Tuesday, October 27, 2015
Shalay iyo Somaliland: Is-casilaaddii 11-ka Masuul, Kashifaadda Sababta keentay, Is-adkaynta Madaxweyne Siilaanyo, Amarka uu Taliye Fadal faray iyo Orodkii Wasiir Cukuse
Shalay: Isku-yaacii Siilaanyo, Saylici, Muuse iyo Cukuse, Shirkii la isla galay iyo natiijo la’aanta uu ku dhammaaday
“Eeddaas la ii soo jeediyay waxba kama jiraan, anigu cid aan garab siiyey ma jirto, arrintaas Golaha dhexe ayaa leh, Xisbigu qaab buu leeyahay oo sharciyad buu leeyahay.. Wixii la jaan-qaadi kari waaya Maamulka jira iyo duruufaha dalka ka jira, dee ha is-casilaan hadday doonayaan oo ha iska tagaan halkoodiina dad kale uun baa galaya..” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo
“Waan is-casilay, Keliya waxaan rabaa inaan sheego nin Gabyey oo Cali-Dhuux la odhan jiray baa wuxu yidhi; ‘Rag Caddaalad waayaa sidii Cawsha kala yaac!..” Wasiirkii Hawlaha guud
“Waannu is-casilnay ka dib markii aannu aragnay Xisbigii Qaranka ee KULMIYE ee lagu ballamay in tartan xor ah oo xalaal ahi ka dhaco cid gaar ah loo afduubo, arrinkaas ayaannu qaadan waynay..” Wasiir Ku-xigeenkii Shaqada
Hargeysa, 27 October, 2015-(Himilo)- Shan Wasiir, Shan Wasiir Ku-xigeen, Hal Agaasime Guud iyo Afhayeenkii Madaxtooyada, ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen xilalka ay ka hayeen Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ka dib markii sida ay sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ka baxay ballan-qaad ahaa inuu dhex-dhexaad u yahay Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, balse uu Xubno Wasiirro ah amar ku siiyey inay taageeraan Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweyne u sharraxan.
Inkasta oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku dooday inaan eeddaas waxba ka jirin, haddana waxay Masuuliyiinta kala duwan ee is-casilay si cad u sheegeen in Madaxweynuhu ka baxay dhex-dhexaadnimadii uu sheegay inuu u ahaanayo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ugu tartamaya tobanka bisha soo socota ee November 2015-ka. Sidaa awgeedna ay u adkaysan waayeen.
Wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Musharrixiinta Jagada Madaxweynaha KULMIYE u tartamayo, ayaa ka hadlay is-casilaaddiisa, waxaanu yidhi; “Sidaad la socotaan waxaan ahaa Musharrax, Musharraxnimadayduna weli way taagan tahay, waxaan maanta goostay inaan shaqadii aan Qaranka u hayey anigoo Wasiirkii arrimaha dibedda ah iska casilo. Marka hore waxaan u mahad-naqayaa Madaxweynaha iyo Shacabka Somaliland ee igu aamminay xmasuuliyaddaa wayn. Markaan eegay xaaladdu siday u socoto iyo wararka maanta (shalay) ka soo baxaya Madaxtooyada ee aan la filayn ee Madaxweynihii shalay lahaa dhex baan ahay ku dhawaaqay inuu dhinac jiro, waxaan goostay anigoo bannaanka jooga inaan hawshayda qabsado, idiinna caddeeyo inaan shaqadii ka tegay.”
Wasiirkii Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sidoo kale ka hadlaya is-casilaaddiisa waxa uu yidhi; “Waxaannu idiinku yeedhay kollay aniga iyo Wasiirku waannu is-waraysannay, Musharrax Madaxweyne ayuu u sharraxnaa, aniguna runtii waan la shaqaynayey, markaa waxaan ku qancay inaan laga bilaabo maanta oo ay bisha October tahay 26 2015 waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimo.”
“Aad baan ugu faraxsanahay wakhtiga dheer ee aan Qarankayga u soo shaqeeyey, waan ku mahadinayaa Madaxweynaha xilka ii magacaabay ee shantaa sano si sharaf iyo karaamo leh aan u wada shaqaynay, si saaxiibtinnimo iyo ehelnimo leh u wada shaqaynay. Waxaan ku kalsoonahay in dawladduna shaqayn doonto, Qarankuna jiri doono, aniga iyo saaxiibbadayna nasiibkayaga iyo siyaasaddayada insha Allaah u tacaalaa Mustaqbalka eegi doonno. Laakiin-se, qofku markuu muddo joogo wuu is-qiimeeyaa, Xaaladdiisa Siyaasadeed, Shaqadiisa iyo Mansabkiisaba wuu qiimeeyaa. Markaa, maanta (shalay) waxaan ku qancay inaan xilka ka tago.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasna.
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isna is-casilay waxa uu yidhi; “Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ahaa Wasiir Ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada, ka dib markii aannu aragnay Xisbigii Qaranka ee KULMIYE ee Xukuumiga ahaa ee lagu ballamay in tartan xor ah oo xalaal ahi ka dhaco cid gaar ah loo afduubo, arrinkaas ayaannu qaadan waynay. Annaga oo markii hore go’aanku ahaa Madaxweynuhu hadalkii uu ka sheegay Madaarka ee ahaa; ‘Xisbiga waa lagu tartamayaa anna dhex baan ahay, hadalkaas baannu haynay, laakiin hadallo ka duwan ayaa illaa xalay (habeen-hore) soo baxay, sidaa daraaddeed baannu go’aansannay oo aan kaga mid noqday Raggaa faraha badan ee Xukuumadda ka tegay.”
Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isna ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, waxaanu yidhi; “Sida ay saaxiibbadayba caddeeyeen waxaan caddaynayaa in Xilkii Wasiirnimo ee aan ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ahaa Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka inaan iska casilay. Laakiin, keliya waxaan rabaa inaan sheego nin Gabyey oo Cali-Dhuux la odhan jiray baa wuxu yidhi; ‘Rag Caddaalad waayaa sidii Cawsha kala yaac!.”
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda dib-u-dejinta Nimco Xuseen Qawdhan oo is-casishay waxay tidhi; “Waxaan halkan ka caddaynayaa inaan la qabo qolooyinka iga horreeyey inaannaan ku qanacsanayn maaddaama uu Xisbiga KULMIYE yahay Xisbi dimuquraaddi ah xidhitaankaa loo xidhay mid ka mid ah Musharrixiinta. Markaa, waxaan halkan ka caddaynayaa anoo ixtiraam badan u haya Madaxweynaha in Xilkii uu ii magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka dib-u-dejinta oo uu isagoo maankiisa iyo miyirkiisa qaba ii magacaabay, Odayna aanu ii geynin, inaan iska casilay.”
Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waxaan idiin caddaynayaa Xilkii Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ama Madaxweynaha inaan ka tegay.” Waxaanu u mahad-naqay Madaxweynaha oo uu sheegay intii Xukuumaddiisu jirtay inuu laba xil u magacaabay, si fiicanna u soo wada shaqeeyeen.
Wasiirrada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha Mawliid Waris oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen Xilka ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay xubnaha hadlay ee kor ku xusan isku mawqif ka yihiin, go’aankaasna wada-gaadheen.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) “Waa arkaysaan oo Wasiirrada is-casilay way dhacday, waxaannu ka shaqaynaynaa in dalka nabadgelyadiisu sugnaato, waxaannu ka shaqaynaynaa inay dawladnimadu innoo dhisnaato, Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Xisbiga KULMIYE-ba waxa ka wayn Somaliland, waxaanaynu nahay dal, waxaynu nahay Qaran, waynu u baahannay marka mid cadhoodo, mid nabadda ilaaliyana inaynu helno, waynu u baahannay inaynu dhammaanteen isku dayno in suluxa iyo nabadda ka shaqayno, waxaannu doonaynaa inaannu Jewiga ku soo dabbaalno jewi caadi ah oo uu ku noqdo nin weliba waxa uu tirsanayo, waxa deeqa nin walba oo lagu kala bixi doonaa caddaalad.”
Waxaan lagu guulaysan oo isaguna natiijo la’aan ku dhammaaday shir ay isla shalay ku dhawaaqistii is-casilaaddaas masuuliyiinta ka dib ay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici, Guddoomiye Muuse Biixi, Wasiir Cabdillaahi-Cukuse iyo Xubno kale ku yeesheen Qarsiga Madaxtooyada oo ay kaga wadahadleen waxa laga yeelayo xaaladda soo korodhay, ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday natiijo la’aan, markii sida wararku sheegeen aragtiyaha iyo doodaha ay xubnahaasi kala qabeen la isku mari-waayey sida la weriyey.
Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna dhiniciisa ka hadlay is-casilaaddan ay Masuuliyiinta Xukuumaddiisa ka tirsanaa xilka kaga tageen, waxaanu sheegay inuu Masuul kasta oo is-casilaa xaq u leeyahay hadduu la-jaan-qaadi kari waayo nidaamka dawladnimo iyo Madaxnimo ee uu dalka ku hoggaamiyo, mid kasta oo is-casilana halkiisa la buuxin doono.
“Is-casilaadda waxaan u arkaa dadku hadday Maamulka dawladda jirta iyo Madaxnimada la socon kari waayaan inay is-casilaan xaq bay u leeyihiin, dawladduna isku adkayn mayso ee inshaa Allah halkoodii dad kale uun baa galaya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da la hadlay shalay galab.
Waxa uu ku dooday Madaxweyne Siilaanayo inay dawladdu tahay Madaxtooyada, isla markaana dalka Somaliland Madaxtooyada laga maamulo, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Dawladdu waa Madaxtooyo, waxaa Xukuma Madaxweyne, wixii la socon kari waaya ee la jaan-qaadi kari waaya Maamulka jira iyo duruufaha dalka ka jira, dee ha is-casilaan hadday doonayaan oo ha iska tagaan halkoodiina dad kale uun baa galaya.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo la weydiiyey inuu dhex u yahay iyo inuu cid gaara wata Musharrixiinta jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE ku tartamaya maaddaama oo Masuuliyiinta is-casilay ku eedeeyeen inuu dhinac noqday, waxaanu ku jawaabay; “Eeddaas la ii soo jeediyay waxba kama jiraan, anigu cid aan garab siiyey ma jirto, arrintaas Golaha dhexe ayaa leh, Xisbigu qaab buu leeyahay oo sharciyad buu leeyahay. Markaa, cidda Golaha dhexe halka uu maro ee Xisbigu maro uun baan marayaa.”
Waa markii ugu horreysay ee Xukuumad Somaliland ka talisa ay intaas oo Masuul iska casilaan taariikhda, inkasta oo ay hore u dhacday in shan Masuul iyo in ka yarabi iska casilaan Xukuumadihii Somaliland soo maray, haddana waa markii u horreysay ee ay 11 Masuul hal maalin isku goob iskaga casilaan xilka. Waxaa hore khilaafka KULMIYE iyo is-riix-riixa Siyaasadeed ee Xubnaha Xukuumadda iyo Xisbiga ka dhexeeya awgood isaga casilay Xukuumadda Siilaanyo Wasiirradii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Wershadaha Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad) bilawgii Maarso ee sannadkan aynu ku jirno.
Magacyada 12-ka Masuul ee Xilalka ay Xukuumadda Somaliland ka hayee niska casilay shalay waxay kala yihiin sidan:-
1-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,
2-Wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis,
3-Wasiirkii Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed,
4-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cali Cabdi Saa’iq,
5-Wasiirkii Wasaaradda Caddaaladda & Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid,
6-Wasiirkii Shaqada & arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali,
7-Wasiir Ku-xigeenkii Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan
8-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda dib-u-dejinta Nimco Xuseen Qawdhan,
9-Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Deegaanka Axmed Maxamed Nuur
10-Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir,
11-Afhayeenkii Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,
12-Agaasimihii guud ee Wasaaaradda Wershadaha Mawliid Waris.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment