannadkan, inkastoo wararka macluumaadkiisa ay warbaahinta Shiinuhu uun heshay toddobaadkan, haddana, waxa lagu daabacay wargeyska Shanghaiist ooMaankaab soo xigtay, inuu lacag yar jeebada ku hastay, waddooyinka dhinacoodana habeenkii seexanayey.
Ciiddammada boolisku markii ay heleen waxa uu u muuqday qof jahwareersan, halka mareegta Shiinaha ah ee Sohu.com ay daabacday in cagaha ninkay ay ku daboolnaayeen baco, wax telefoon ah iyo kaadh lagu aqoonsado toona muu haysan.
Safarkiisan lixda maalmood qaatay ee uu kaga baxay magaalada Beijing, waxa uu ku bilaabmay 24 saacadood oo uu caasimada markii hore ku yimi, kuna dambeeyey muddada intaas le’eg.
Waxa uu aad ula yaabay waligii isagoon arag dad sidaas u tiro badan oo meel wada jooga, kumana hadlo lanjahada Mandarin ee aadka caanka uga ah magaalada Beijing, maadaama lahjadda uu ku hadlayey ahayd Rui, awoodna umuu lahayn inuu dadka fahmo.
Asxaabtii safarka ku wehlisay waxay qoyskooda u sheegeen in ay waayeen, iyadoo kamaradaha CCTV ee ammaanka loogu talogalay muujiyeen isagoo ka sii baxaya Forbidden City (Beijing), halka qaarkoodna sheegeen in ay ku arkeen isagoo goobo barxad ah seexanaya, inkastoo uu muddadaas haystay lacag uu cunto ku cuno, haddana ciiddammada booliska ayaa aakhirkii helay, waana waxyaabaha mucjisooyinka ee ka dhaca dalka Shiinaha.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment