Wararka Wargeyska Himilo helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Silaanyo uu qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay labada garab ee xisbiga Kulmiye ee ay kala hogaamiyaan labada musharax ee kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, kulankaasi oo aan warbaahinta loo ogolaan ayaa ilo wareedyadani ku sheegeen in ujeedadiisu ahayd sidii madaxweynuhu ugu kuurgali lahaa xaalada dhabta aha ee xisbiga kulmiye iyo heerka khilaafka kala qaybiyey xisbiga kulmiye iyo halka ay marayso hawsha loogu diyaargaroobayo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, intaasi ka dibna ilo wareedyadani waxay intaasi ku dareen in labada dhinacba madaxweynuhu u gudbiyey go'aan uu ku badbaadinayo Xisbiga Kulmiye kaasi oo ah in hawsha qaban qaabada shirka golaha dhexe ay faraha ka qaadaan oo ay ka madax bannaanaato guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici maadaama oo ay yihiin musharixiin u tartamaysa jagooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, sidaasi awgeedna hawsha diyaarinta shirka golaha dhexe ee kulmiye loo xil saaro guddi ka kooban labada dhinac iyo xubin dhexdhexaad ah oo kala ah sidan:-
- Axmed X cali cadami
- Maxamed x yuusuf (Waabeeye).
- Cabdiraxmaan Maxamed (Talyanle).
- Maxamed Kaahin Axmed.
- Xasan Siciid Yuusuf.
Guddidaasi ayaa la filayaa in guud ahaanba hawshii golaha dhexe si rasmi ah dib u eegaan oo ay hubiyaan si ay dhinacyada isku khilaafsani ugu qancaan, balse ilaa hadda lama saadaalin karo guddigaasi sida ay u wada hawl gasho iyo sida ay u hagi doonaan shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la filayo inuu magaalada Hargeysa ka qabsoomo 10-ka Bisha November ee sanadka 2015.
Geesta kalena waxa goor dhaw la filayaa in si wada jir ah labada dhinac shirjaraa'id u wada qabtaan isla markaana ummadda ugu soo bandhigaan qorshahani.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment