Thursday, October 22, 2015

Madaxtooyada oo ka hadashay dhalliil Xoghayaha Warfaafinta WADDANI u jediyay Madaxwaynaha

Hargeysa, 22 October, 2015-(Himilo)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabtay eedaymo Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyeen Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, kuwaas oo la xidhiidhay safarkii uu dhawaan kaga soo laabtay Ireland, Wareejinta Haamaha kaydka Shidaalka Berbera iyo arrimo badan.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, oo Xalay khadka Telefoonka ugu Waramay Wariye Cabdiqaadir Aadan Cara boo ka tirsan bahda Wargeyska Himilo ayaa isaga oo deba socda eedaymo shaqsi ah oo Xisbiga WADDANI u jeediyay Madaxwaynaha waxa uu yidhi “Markii uu Madaxwaynuhu ka soo noqday Safarkii Ireland oo guul ku soo dhamaaday waxa uu Afhayeenka Xisbiga WADDANI u jeediyay dhaleecayn waxaanu yidhi Madaxweynuhu saddex daqiiqo ayuu hadli kari waayay, aad iyo aad baanu uga xunahay dhaliisha noocaas ah waayo? waxay ahayd safarkaasi guul buu ku soo dhamaaday waxayna ahayd in Mucaarad iyo Muxaafidba isku aragti laga ahaado, Maadaama oo ay tahau guul Shacabka Somaliland dhammaantii u soo wada korodhay. Madaxwaynuhuna isagoo War-bixinta hore u jeediyay haddana markii uu dalka ku soo noqday hadal buu jeediyay dadka iyo dalkuba ku farxeen, sidaa daraadeed Xisbiyada Mucaaradka waxaanu leenahay tartan baa innaga dhexeeya ee Barnaamijyadiina soo bandhiga. Laakiin, yaanay shaqadiina noqon inaad Madaxda Qaranka caydaan, waayo? Madaxwaynuhu waa Madaxwaynaha UCID, waa Madaxwaynaha WADDANI, markaa waa in sharaftiisa iyo karaamadiisa uu qof kasta oo masuul reer Somaliland ah waa inuu ilaaliyo. Nidaamka Maamulka ayaa wax laga sheegaa, laakiin Cayda Shaqsiga ee Madaxweynaha runtii qofka sheegaya iyo ka dhagaysanayaba uma wanaagsana.”

“Ninkaa Madaxwaynaha eedaynayey oo aanay da’diisu aanay ka yareyn 70 jir haddana erayada uu ku hadlayey waxaad u qaadan kareysay inay ka soo maaxanayaan Maskax Sagaal jir ah.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray; “Waxa kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo Xildhibaan doonaya inuu Berbera dab ka huriyo oo uu dhibaato ka sameeyo. Xildhibaanku wuxuu sheegay in Xukuumaddu ka waddo Berbera nabadgalyo dero, waxaan leeyahay dawladdu waa dawlad nabadgalyo oo waxaa Qaranku ku taagan yahay waa nabadgalyadaa dawladdu ka shaqeynayso habeen iyo maalin. Dawladdu Shacabka Somaliland way u talinaysaa wayna u tudhaysaa, waxay ugu talinaysaa in wixii loo doortay ay qabato awoodaheedana ay fuliso wixii sharcigu u ogol yahay oo aanay cidna uga habranin.”

Afhayeenka oo la waydiiyey dhacdooyinka lagaga soo horjeedo wareejinta Haamaha ee Maalmahan ka dhacayey Berbera iyo inay ka turjumayaan aragtida Shacabka reer Saaxil ka qabaan Xukuumadda ayaa ku jawaabay; “Waxyaabaha dhacay ee Berbera waala buunbuuninayaa oo sidaa uma jiraan. Shacabka reer Saaxil waxay qabaan aragtida Shacabka reer Somaliland, waxay qabaan in nabadgalyada la ilaaliyo oo dawladda ayay la socdaan, laakiin ummad kasta oo is tidhaahda tallaabooyin horumarineed qaad lagama waayo shaqsiyaad is yidhaaha nabadgalyada wax yeel, kuwaasina waxba yeeli kari maayaan Qarankan.”

Afhayeenku waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah ku eedeeyay inay qorshe ku dhigteen in xisbiga KULMIYE is khilaafo oo uu kala tago. “Xisbiyada Mucaaradka ah waxaan leeyahay haddaad is lahaydeen KULMIYE ha kala tago wuu heshiiyey.” ayuu yidhi, waxaanu Mucaaradka ku waaniyey inay u tudhaan dalka isla-markaana waxqabadka Xukuumadda aanay iska indho-tirin.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment