Tuesday, October 27, 2015

“Kulmiye ayaanu ka tirsanahay , waaka tartamaynaa, waxaanu aaminsanahay inaanu wali haysano aqlabiyada golaha Dhexe”Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali

 

Hargeysa (Himilo)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan  ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo saacadihii ugu dambeeyay magaalada  Hargeysa ay ku yeesheen masuuliyiintii shalay iska casilay Xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo.

Wasiirkii Hore madaxtooyada waxaa uu sheegay in shirarka ay qabsanayaan ay caadi tahay balse aan laga dhigin shirar dalka wax lagu yeelayo, maadaama buu yidhi dalka aan in badan soo dhisaynay.

Wasiir Xirsi waxaa kale oo uu sheegay inay diyaar u yihiin ilaalinta nabad galyada isagoo shaccabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada islamarkaana isdajiyaan maadaama aanay dhibaato jirin.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada oo maanta warbaahinta kula hadlay huteel Guuleed waxaa uu yidhi“Kulan siyaasadeed ma jirin ee waxaanu halkan iskugu nimid asxaabtayadii, waa iska shir caadiya oo maalin walba waa la iskugu yimaadaa Huteelada”

Xirsi Xaaji Cali oo hadalkiisa siiwataa waxaa uu intaasi ku daray “ shalay ayaanu xilka ka tagnay qaranka waxaanu usoo shaqaynaynay mudo shan sano ka badan, horteedna waanu ka shaqaynaynay, Qaranku waa qarankayagii , waanu sii dhisaynaa, waanu sii horumarinaynaa oo xumihiisa ka shaqayn mayno,”

Wasiirkii hore ee madaxtooyada oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu sheegay inay ka midyihiin xisbiga Kulmiye islamarkaana ay ka tartamayaan isagoo rajo wayn ka muujiyay in haystaan aqlabaiyada Golaha dhexe ee Kulmiye“Xisbigana Kulmiye ayaanu ka tirsanahay , waaka tartamaynaa waxaanu aaminsanahay inaanu wali haysano aqlabiyada, wax dhibina ma jiro.”

Wasiir Xirsi waxaa uu shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan nabadana ilaashadaan “Dadka waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan inay isdajiyaan, oo dalka inoo wada ilaaliyaan danteena ayaa ku jirtee, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahay ee kuwii laga eegi lahaa ma nihin.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment