Thursday, October 29, 2015

Kaadh-Qaadashadii Silaanyo, Kormeerkiisii Xarunta Kulmiye, Maragsigii Muuse, Soo Dhaweynta Kaahin Iyo Eedaynta Ku-Xigeenada 2-Aad Iyo 3-Aad U Jeediyeen

“Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maaha inuu noqdo Siidhi wade haddana Kubbadda Ciyaaraya..” Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE

Hargeysa, 29 October, 2015-(Himilo)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay booqday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka socoto diiwaangelinta Xubnaha Golaha dhexe iyo qaadashada kaadhadhka, waxaanu qaatay kaadhkii uu kaga codeyn lahaa Shirka Golaha dhexe, isagoo ah xubinta koowaad ee Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Madaxwaynaha ayaa waxa Xarunta KULMIYE ku soo dhaweeyay hoggaanka Xisbigaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamed Kaahin Axmed iyo Xubno kale. Madaxwaynaha Somaliland oo markii la diwaangeliyey ee la sawiray isla-markaana la siiyey kaadhka uu ku codaynayo la hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay Wasiirradii iscasilay iyo arrimo kale, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirradii tirada badnaa ee iscasilay, waxaanu yidhi; “Farxad wayn bay  ii tahay maanta (Shalay) inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaaddo, xisbigii qaranka weeye, xisbigii Dawladda weeye, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa.”

Madaxweynuhu wuxuu si kooban uga hadlay wasiirradii Xukumaddiisa iska casilay; “Wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin. kuwa naga tagayna waxaan leeyahay ILLAAHAY meel khayr leh ha idin mariyo” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu intaa ku sii daray; “Annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawladda waxanu nahay dhexdhexaad, waxaanu nahay dawladdii Qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteen.  KULMIYE waa Xisbi ummaddu u soo jeedo weeye, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaaddo oo aan ka qaato kaadhkii Golaha dhexe, insha allahu tacaalaa waxaan rajeynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hoggaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin.”

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay inaanu Madaxweynuhu taageero gaar ah u muujin, waxaanu yidhi; “Maalmahan waxaa socday buuq Warbaahinta ay wadeen, xubno Wasiirro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku andacoonayeen Madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo Madaxweynuhu ila jooga waxaan ka caddaynayaa Madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexasha iyo garab taabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo ii gaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu Madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in Xisbigu inuu yahay mid dimuquraadiya.”

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee Xisbiga KULMIYE oo ka soo horjeeda Musharraxnimada Muuse Biixi iyo Taageerada la sheegayo in Madaxweynuhu u ballan-qaaday, ayaa sheegay in habka diwaangelinta iyo qaadashada Kaadhka Xubnaha Golaha dhexe uga socoto Xarunta dhexe ee KULMIYE tahay mid aan caddaalad ku salaysnayn isla-markaana taageerayaasha Muuse Biixi si gaar ah u maamulanayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbigaas Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, isla-markaana ka mid ahaa Xubno uu Madaxwaynuhu toddobaadkii hore ku daray kuwa wada hawsha diyaarinta Shirka Golaha dhexe, ayaa sheegay in Xubnaha dhanka Muuse ka socda ee bixinaya kaadhka Golaha dhexe diideen inay la shaqeeyaan.

“Inaannu diyaarinno Saaxad caddaalad ah  ay Musharraxiinta KULMIYE ku loolamaan waxay ka suurtagali wayday oo diiday inaanu laba xubnood ku derno xubnihii sii joogay oo xitaa diiday inaanu hubinno Xubnaha Golaha dhexe ee Isdiwaangeliyey.” Sidaa waxa sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee KULMIYE, waxaanu intaa ku daray; “Markaanu soo hadal qaadnay inaanu laba xubnood ku darno qoladii sii joogtay ee ka shaqeynaysay Diwaangelinta waxay gaadheen inay fadhiga ka kacaan oo ay ka dhaartaan inaanu ku darno Xubno kala shaqeeya.”

Xildhibaan Talyanle oo sii hadlaya, ayaa ku dooday in gabi ahaanba sida loo wado bixinta kaadhadhka Golaha dhexe tahay caddaalad-dero iyo musuqmaasuq. “Markaa annaga ayaa gunta soo xaadhnay oo waxbay huurinayaan, waxbay qarinayaan, waayo ? waxay diideen inaanu isla eegno xubnaha Golaha dhexe wixii dhintay iyo kuwii xilalka Wasiirrnimo iyo Xilalka beeleed isku hayey sidi loo buuxin lahaa.” ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Waabeeye, ayaa isaguna sheegay, “Annagu hoggaan ahaan haddaanu wadno sidii shirku u qabsoomi lahaa oo aanu raadino kharashkiisii waxa bannaan oo cid kale iska wadataa diwaangelintii oo hadba tiro la iska sheegayaa oo la odhanayaa intaas baa la diwaangeliyey. Markaa labadaa xubnood ee ay diideen in lagu kordhiyo xubnaha diwaangelinta Golaha dhexe waxay caddaynaysaa inay wax qaldan yihiin oo ay wax qarsanayaan, waxa halkaa ka socdaana maaha caddaalad.” Ayuu yidhi, waxaanu farriin u diray Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi; “Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maaha inuu noqdo Siidhi wade haddana kubadda ciyaaraya.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment