Tuesday, October 27, 2015

Masuul Kale oo iska Casilay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo uguna Baaqay Inuu Cadaalad Ogaado.

Hargeysa (Himilo)-Ambasador Axmed Aaden Dagaal (Axmed Safiina), oo wakiilka arrimaha xajka ee Somaliland, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka uu hayay.

Waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay inuu caddaaladda ogaado, balse ma sheegin sababta uu isku casilay.

Qoraalka iscasilada Ampasador Safina oo ku baahiyay Bartiisa Facebooga Waxaa uu u dhignaa Sidan :-

Anigoo ah Ambasador ahmed Adem dagaal (ahmed Safiina) Safiirka somaliland ee arimaha Hajjka ee Sacuudiga Waxaan iska casilay xilkii safiir nimo ee Qaranka aan u hayay mudadii lixda sanno ahayd, waa ilaa wakhtigii madaxwayne Riyaale. waxaan u mahad naqayaa madaxwaynaha Mudane ahmed Maxamed Siilaanyo oo aan la soo shaqeeyay intii xilka aan hayay. Waxaana ugu baaqayaa inuu cadaalada ogaado

Waxaan u Mahad celinayaa dhamaan intaanu soo wada shaqaynay Waxaan u shaqayn doonaa xujaajta intaan noolahay

Alaa Mahad leh

No comments:

Post a Comment