Thursday, October 22, 2015

Mudaharaad ka dhacay Berbera, dad loo xidhay & Maamulka Gobolka Saaxil oo ka hadlay

 Berbera, 22 October 2015-(Himilo) – Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa Maanta gelinkii hore ka dhacay Mudaharaad uu dadweynuhu ku muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo toddobaadkan Xukuumaddu ku wareejiyey lix shirkadood oo maamulaya muddo 20 sanadood ah.


Mudaharaadkan oo ay ka qayb-galeen boqollaal dhallinyaro ah oo iskugu soo baxay Waddooyinka waaweyn ee Berbera ayaa gubay taayiro dhowr ah, kuwaasi oo qiiqii ka baxayey laga arkayey daafaha Magaaladaasi.


Mudaharaad


Dhallinyarada mudaharaadday ayaa waxa markii dambe kala dareeriyey ciidammada Ammaanka oo rasaas badan circa u riday, si ay u cabsi galiyaan.


Wararka ay Himilo ka helayso Berbera ayaa sheegaya in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay Mudaharaadkaasi, laakiin Booliska ayaa xidhay qaar ka mid ah dhallinyarada Mudaharaadka dhigtay.


Halkan ka DAAWO Maamulka Gobolka Saaxil oo arrintan ka hadlay


No comments:

Post a Comment