“Xisbiga waxa loogu tartami doonaa si dimuquraaddi ah oo loo siman yahay…” Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo
“Adeer Taleefan waxba kaaga sheegi maayee, ii kaalay haddaad Weriye tahay..” Xildhibaan Axmed Weysa-cadde
Hargeysa, 21 October, 2015-(Himilo)- Qoraal Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland iyo Masuuliyiin kale ay doonayeen inay kaga saxeexaan Xubnaha Beesha Habar-Awal ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE inay isku raacssan yihiin Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Madaxweyne-nimada KULMIYE, isla markaana loo geyn lahaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, fashilmay, ka dib markii ay ku gacan-saydheen inta badan xubnaha aqbalaadda saxeexaas laga doonayey sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ila-wareedyo xog-ogaal ah oo si dhaw ula socday hawshaasi.
Qoraalkan oo la sheegay in Xildhibaannada Ibraahim Axmed Haybe (Kacaan) iyo Axmed Weyso-cadde oo Golaha Wakiillada ka wada tirsan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) ay wadeen, ayaa ila-wareedyada Himilo soo xigtay sheegeen inay ku gacan-saydheen aqbalaadda saxeexaas badi xubno Beesha ka tirsan ee ay ula tageen aqbalaadeeda, rabitaanka kootadaas Muuse lagaga reebi lahaa Musharrixiinta kale ee jagada Madaxweyne-nimada kula tartami doona.
Ujeeddada qoraalkaas ayaa ahayd inay xubnaha hawsha waday ku caddeeyaan in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi taageero buuxda ka haysto xubnaha Beeshiisu inay isku raacsan yihiin Musharraxnimadiisa oo ay taageersan si Madaxweyne Siilaanyo loogu qanciyo, xubno xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo xalay.
Hase-yeeshee, waxa qorshahani ka hor-imanayaa hadalkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Axmed-Siilanyo ku sheegay in Xisbiga KULMIYE loogu tartami doono si dumuquraaddi ah. “Xisbiga loogu tartami doono si dimoqraadi ah oo loo siman yahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo mar uu Saxaafadda kula hadlayey Qolka Nasashada Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Isniintii toddobaadkan oo uu ka soo laabtay Safar uu dibedda ugu maqnaa.
Xisbiga KULMIYE oo Golahiisa dhexe ay ku jiraan dhammaan Beelaha wada dega Somaliland, Xubnana ka yihiin, ayaa maqalka qorshaha Kooxdani ku noqonayaa bar madoow oo taariikhda u gasha, isla markaana ka hor-imanaysa Xaqa Xisbiyahannada KULMIYE, Shuruucda iyo Xeerarka Xisbiga KULMIYE, Dastuurka Somaliland oo caddaynaya in Muwaaddin kastaa xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto iyo weliba Xeerarka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo iyaguna sidaas qaba. Sidoo kalena ka hor-imanaysa nidaamka Xisbiyada badan iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda ee Somaliland ka hirgelay oo dhigaya in Xisbiyada dhexdooda lagu soo tartamo, ka dibna ay Shacabku codkooda ku kala reebaan dadka ay Xisbiyadu iska soo dhex-doorteen ee u tartamaya doorashooyinka Golayaasha kala duwan ee Qaranka Somaliland.
Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo Xubnaha la sheegay inay dabada ka riixayaan Qoraalkaas la tibaaxay inuu fashilmay, balse Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor ayaannaan ku helin Khadka Taleefanka ka dib markuu qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu ka wacnay. Sidoo kale, Xldhibaan Axmed Weysa-cade oo aannu la xidhiidhnay ayaan beenin, xaqiijinna jiritaanka qoraalkaas. “Adeer Teleefan waxba kaaga sheegi maayee, ii kaalay haddaad Weriye tahay.” Sidaa ayuu ku jawaabay Xildhibaan Waysa-cadde mar Weriye Wargeyska Himilo ka tirsani Taleefan wax kaga weydiiyey qoraalkaas xalay.
Dadka sida dhow ula socda olelayaasha Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ugu tartamayaan Musharraxa u meteli doona Xisbiga doorashada Madaxtinnimo ee KULMIYE, ayaa ku fasiraya inay muujinayso sida kooxda wadata werwer weyn uga haysto natiijo ay ka gaadhaan tartanka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, sidaa darteedna weli ay quuddarraynayaan inay ku helaan tartan la’aan damacooda.
Xogaha Wargeyska Himilo helay, ayaa intaa ku daraya in xubno ka tirsan Xildhibaannada Beesha Habar-Awal qorshaynayaan kulan ay la yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo, kagana hadlayaan in tartanka Musharraxnimada Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye uu noqdo loo siman yahay, oo si dimuquraaddi ah loogu tartamo.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment