Wednesday, October 21, 2015

Dhinacyada Xisbiga Kulmiye ku Hirdamayay Oo Heshiis Gaadhay

“Sheekada odhanaysa madaxwaynuhu guddi ayuu magacaabay ma jirto Guddi uu madaxwaynuhu magacaabay”Wasiirka Warfaafinta
“Dad qoladayada hogaanka ka tirsanaysa xogaa dhaliilo ah, xaqna waana loogu leeyahay maadaama xilkii aanu hayno in wax lanaga tabto”Guddomiye Muuse Biixi

 

“Waxaa farxad noo ah anagoo dhamaantayo ogol oo jecel in meesha Kulmiye la yidhaahdo uu ahaado Xisbul xaakimkii, midnamadiisu inay muqadas naga tahay”Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

 

“dad cadow u ah Kulmiye ayuunbaa sheegayay in lakala qaybsamay hase ahaatee arinkasi waa dhamaaday”Xildhibaan Kijaandhe

Hargeysa (Himilo)-Garabyada ku hirdamaya musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ayaa ka heshiiyay qodobo lagu muransanaa kadib markii shirar kala duwan labada dhinac ay la yeesheen madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Musharaxiinta ku loolamaya musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ayaa isku khilaafay kadib markii hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye Bilaabay qabanqaabada iyo Bixinta Kaadhadhka Shirwaynaha Xisbiga ee a filayo in la qabto 1o Nevember, Isbahaysiga musharaxiinta KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga inuu maroorsaday awoodii Xisbiga Islamarkaana soo jeediyay in guddi dhex ah loo sameeyay qabanqaabada shirwaynaha Xisbiga.
Shir jaraa’id oo maanta ka dhacay xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay kasoo qayb galeen Musharaxiinta Ku loolamaya Jagada madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye, wasiiro , Xildhibaano iyo guddida Fulinta ee Xisbiga ayaa lagu sheegay in musharaxiita Xisbiga Kulmiye ay ka heshiiyeen khilaadkii soo kala dhexgalay islamarkaana waxaa qodobo laga soo saaray guddida qabanqaabada shirwaynaha Xisbiga iyo xubnaha maamulaya shirka golaha dhexe ee Kulmiye.
Wasiirka Warfaafin wacyigalinta iyo Dhaqan Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka Heshiiyay Khilaaf maalmihii u dambeeyay ka dhexeeyay musharaxiinta Xisbiga Kulmiye.
“Waxaa lagu heshiiyay in xisbigii Kulmiye, Kulmiye yahay, hogaankiisa iyo ma dugsigiisii yahay, shaqadii socotayna wixii hore loo qabtay dib loo eegi karo, cida shaqadaa qabanaysa waxa hadhayna dhamaystiraysaana ay tahay hogaanka Xisbiga” ayuu yidhi wasiir Cukuse waxaa uu intaasi ku daray “Waxaa lagu kordhiyay la taliye Ah Caddami wasiirka gaashaandhiga, oo ahaa guddoonka shirwaynihii golaha dhexe lagu doortay iyo guddoomiyaha guddidii xushay xildhibaanada golaha dhexe, oo noqonaya meesha la iskula soo noqonayo, hawsha se waxaa haynaya Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin, Guddomiye ku xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, Guddoomiye Kuxigeenka Saddexaad Xildhibaan Tanyanle iyo xoghayaha guud ee Xisbiga Xasan Siciid”

 

 

Wasiir Cukuse waxaa beeniyay warar sheegayay in madaxwayne Siilaanyo uu magacaabay Guddi Qabanqaabisa Shirwaynaha Golaha dhexe ee Kulmiye waxaanu yidhi“Sheekada odhanaysa madaxwaynuhu guddi ayuu magacaabay ma jirto Guddi uu madaxwaynuhu magacaabay, Madaxwaynuhu wuxuu ku dadaalay inuu Xisbigu isku soo dhawaado marjacna yeesho, hogaanka xisbigana aan waxba laga badalin, sidii uu u shaqayn lahaa laga wada qabto saaxad dimuqraadiya oo gollaha dhexe ah musharaxiintu ay ku tartamaan.”

 
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in musharaxiinta la tartamaysaa ay hogaanka Xisbiga dhaliilo ka tirsadeen balse ay muhiimtahay in laga heshiiyo “Dad qoladayada hogaanka ka tirsanaysa xogaa dhaliilo ah, xaqna waanaloogu leeyahay maadaama xilkii aanu haynay in wax lanaga tabto, anagana waxaa nagu waajib ahayd inaanu u cadeyno, khaladkaasi hadii uu jirana aanu qaadano , hadii aanu jirana meesha laga saaro.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi.
Guddomiye Muse Waxaa uu intaasi ku ladhay oo yidhi “Maanta waxaanu joognaa intaasba meesha laga saaro , waana laga saaray anaga oo midaysan, shirkayaga wada qabsanayna, inaanu maanta iskugu nimid, hogaankayagii oo isku dhan oo aan wax dambe oo qolada jaraa’idku iyo ninkasta oo raba khalkhal Kulmiye ahi aanu helayn.”
Geesta Kale,Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ah kamida musharaxiinta Kulmiye ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in lasoo afjaro muranka ka taagan Xisbiga Kulmiye Islamarkaana ay diyaar u yihiin Tartan xora oo ka dhaca Xisbiga Kulmiye.“Waxaa farxad noo ah anagoo dhamaantayo ogol oo jecel in meesha Kulmiye la yidhaahdo uu ahaado Xisbul xaakimkii, midnamadiisu inay muqadas naga tahay, inay nabada waddanku muqadas naga tahay, inaanu jecelnahay tartan xalaala, oo xor ah, oo loo simanyahay inuu dhaco layskuna afgartay”
Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe ) ayaa isna dhinaciisa soo dhaweeyay Heshiiska xisbiga Kulmiye “Sidii ay ragii iga horeeyayba sheegeen inuu arinkaasi dhamaaday, sababtuna waxay ahayd dimuqraadiyadii oo shaqaynaysa, dad cadow u ah Kulmiye ayuunbaa sheegayay in lakala qaybsamay hase ahaatee arinkasi waa dhamaaday, Guddoomiyaha, Musharax Maxamed Biixi iyo cidii suurta galisay in la heshiiyo waan u mahadcelinayaa”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe.

 
Wasiirkii Hore ee maaliyada oo ka mida musharaxiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE ayaa isagu kasoo qaybgalay Shirkan jaraa’id ee Xisbiga Kulmiye kusoo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay musharaxiinta ku hirdamaya jagada madaxtinimo ee dalka.

 

Himilomedia

Hargeysa office

No comments:

Post a Comment